600 Karaash Iyo Dhulbantaha Taageersanow Meesha U Baahan Fatta Dhugta Aynu la Aadno, | khaatumo news online
dahabshiil

Karaash Iyo Dhulbantaha Taageersanow Meesha U Baahan Fatta Dhugta Aynu la Aadno,

Tan iyo markii uu Soo baxay khilaafka U dhexeeya Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmed Karaash, waxaa jira dhalinyaro iyo dad badan oo ka soo Jeeda SSC oo aan la socon xaalada dalka oo si laab lakac ah ugu ololeenaya Karaash,

Axmed Karaash waxaa uu kamid ahaa 2012 Ragii Loo cimaamaday maamulkii Dhulbahante ee Barde Khaatumo Lagu dhisay,

Mudo ka yar hal sano ayuu Axmed karaash, isagoo Ah Madaxweynaha Khaatumo, waxaa uu Iska dhiibay Garoowe,isagoo Maamulkii dhamaa ee loo dhiibay ku badashay Wasiir Garowe ah,

Axmed Karaash maalintii uu Garoowe, Ka dagay ee u ka caraabay taleex Wariyaasha garoowe, waxay weydiiyen Axmed Karaashow Khaatumo ka waran “Khaatumo Anigay jeebka iigu jirta oo halkan ayaan la fadhiya mana jirto Khaatumo iga danbaysa”Ayuu yidhi.

Hadaan intaa kaga imaado waayaha Karaash Axmed Karaash iyo Dhulbahanta La qaxaya ee u badan dhalinyarada Facebook-ga Waxaa looga baahan yahay Tukaraq iyo Laascaanood inay kula dagaalaman oo Kula Diriirn Isaaqa hoganaya,

”Garoowe iyo Majeerten uma baahna Hadaan Run isku sheegno Dhulbahante Dalkiisi Cunay”

Sideebay Suuro Gal u tahay Nin Hal tuullo oo dhulkiisa kamid ah aysan Puntland Xukumin, oo Wax cashuur ah ka soo galin in uu dhaho waxaan is barbar taagaya nin dhulkiisa xor u yahay,

Dhulbahante Puntand wuxuu ku leeyahay 17 Xildhibaan ,Wasiiro Tiro Badan, Agaasimayaal, aan tiro lahayn Gudoomiyaal gobol, Madaxweyne, Ku xigeen intaas oo dhan Mushaarka ay qaatan waa cashuurta Garoowe Qardho Gaalkacayo Bosoaaso.

Ololaha Karaash iyo Fatta dhugta socota guul laga gaadhi maaye Aan isgaro dhulbahante oo meesha ubaahan Digdigta aynu la aadno.

Tusaale’Karaash Awood Ciidan weynu og nahay oo kuma joogo Garoowe kumana sii Haysan karo xilka hadi laga hor yimaado. Oo Awooda uu Garoowe ama kursiga ku haysan karo Tukaraq iyo laascaanood ayuu kaga saarilaha SNM,hal maalin xataa xabad ku muusan ridin sanadka iyo badh uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Karaash SNM,

Dhaqaalle uu Isku Difaacana Mahayo oo waa ninka maamulka Reerka kale ka ah Malxiiska ,

Ugu Danbayn waxaan leeyahay dagaal aad aragtaan guuldaradiisa maxaad iskaga xiijinaysan,

W/Q Cartan Darwiish

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. geelle says:

    Erayga layaabka leh waxa weeye, meel aadan shilin cashuur ah ka bixin, maxaad ka filaysaan, waa hadal weyn, puntland miyaanay sool iyo sanaag wax kaga cunin dawladaha deeqda bixiya, mise xagga Hargeisa ayaa loo soo mariyaa, waar illeen

  2. HILLAAC says:

    Waar cagta halloo dhigo sidaad moodaydaan maaha xaalkuye!

    Aniga aragtidayda, kooxda Garoowe ee ka shidaal qaata ABUDHABI IYO NAIROBI, waxa ay Karaash ka uriyeen in uu xiriir la leeyahay kooxda QADAR IYO ITOOBIYA ka shidaal qaata ee Xamar fadhida.

    Marka, shaki kuma jidho in Karaash marayo waddo ka xun tii uu hore u maray Dhoobo; waayo, waa QARAN DUMIS (sida ay qabaan kooxda Garoowe, ee dhexda uga xiran UAE iyo Kenya sidii KOROOWGII) ninkii Xamar xiriir la yeesha.

