War Deg Deg ah:Musharax Garoowe Dagaal kaga Dhawaaqay

Musharaxa madaxweeynaha Puntland ee doorashada 2019, General Maxamed Axmed Jaamac (Shaalle) oo khudbad u jeedinayey boqolaal kamid ah taageerayaashiisa ayaa ku dhawaaqay dagaal culus.

 

Musharax Shaalle ayaa shaaca ka qaaday in hadii uu ku guulaysto xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019 uu bisha ugu horayso dagaal ku qaadi doono fariisimada Alshabaab iyo Daacish ee buuraleeyda Galgala iyo Qandala.

 

Shaalle ayaa sheegay inuusan aqbali doonin in halkaasi mashruuc ay noqoto uuna labada bilood ee ugu horaysa ku soo afmeeri doono dagaalyahanada ku dhuumaalaysanaya buuraleeydaasi.

 

Dhinaca kalena, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in xal laga gaaro dagaalka gobolka Sool isla markaana uu soo xiri doono xuduudaha dastuuriga ah ee Puntland haddii loo doorto xilka madaxtinimada Puntland.