Wararka maanta naga soo gaarayo deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,ayaa sheegaya in Xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo deegaanka Tukaraq oo ay Ciidamada Maamulada Puntland iyo Somaliland isku horfadhiyaan.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Puntland ayaa ku adkeysaneyso iney gacanteeda ku soo celiso deegaanka Tukaraq iyo deegaanada kale ee ka tirsan Gobolka Sool.
Mararka qaar waxaa deegaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa laga maqlayaa rasaas iyo madaafiic goos goos ah,kuwaasi oo ciidamada Puntland iyo Somaliland oo isku horfadhiya jiidaha hore Tukaraq.