    Waana siyaasadihii SSDF iyo SNM ee ku aaddanaa curyaaminta qaran ka hana qaada jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiib wanaag ah in labada jabhadoodba burbur ku sugan yihiin maanta oo ay qarqarrada kaga hadhay.

    Dhinaca kale, shalay waxaa warqad dheer soo saaray kooxda isku magacawday MADASHA, ee iyaguna dhexda uga xiran UAE iyo KENYA. Markaad akhridaan warqaddoora, hal meelna kuma xusin arrintii BADDA iyo tacadiyada Kenya ka waddo ciidda Soomaaliyeed, oo ay ugu danbayday dadkii ay ku xasuuqeen gobolka Gedo.

    Waa run in laga hadlo joogitaanka sharci darrada ah ee ciidamada ITOOBIYA iyo xadgudubyada ay gaystaan, laakiin waxa ay ahayd in ay si guud uga hadlaan joogitaanka sharci darrada ah ee CIIDAMADA SAFKA HORE ee ay iyagu markii horeba saxeexeen soogelitaankooda. Waa halkii DABCASARE, DHUUSAA ka fakatay nimankaa.

    Markaad isku soo wada xoorido, waddanka Soomaaliya gacanta uguma jiro dadka Soomaaliyeed. Waxaa isku haysta quwado shisheeye oo kala adeegsanaya kooxo MAAFIYO ah oo aan xishoonayn oo iimaan laawayaal ah oo danleey ah oo sida ANYAXA diiranaya wax kasta. Dagaalka Deni iyo Karaashna halkaas buu daaran yahay aniga aragtidayda. Wbt

    • geelle says:

      Dadka marka awoodda ka dhammaato, itaal waayaan, waxay u leexdaan dhinaca habaarka, odayga Hillaac waxana moodayey nin waxooga qolodan kale ee reer miyiga u badan ee halkan soo gala ka yara caqli badan, balse arrimihii markay ku adkaadeen buu maanta xaggii Habaarka u bateen, Carabta ayaa ku maahmaahda marka gacantaadu waxna kaa celin karin, kii Aad jeceshahayna gacantaadu taageeri karin, kan kuu xunna Habaar u miciinso, kan kuu fiicanna carabkaaga dheeree oo shukri ama mahadnaq ugu dhawaaq, wuxuu ku leeyahya qarqarka ayey kaga hadhay Somaliland, waa Habaar, adeer ha karaamo seegin Habaar layga kari waye, tan african dhinac ka ilaaliyo, dhinacna Salaad Cali Jeelle iyo Ali Geeddi baadda kaga qaadayaan Xamar baan kugu haynaynaa, dhinac Alshabaab dul fadhido, taas baad dawlad u taqaane, wallaahi inaanay lug ku taagnaynayn, nin gurigiisa jooga dadkiisa laga ilaalinaynin, habaar waxba ka qaadi maayo

      • HILLAAC says:

        geelle- xabbaddaasu waa IGA FAKATAY markayga!

        Waxaan u jeeday mustaqbalka budhbudh bay ku danbaynayaan marka la eego sida ay wax u maamulaan.

  3. Dablariday says:

    PL 13kii sano ee u dambaysay waxay ka shaqaynaysay goballada Mudugh, Nugaal iyo Bari oo dadka degaa deegaandaasi isku tashi iyo horumarka deegaannadooda ku hawllanaayeen halka deegaannada SSC ay kooxo u dhashay deegaannadaasi Maamulka SNM U Gacam Haadinayeen Kuna Dhiiradeen Inay u Gacan Geliyaan deegaannadooda Maleeshiyaad Laga soo Daabulay Lughaya iyo Hargaysa kuwaasoo Waxyeello u gaysanayay Odayada Haweenka iyo Dhallinyarada Iskudayda inay ka dhiidhiyaan duullaank beeshaasi kusoo qaadady deegaannadooda… PL waxay rabtaa inay u gudubto codayn siyaadaeed iyo doorasho taasna suurtagal kama noqonayso inta 25ka Xildhibaan ee SSC ee aan tagi karin Deegaan doorashadooda ay joogaan Growe….sidaa awgeed wax macmo ah ma samaynayso in kuxigeenka iyo kooxaha kale ee ka soo jeeda deegaannadaasi iska tagaan, si PL u hesho Doorasho iyo dimoqraadiyad ….

