600 Deg Deg:Ciid Mubaarak Soomaaliya | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Ciid Mubaarak Soomaaliya

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa goor dhow shaacisay in Sabtida 23-ka May ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitri, kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay Soomaaliya

Wasiirka Awqaafta iyo Arirmaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xuseen, oo ay wehliyaan culumo uu ka yimid Sheekh Cali Wajiis, ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay in deegaano badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya laga arkay bisha.

Waxay sheegeen in ugu yaraan 8 qof la dhaariyey islamarkaana ay xaqiijiyeen inay bisha arkeen, ayaga oo jooga deegaano kala duwan.

Sidoo kale, raโ€™iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Soomaalida ugu hambalyeeyey ciidda, isaga oo muuqaal soo dhigay warbaahinta dowladda.

Goโ€™aanka dowladda ayaa yimid saacado kadib markii ay shaacisay in bisha la waayey sidaas darteedna ay ciidda tahay Axad, hase yeeshee waxaa kadib aad isu soo taray warka ah in bisha laga arkay meelo badan.

Ku dhowaaqista aragtida bisha ayaa waxaa ku horreeyey maamulka Jubaland oo shaaciyey in bisha laga arkay deegaano badan, sidaas darteedna ay ciidu tahay Sabti

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. LAFARUUGAAWI says:

    CIIDU CAAFIYA๐ŸŽ‡๐ŸŽ†๐ŸŽ†๐ŸŽ‡๐ŸŽˆ๐ŸŽ‰๐ŸŽ‰๐ŸŽ‰๐ŸŽ‰
    CIID MUBAARAK ASXAABTA REER KASTUUMO WEB

    WAA CIIDE CIIDA MAANTA.COM




script>
Daawo:Reer Buuhoodle Oo Kabo Ku Salaamay Xildhibaan Deni Usoo Diray,
- May 27, 2020
Waxaa Maanta Buuhoodle Soo gaadhay Xildhibaan Abdirisaaq Mohamed sahal Oo kamid Ah Barlamaanka ...
Deg Deg Daawo:Beesha Ugaadhyahan oo Digniin Udirtay Majeerten iyo Deni.
- May 27, 2020
Beesha Madaxweyne Ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Axmed Karaashoo Maanta warbaahinta kula hadashay Deegaanka ...
Daawo:Fadeexad Haweenka Majeerten Oo Si Xun U Weeraray Karaash,
- May 26, 2020
Haweenka Beesha majeerten ayaa si cadho leh uga hadlay khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku ...
Daawo::Beesha Mareexaan Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadalkii Ka Soo yeedhay Madeira
- May 26, 2020
Odayaasha waxgaradka Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ku sugan Caasimada soomaaliya, Muqdisho Ayaa Si kulul ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Hargaysa
- May 26, 2020
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay ...