Waxaa goor dhow Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaaray Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo xili hore ka baxay Al-shabaab
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Shacab fara badan iyo qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxtinimada Maamulka Koofur galbeed ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Mukhtaar Roobow.
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo inuu yahay Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayuu Sheekh Mukhtaar u Mahadceliyay shacabka iyo Musharixiinta soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay.