Deg Deg Daawo Video:Ceerigaabo Ka Baxaysa Gacan SNM iyo Ciidamo Labo Jiho Ka Soo galay.
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo culus oo ciidan uu saacadidii ugu danbeeyay laga dareemayo furimaha ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.
Halkan Ka Daawo Video
Somaliland ayaa la sheegay inay heegan gelisey ciidamadeeda ku sugan gobolka Sanaag gaar ahaan deegaamada hoosyimaada magaalada Ceerigaabo, oo ay dhowaan ku dagaalameen ciidamo uu hogaaminayo corneal Jamaal Baaxad iyo ciidanka Somaliland.
Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa booqday fariisimada ciidamada maamulka Somaliland ee kuyaal duleedka magaalada Ceerigaabo, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay isaga difaaca lahaayeen cidkasta oo ku soo qaada dagaal.
Taani ayaa waxa uu lakulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidamadii galay dagaaladii ugu dambeeyey, wuxuuna siiyey dardaaran xoogan oo ku aadan inay dagaalka sii wadaan.
Si Kastaba Ha Ahaate Ceerigaabo ayaa haatan ku jirta Go’doon Iyadoo Laba dhinac Ay ka Kala Fadhiyan Ciidamada Puntland iyo Kuwa Jabhada Garxajis