War Deg Deg Ah:;Laba Qarax Oo Hada Muqdisho Ka Dhacay,

Laba qarax oo is xig xiga ayaa goordhow laga maqlay aga-gaarka warshada baastada ee degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

Qaraxyada aya la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay aga-gaarka warshada baastada ee magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iyo wali ma cadda Khasaaraha ka dhashay qaraxyada, waxaana sida la tilmaamay qaraxyada ay ahaayeen miinada nooca dhulka lagu aaso.

 

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay fureen rasaas markii qaraxyada ay dhaceen ka dib. lama oga cidda wax ku noqotey rasaastaasi.

 

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha qaraxyadani kala soco goor dhow Khaatumonews.com