Xiisad ayaa Maaanta  ka taagan xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Hargeysa – sida aannu wararka ku helayno. Xiisadan taagan ayaa timid kadib markii guddoomiyihii golaha dhexe ee xisbigaasi Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac Shabeel oo xilka laga qaaday dhawaan xarunta xisbiga laga hor istaagay. Jaamac Shabeel ayaa xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi ugu baaqay dhawaan markii xilka laga qaaday in ay kulan deg deg ah iskugu yimaadaan maalinimada sabtida si ay uga arrinsadaan mustaqbalka xisbiga oo uu sheegay in uu meel adag haatan maraayo.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Halkan Ka Daawo Video

Ciidamo boolis ah oo xarunta ku sugan ayaa Jaamac Shabeel ka hor istaagay in uu guddaha u galo xaruntaasi, waxaana wararka aanu helayno ay sheegayaan in weriye Mukhtaar Mursal Xiin oo ka tirsan telefiishanka HCTV xabsiga loo taxaabay, waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan in weriyahan la xidhay xilli uu Jaamac Shabeel oo xarunta laga celiyey war ka duubaayay.