War Deg Deg Ah::Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Dalab U Diray Xisbiga Talada Haya Ee Itoobiya

Madaxweynaha Somali State Mustafe Maxamed Cagjar ayaa waxaa uu dawlada federalka ee Itoobiya ka codsaday in ay maamulkiisa ka qeyb geliso shirka golaha ee maamulka talada dalkaasi haya ee la magacbaxay EPDRF .

 

Mustaf Cagjar ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in arrintani maamulkiisa ay u horseedi doonto horumar iyo sidoo kale inay helaan isku filnaasho, maadaama ay hadda ka soo kabsanayaan rabshado colaadeed, taas oo ka dhaxleen maamulkii hore ee uu hogaaminayay Cabdi Maxamed Cumar oo haatan ku xidhan xabsi loona haysto dacwado la xidhiidha rabshado dhaliyay in ay ku nafwaayaan boqolaal soomaali ah .

 

Mustafe Maxamed Cagjar madaxwaynaha maamulka Somali State ayaa sidoo kale sheegay inuu rajo weyn ka qabo in xubno badan ay ku yeeshaan golaha wasiirrada ee ka soo jeeda qowmiyada soomaalida ah ee degan degaanada ay maamusho Itoobiya.