600 War Deg Deg Ah:Dawlada somalia ku dhawaaqday war culus iyo afar qodob | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Dawlada somalia ku dhawaaqday war culus iyo afar qodob

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

DHAMMAAD

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Nofaqash says:

    WAR WAXANI WADANKA YAAA KA QABTAA WAXEY KU LEEYAHII JAMHURIYADA FADARALAKA SOMALIYA MAGAC BEEN XATAA WAR KU SOO SAARYAAN MAANEY AHEYN DLAWADA FADARLAKA SOMALIA CIYAALAK VILAA SOMALIA JOOGA WAXEY DOONAN MA QADNAYAAN MALA A MAR DHAQWNA WAXEY SOO QOORI WAESAXFADED KA SOO BAXEY AQALAKA CAD VILLA SOMALIA KKK

  2. Somalilander says:

    Waa wax lagu qoslo… Kolka uu leeyahay “Dawlad ayaa wax ku dhawaaqday”. Waxa ka horaysa, hadii ay dhawaaqdo iyo hadii aamusto Farmaajo wax ay ku kala duwanyihin ma jirto.

    Imisa jeer ayay ku dhawaaqday wax oo cidna ka hoos qaadin?

    Ileen ceeb looma dhinto.

  3. No Dhaqash says says:

    Madaxweynaha Hadda Waa Asaga , Kan Afarta Sanoo Soo Socotana Waa Suurtagal Marka Loo Qiimeeyo Tartamayaasha Kale….Xalka Kaliya Ee Uu Ku Lumin Karaana Waa Asagoo Dagaal Sokeeye Beesha Hawiye Xamar Ku Burburiso Mar Kale, Taasoo Maanta Sida Ka Muuata Beesha Hawiye Ee Xamar Deggan Oo Cod Dheer Ku Yiri, Horta Hargeysa Iyo Growe Burburiya Oo Dagaal Ka Rida….Xamar Bullaal Baa Ka Muuqda Iyo Diidmo Dagaal Oo Ddaku Ka Caqliyaysteen ..

  4. Nofaqsh says:

    Shirka maxuu isgu yedhey 18 sawta shacbka Farmajo ku mudardaan ee loo balnsanyahey Farmajo iyo la taliyaashiisa malaa Gaasta Diyaardahey cabaan midan kale ma ah madaxweyen waa ku simi xilkisi waa dhmaadey magac madaxweyen ma qaadan karo sharci ahaan




script>
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...