  4. Yusuf says:

    CARTAN

    Ninkan la baxay Cartan oo magaciisa runta ah la yidhaahdu Cali Daahir, waa fule ay marna dhaleen marna ka qaba beesha Madheerteen ee yaanay dhalinyarada Dhulbahante dhagaysan beentiisa jaban waana in ay dhalinyarada ka difaacdo Ahmed Karaash dulmiga iyo tacadiga ay Majeerteenku uugu xidheen aqolkiisa waayo, Ahmed Karaash waa oday xanbaarsan magaca Dhulbahante oo Cartan iyo kuwo kale oo badan oo neceb aad uuuga magac iyo maamuus badan meel kasta oo uu joogo waayo, waxa ku fadhiyaa magaca Dhulbahante wayne. Dhnka kale Cartan miyaanuu ogayn in dhammaan ciidamada Somaliland ee fadhiya dhulka SSC ay 99% yihiin beesha Dhulbahante, sidaa awgeed, ma waxa uu Cartan doonayaa in uu isku daadiyo dhiigga Dhulbahante mise meel kale ayuu kala dagaalamayaa beesha Dhulbahante oo maamulka Majeerteen ee madaxwayne Dani baa dadka ku soo dhex tuuray.

  5. Xagar says:

    Geelyahow daaqday daaqday maalintaad tiin daaqdo baa laguu uaabas??bal aan dhawrno atoorkii habit dugaag biyaha u diiday meeshuu ku danbeeyo.

  6. Raamaleey says:

    Ascikhyaareey horta waxaan oran lahaa arinka Amed KARAASH iyo Wiilka Maxamuud Saleebaan waxaa Loobahan yahay in loocadalad falo inkasta oo WAXA LAYSKU haystaa Aanay U Oolin NIN ogaa IN Axmed karaash iyo Beesha SSC ee Uukasoojeedo Aanay tootali wax qasab ah oo MEESHA U yaala JIRIN waayo dee Oday axmed iyo BEESHA caawa Udoodaysaa Wax haba yaraatee FAA IIDAA OO AAN KA AHAYN WIIL 100 $ US DOOLAR QAATA OO ALSHABAAB ALQACIIDA IYO AYSAS KADIFAACA DHULKAAS PUNTLANTA RUNTAA MOOYEE WAXA KALE OO PUNTLAND IYO BEESHA UUKASOOJEEDO WIILKA MAXAMUUD SALEBAAN EE DENI WAA UUN CUNA QABATAYNTA DEEGAAMADA SSC OO UU U OGOLAADAY ODAY AXMED KARAASH IYO RAGII KURAALIGA NOQDAY IN SAAS AHAATO OO DHULKA SSC AAN WAX WAX TAR AH IYO WAX WAX QABAD AH LOOLA NIYEYSAN ODAY AXMED KARAASH IYO INTA CAAWA LAGUNTAN WAXAAN LEEYAHAY KHALAD HORE AY UGALEEN ODAY KARAASH IYO INTA KARAALIGA AHAYD IN SAAS 28SANO WAX AHAADAAN WAXAAN ORAN LAHAA KHALADKII 28SANO SOOSOCDAY WAR BILAA CALEEG KHALAD KALE HAKU SIXINA AXMED IYO RAGIISII KULASHURKADA AHAA DHIBAATADA IYO TAARIIKH XUMADA SIYAASAD XUMADA AQOON XUMADA FULAYNIMADA SAMIRLA AANTA IYO DULQAAD LA AANTA WAR MAANTA ARMAAN SIKALE ARINTA LOOGA FEKERAA NOLOSHA QAARKEED DHIMASHO DEG DEG AH OO LOODHINTO SIDII QOF MUSLIN AH OO NASAB AH XAQAANI AH BAA DHAANTA RAXIMULAAH SAYID MAXAMED CABDULE HASAN BAAN MAQLAY BAALAGA HAYAA DHAXAAN JELAADAY EE DHEG BAAN JALAQ LA II SIIN HADUU AXMED SII JOOGO IYO HADUU SAAS KUBAXO WELEE ISNA GUNIMO IYO BAHDIL QAADAY HADUU SIDAA KU TAGNA WELEE CEEB IYO FOOL XUMO MURUGO HUWAN KUTEG WAAYO MARKEDII HOREBA RAALI BUUKU AHAA INUU BOX QAAD LAQIIMO NOQDO AXMED KARAASH CAAWA WUXUU RABAA HIIL SHALAYNA WAAKAHIILIYEY TALEEX IYO REER SSC DHAMAANTOOD WUXUUNA GOD DHEER KU RIDAY ISAGA IYO INTII LAFEKER AHAA MUSTAQBALKA DAD DHAN HAL MILYAN OO MOORAAL DHAQAALE IYO MAGACBA GOD DHEER KAGA RIDAY ILAAHAY WAXAAN WAYDIISANAY INTAAS OO MASIIBAA KUWA NOOKASTAY INAY MAGACYAGA IYO MASIIRKA YAGA SAAS NOQDO IYANA IN AANAY MAHADIN QUUDHSIGA QURSHUUTA EE QAATAY UMADA AY MASIIRKOODA IYO HADAFKOODA AY BURBURIYEENA WAXAAN ORANLAHAA WAR CAANO DAATAY BA BARKOOD LAQABAY EE HALAYS BAR QABTO KARAASH KAQAAD OO QAWDHAN UDHIIBO WAAD GARAN KARTAAN WAXA SAAS LOOGA DHIGAY WAA KALA QAYBI OO KUXUKUN SAAD DOONTO EE ARMAAN TOLOOW ILAAHAY UNOQONAA OO CEEBTA IYO FOOL XUMADA INTAAS INAGU FILANE MARKALE KAMIDOWNAA DOQON IYO MUNAAFAQ REER HUWAN WAA II MUUQATAA WAXA WANAAGSAN IYO WAXA INOO XUN WAR BAHASHA AAN ISKA BAANDHAYNO INSHALAAH DR CALI CIISE CABDI MIYAAN LAGU QUUS QAADAN OO MIYAANU RAG IYO DAD KADHALAN WAR HOOY GAROOWE IYO HARGAYSA WALEE MIDNA KUUGUMA HANBAYNAYO NASAB NIMO

