600 War Deg Deg Ah::C/wali Gaas Oo Taliye Ciidan U Magacaabay Sarkaal Naxdin Galiyay Jabhada SNM, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::C/wali Gaas Oo Taliye Ciidan U Magacaabay Sarkaal Naxdin Galiyay Jabhada SNM,

Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa loo magacaabay xil cusb oo taliyenimo

Digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Cumar Cabdullaahi Faraweyne loogu magacaabay Taliyaha ciidanka kaydka Puntland.

 

Ciidamada keydka ayaa ah ciidamo beelaha Puntland keeneen oo boqolaal kamid ah ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ka jirto colaad u dhexaysa Puntland iyo aJabhda SNM

 

Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo mar soo noqday Taliyha ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweyne Gaas Guddoomiyaha gobolka Nugaal ka qaaday 24-kii bishii hore ee September.

 

Madaxweyne Gaas ayaa muddooyinkii u dambeeyay magacaabay Taliyeyaal ku cusub Puntland oo ay kamid yihiin Taliyaha la dagaalanka mukhaadaraadka, Taliyaha Xasilinta Nugaal iyo Taliyaha ciidamada keydka.

Hoos ka akhriso digreetada

Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

 

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

 

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

 

Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...