Deg Deg::Muuse Biixi Oo Ka Baaqday Safar Uu Berbera Ku tagilaha xaalad Amaan Awgeed,

War deg deg ah oo hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madaxweynaha  Maamulka Soomaaliland  Muuse Biixi Cabdi uu baajiyey safar uu ku tegi lahaa magaalada Berbera ee xarun goboleedka Saaxil Somaliland.

 

Muuse Biixi Cabdi  ayaa xariga ka jari lahaa wajiga aad ee dhismaha dekedda magaalada Berbera oo qayb ka ah dhismaha shirkadda DP World ay ka fulinayso magaalada Berbera, waxaana arrintaasi ka soo horjeestey shacabka magaalada Berbera.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno Berbera ayaa sheegaya in maamulka magaaladu uu madaxtooyada Somaliland ku wargeliyey in cabsi ay ka qabaan kacdoono ka dhan ah madaxweynaha Jeegaanta iyo DP World inay magaalada ka dhacaan ayna xaaladdu ku haboontahay in safarka dib loodhigo.