600 Yaa beesha Daarood ku metela xisbiga cusub ee Xasan Shiikh sameeyey? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Yaa beesha Daarood ku metela xisbiga cusub ee Xasan Shiikh sameeyey?

Waxaa dhawan Muqdisho lagu shaaciyey in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud hogaamiye KMG ah looga dhigay xisbiga cusub oo la filayo in maanta oo khamiis ah si rasmi ah loo shaaciyo.

 

Xisbigan oo loo bixiyey Xisbga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa waxaa ku midoobay Daljir, Daamujadiid iyo kudladda Horuosocd. Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah yaa beesha Daarood ku metelaya Xisbigan?

 

Xisbiga cusub ee UPD waxaa beesha Daarood ilaa iyo hadda sida muuqata ku metelaya Cabdikariin Xassan Jaamac oo ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta xukumaddii Shiekh Shariif Shikeh Axmed, hadana ah gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho, iyo Cabdirashiid Xaashi oo ah madaxa machadka Heritage.

 

Cabdikariin Xassan Jaamac waxa uu ka soo jeedaa beelweynta Harti Darood, gaar ahaa Dhulbahante, halka Cabdirashiid Xaashi uu ka soo jeedo beesha Leylkase. Labadan siyaasi ayaa ka mid ahaanshaha xisbiga ka sokow rajo ka leh xilal sare haddii Xasan Sheekh kusoo baxo doorashada 2021.

 

Jaamacadda City iyo Machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage waxaa leh ganacsato iyo siyaasiyiin ku boohoobay xisbigii Dajir ee ku biiray Dhaamujadiid, sidaas darteed layaab ma lahan in Cabdikariin iyo Cabdirashiid, labada xubno ka yihiin xisbiga.

 

Waxaa xusid mudan uu Cabdi Caynte hore masraxa siyaasadda ka soo fuulay Machadka Heritage oo uu ka ahaa gudoomiye kahor inta aan dowladdii Xassa Shiekh Maxamuud loo magacaabin Wasiirkii Qorsheynta, waxaana hadda muuqataa in Cabdirashiid uu waddadaas ku socdo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...