War Deg Deg Ah;:Madaxtooyada Puntland Oo Shir Dag Dag ahi ka socdo iyo Xoreenta Gobolka Sool,

Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in qasriga madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ay ka dheceen kulamo xasaasi ah oo looga arrinsanayey xaaladda gobolka Sool.

 

Kulamadaan xasaasiga ah ee diiradda lagu saarayey dagaalka lagu xoraynayo gobolka Sool ayaa waxaa la sheegay inay ka qaybgaleen madaxda Puntland, gudiga difaaca iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada Puntland.

 

Warar hoose KHAATUMONEWS.COM ay heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isku diyaarinayo dagaalo lagu qaado gobalka Sool, oo ay Somaliland haysatay 12kii sanno ee lasoo dhaafay.

 

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ah meeshii ugu dambeysay ee gashay gacanta maamulkaas ayay ciidamada Somaliland qabsadeen bilowgii sannadkan, waxaana ka dhacay dagaalo khasaare nafeed sababa

 Khaatumo News Online