nta la hubo 3 qof dhaawac ah oo mid ka mid ah tahay dumar iyo saddex gaari ayaa waxyeelo kasoo gaadhey iska hor,imaad xalay saqdhexe ku dhexmarey GAROWE Dabley hubaysan oo sida la sheegay ka ganacsadda mukhaadaraadka/maandooriyaha iyo Ciidamo ka amar-qaata General Muxuyadiin Awmuuse oo dhawaan Madaxweynaha Puntland uu u magacaabay Taliyaha Xassillinta Gobolka Nugaal.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Labada dhinac ayaa isku fara-saarey xadka u dhaxeeya xaafadaha Wada-jir iyo Horseed gaar ahaan agagaarka Suuqa Bacad-laha iyo Xeradda Xerta,waxaana halkaas la isku dhaafsadey rasaas muddo saacad ku dhaw socotey.
Qaar ka mid ah saraakiisha booliska ayaa u xaqiijiyay Khaatumonews.comĀ dhaawaca saddex qof,kuwaas oo labo ka mid ah askar yihiin,halka qofka kalena yahay Dumar/Haweeney rasaas haboow ah haleeshay.
Sidoo kale wuxuu waxyeelo u geystay iska hor,imaadku saddex gaari oo sida la sheegay labo ka mid ah ay wateen dableydii/qaswadayaashii la dirirey ciidanka iyo gaari ka mid ah baabuurtii ay wateen ciidanku.
Dadka ku nool Aaga dagaalku ka dhacay waxay u sheegeen Khaatumonews.com rasaas guryahooda kusoo dhacdey,iyo Sas iyo Argagax soo wajahay madaama ay ku jirreen SAQ hurdo oo goor-dambe ahayd.
Sida muuqata tallaabadaan waxay qeyb tahay hawlgal ciidamadda xassilintu kula dagalamayaan Burcadda Hubeysan,kooxaha ka ganacsadda Mukhaadaraadka iyo Cid kasta oo loo arko inay lid ku tahay Amaanka.
Ugu dambeyntii ma jiro illaa iyo hadda masuul ka tirsan laamaha amniga iyo saraakiisha ciidanka oo warbaahinta faahfaahin ka siiyay sidey wax u dhaceen.? madaama dhacdadaasi hadal hayn ku abuurtey qeybaha bulshadda.