Deg Deg Daawo sawiro:Ciidaanka Khaatumo Oo Weerar Ku Qaaday Maleeshiyada SNM ee Tukaraq iyo Hub ay ka Furten.

Ciiidamada Khaatumo Jiida Tukaraq ee u hogaamiyo mujaahid Faysal falaalug Ayaa sheegay in dagaal dhexmaray ciidamada Somaliland iyo iyaga ay hub ka qabsadeen.

Saraakiisha ciidanka Khaatumo ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen ciidanka Somaliland uu ahaa mid ay jidka ugu galeen.

Waxaa ay saraakiisha Jabhada Faysal falaalug sheegteen in dagaalka uu ka dhacay agagaarka degaanka Tukarraq ee gobolka Sool.

Ciidamada Khaatumo ayaa ku faanay in ciidanka Somaliland oo qorsheynayay weerar ka dhan ah kuwa Harti ay jidka u galeen sidaasna uga furteen hubkii iyo rasaastii ay ku dagaal tagayeen.

Sawirraan ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ayaa muujinaya ciidamada Khaatumo oo gacanta ku haya hub aan sidaasi u sii tirro badnayn.

By BCB Garoowe