War Deg Deg Ah::Fanaanad Caan Ah Oo Muqdisho Ku Geeriyootay

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadda Shamsa Xuseen Shumey oo kamid aheyd fanaaniinta hoobalada Qaranka Waabari.

Fanaanada ayaa la sheegay in ay u geeriyootay xanuuno mudooyinkii dambe hayay, waxaana geerida fanaanada xaqiijiyay fanaaniin kamid ah hoobalada Qaranka Waabari.

Shamsa Xuseen Shumey ayaa sanado badan kamid aheyd hoobada Qaranka Waabari, waxa ayna fanaanadan qaaday heeso badan oo isugu jira wadani iyo Jaceyl.

Fanaanadan geeriyootay ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuro kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana geerida fanaanada ka tacsiyadeeyay fanaaniin iyo abwaano caan ah.