Ciidamada ammaanka maamulka SNM ayaa waxa ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku xireen labo oday oo kamid ah dadka sida aadka ah looga yaqaan gobolka Togdheer iyo guud ahaanba deegaamada SNm,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Labadaan muwaadin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Faarax Xuseen iyo Shaakir Deeq, waxaana la sheegay in siyaabo kala duwan laamaha ammaanku ay uga kala kaxaysteen goobaha ay ka degan yihiin magaalada Burco lamana ogo halka lageeyey ilaa hadda.
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Burco waxa ay sheegayaan in labadaan nin lagu xiray hadal ay warbaahinta siiyeen oo ahaa in gaadiid uu ka gubey Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo kamid ahaa Jabhadda ONLF haddana ku sugan magaalada Hargaysa.
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno waxa ay sidoo kale sheegayaan in beesha ay odayaashaasi ka soo jeedaan ay xarigooda ka carootay isla markaana ay taagan tahay xiisad u dhexaysa ciidamada ammaanka iyo dhalinyaro ay isku qoysyihiin raggaasi.