Deg Deg Daawo Video:C/wali Gaas Garoowe Oo Kana Hadlay Xaalada Sanaag iyo Boosaaso,

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo mudo Ka badan 10 cisho Safaro Ugu Maqnaa Gobolada Sanaag iyo Bari ayaa Maanta ku soo Guryo noqday Magaalada Garoowe.

Halkan Ka Daawo Video

Gaas oo Ugu horeen Ka hadlay Wuxuu ku soo arkay Gobolka Sanaag ayaa sheegay in uu Halkaasi kula kulmay Dad u heelan Puntland Islamarkaana aan Hore Cid Madax Ahi ugu tagin o Qabay Baahi Maamul.

 

Dhanka Kale Waxaa Uu Ka Dayriyay xaalada Amaan ee gobolka  Bari Gaar Ahaan Amniga Boosaaso oo usheegay in ay Ku Soo Badanayaan Weerarka iyo Dilalka Alshabab.

 

Si kasta Ha ahaate Gaas ayaa si Bila Sanqadh ah Kusoo galay magaalada Garoowe Xili Xiisad Siyasadeed oo culus ka taagan Tahay Gudaha Garoowe Taasi oo  Salka ku haysa Arrimaha Isbadelka Doorasho oo madmadow badan ku jiro