  7. Haawd says:

    Canshuur hadal quman oo sax ah ayaad KU hadashay inkastoon kugu raacsanayn in Garoowe Mj leeyahay ee aay tahay magaalo Dhulbahante dego. Tan xaqiiqda ah waxa weeyaan Dhulbahante maxuu KU darsaday Puntland aan ka ahayn xulufaysiga Harti KU sheega ah oo ah mid ilaahay dadkaa wadaajiyey. Dhalinyarada iyo dadka xamaadaysan waxaan leeyahay waryaadha dhulka maqan halaga hadlo. Puntland waa walaal cidh waayn oo ku xun xukunka khaatumada laga hadlaayona ma umul baad tihiin soow tii madaxwaaynashii loo dhaariyey Hargaysa iyo Garoowe iska xaadiriyeen, waloow Garoowe anigu aan u arko magaalo Dhulbahante qaayb ka leeyahay weligiisna deganaa meelna aanu uga socon.

  8. Yoocada says:

    cartan darwiish
    waa runtaa,garoowe uma baahno qaxooti intii la maamuusay oo xilal loo dhiibay bootobootaynaya,
    dh.bahante beri baa garoowe laga eryi doonaa,
    dhulbahantow Quud aan jirin qoryo haw guranina?,




script>
Daawo:Reer Buuhoodle Oo Kabo Ku Salaamay Xildhibaan Deni Usoo Diray,
- May 27, 2020
Waxaa Maanta Buuhoodle Soo gaadhay Xildhibaan Abdirisaaq Mohamed sahal Oo kamid Ah Barlamaanka ...
Deg Deg Daawo:Beesha Ugaadhyahan oo Digniin Udirtay Majeerten iyo Deni.
- May 27, 2020
Beesha Madaxweyne Ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Axmed Karaashoo Maanta warbaahinta kula hadashay Deegaanka ...
Daawo:Fadeexad Haweenka Majeerten Oo Si Xun U Weeraray Karaash,
- May 26, 2020
Haweenka Beesha majeerten ayaa si cadho leh uga hadlay khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku ...
Daawo::Beesha Mareexaan Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadalkii Ka Soo yeedhay Madeira
- May 26, 2020
Odayaasha waxgaradka Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ku sugan Caasimada soomaaliya, Muqdisho Ayaa Si kulul ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Hargaysa
- May 26, 2020
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay ...