R/wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa waxaa ay maamulka Somaliland ka codsatay inuu xaliyo khilaafka u dhexeeya maamulka Somaliland iyo dawlda Soomaaliya,Maadaama uu horey u xaliyay Muranka Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Axmed Xasan Cigaal, oo kamid ah Xubnaha Maamulka Somaliland oo la hadlay wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysalwasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika.
Sidoo kale Axmed ayaa wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysalwasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan.
Hadalkan ka soo yeedhay Maamulka Somaliland ayaan la ogeyn sida uu ugu falcelin doona R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.