War Deg Deg ah::Jidka Isku Xidha Burco iyo Hargaysa Oo Saaka Xidhan,

Dawga magaalada Sheekh oo isku xidha gobolada bariga iyo galbeedka ayaa saaka lagu soo warramayaa in uu xidhan yahay. Dadka deegaanka oo la hadlay Khatumonews.com  waxay sheegeen in dawga saaka la xidhay 6-dii subaxnimo saacadda geeska Afrika.

 

Wadada dawga oo burbursan ayaa la sheegay in dib u haybeyn iyo dayactir lagu sameynaayo – sababta loo xidhayna ay taasi tahay.

 

Isku socodka gobolada bariga iyo galbeedka ayaa haatan hakad ku jira, ku dhawaad 100 gaadiid ah ayaa lagu soo warramayaa in ay halkaasi ku xayiran yihiin. Lama oga goorta dib loo furaayo dawga.

 

Gaadiidka qaadka sida ayaa la sheegay in ay toos u marayaan wadadaasi halka ay xaniban yihiin gaadiidka kale ee dadweynuhu..