Deg Deg Daawo::Somalia iyo Sacuudiga oo Heshiisyo Waa weyn kala Saxiixday

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E Mohamed Abdullahi Salaad (Oomaar) ayaa Dalka sucuudida ugu qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta (Regional Aviation Safety Oversight Organisation) kaasoo ay dowladaha xubnaha ka ah ay iska kaashanayaan bad-qabka dayuuradaha isticmaala hawooyinkooda.

Intii lagu guda jiray safarkii shaqo ee dalka Boqartooyada Saudi Arabia ayaa Kulamo gar gaar ah oo ay yeesheen wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Mohamed Abdullahi Salaad iyo Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo madaxa Shirkadda Saudi Airlines

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa kulankoodi uu guul ku dhamaaday iyo is afgarad, iskaashi labada dal iyo sidii shirkadda Saudi Airlines loogu furi lahaa khadka Soomaaliya isla markaasna inaan yeelano iskaashi caalami ah.

Mohamed Abdullahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada wadan.

Dowladda Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaa sidoo kale ay kamid tahay wadamada xiriirka dhinaca Diplomaasiyadda la leh Dalka SOomaaliya,kaasi oo ahaa mid soo jireen ah.