Saaka waxay ahayd dharaar kale oo dhalinyarada Gaalkacayo uga duwanayd nolol maalmoodkoodii caadiga ahaa, iyagoo xiran weer cas kuna dhawaaqaya erayo ay ka mid yihiin “ I dishaye maxaan ku dhimay “, “ Waxaan rabnaa Cadaalad , waxaan rabnaa adeeg cafimaad” ayay isugu soo baxeen wadooyinka waaweyn ee magaalada Gaalkacayo iyagoo ugu danbayn isugu biya shubtay garoonka wayn ee kubadda cagta Cawaale Stadium, arday ku labisan dharka iskuulka ayaa iyaguna qayb ka ahaa mudaharaadkaan oo si wayn magaalada looga dareemay, dhalinyaradii hogaaminaysay mudaharaadka oo halkaas ka hadlay waxay aad ugu dheeradeen dhibaatada haysata dhalinyarada Gaalkacayo gaar ahaan dilalka maalayacniga ah ee loo gaysto iyadoo aysan jirin cid loo horkeeno cadaalada.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!