Deg Deg::Doorashadii Garoowe Ee Maanta Ayaa Ku Soo Baxay

Wasiirka qorsheynta dowlada federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku guuleystay doorashada Kursigii Golaha Shacabka Soomaaliya ee saaka lagu qabtay magaalada Garoowe.

Jamaal Maxamed Xasan wasiirka Qorsheynta ayaa ka guuleystay shakhsigii kula tartamayay kursiga isagoona helay codad gaaraya 49 cod, halka laba ka mid ah codadkii la dhiibtay ay xumaadeen, sida ay ku dhawaaqeen gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Maxamuud C/laahi Maxamed oo ahaa shakhsigii wasiir Jamaal uu kaga guuleystay doorashada ayaa soo dhaweeyay natiijada kasoo baxday codeynta doorashada kursiga golaha shacabka inkastoo uu u muuqday shakhsi meesha la keensaday oo iska tartamayay.

Kursiga uu wasiir Jamaal ku guuleystay ayaa horeyba loogu saadaalinayay in uu kusoo baxayo maadama horey beesha iskaleh kursigan ay sheegtay in cabasho ka muujisay hanaanka loo qaban qaabinayo doorashada walow markii dambe lagu guuleystay in la xaliyo.