600 Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu qaaday goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Dalxiiska ee magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 5 qof oo shacab ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku caweynayey goobta la weeraray.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka maamulkaasi ay ka bixiyeen weerarkan iyo howl-gallada xigay.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Kismaayo ku soo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, gaar ahaan weerarada loo adeegsado bambada ee ka dhaca magaaladaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Guled says:

    asc dhamaan dadweynaha macaamiisha la ah webkan iyo masuuliyiinta webvkan
    waxaan rabaa inaan fikirkayga ka dhiibto bamkaa kismaayo ku qarxay waxay ila tahay in bamkaas ay ka danbeeyaan ciidamada madoobe meesha ku urursaday ee ciidan beeleedka ah kuwaas oo asalkoodii ahaa liyuu policekii cabdi ilay la shaqaysan jiray intaanay xidhin dawlada ethiopia.


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...