Jabhadda uu hogaamiyo Corneal Caarre ee ka dagaalanta gudaha SNM isla markaana saldhigyada milatari laga siiyey Puntland ayaa waxaa ay soo bandhigtay ciidamadii ugu badnaa oo ay tababar u soo xirtay.
Jabhadda ayaa sheegay in ciidamadaani ay soo qaateen tababar dhowr bilood ah isla markaana ay hadda diyaar u yihiin ka qaybgalka dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Muuse Biixi ee maamulka SNM.