Inku dhow konton sarkaal ayaa tababar loogu soo xirey maanta magaalada Muqdisho iyadoo xiritaanka tababarkaasna ay ka qeybgaleen madax ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Turkiga.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan Ka Daawo Video
Saraakiishan oo ku qaatay dugsiga tababarka ee Turkisom ee ay dowlada Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho ayaa badankood ah dhalinyaro.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Indhoqarshe oo ka qeybgalay munaasabada xiritaanka tababarkan ayaa kula dardaarmay saraakiishan inay dalkooda u shaqeeyaan ayna soo celiyaan sumcadii ciidamada milatariga ku lahaayeen dunida.
“Waxaan Maanta aan ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinayay 47 Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka Qalin jabiyay kuliyada tababarka Turkisom ee Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Indhoqarshe.
Bilooyinkii ugu dambeeyay ayaa kulliyada ciidamada Turkisom waxaa lagu tababarayay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaana dugsigan ka qalinjebisay illaa iyo 185 sarkaal.