600 Axmed Karaash Oo Dhirbaaxo Labaad kusoo Wajahan tahay, | khaatumo news online
dahabshiil

Axmed Karaash Oo Dhirbaaxo Labaad kusoo Wajahan tahay,

Garoowe waxaa aad looga hadal hayaa isku-shaan-dhayn kooban oo lagu samaynayo golaha wasiiradda. Waxayna u badan tahay sida ay ilo-xog ogaal ahi sheegayaan in wasiiro Mudug iyo Sool ka soo jeeda ay saamayn doonto isku shaandhayn tani.

Halkan arrin kale ayaa ku gedaaman taas oo ah in isku shaandhayn tani ay dhici karto la tashi la’aan madaxda sare ee Maamulka Puntland, sida Dastuurka Puntland ku xusan qodobka 81aad faqradiisa labaad “madaxweyne ku xigeenku wuxuu kala taliyaa madaxweynaha magacaabida wasiirada iyo xilalka sare”.

Madaxweynuhu kuma khasbana la tashiga madaxweyne ku xigeenka oo qodobkaas laguma xusin in la tashiga madaxweyne ku xigeenku uu yahay lama dhaafaan, waa talo haddii loo baahdo la qaadanayo haddii laga maarmona laga gudbi karo.

Dastuurka Puntland waxaa dib u qoray Cabdiraxmaan Faroole , waxaana awoodii oo dhan laysugu geeyey madaxweynaha, xilliyadii hore Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ahaa awood qaybsi dhamaystiran, cilladda hadda jirta ayaa waxay tahay Madaxweyne ku xigeenkii sida madaxweynaha ayaa loo dooranayaa waana ka malxiis hawlaha socda oo wax awood ah kuma laha. Waana dhaxal suge awood daran, geeri xil u banayso.

Waxay ahayd kol haddii madaxweyne ku xigeenka awoodiisu sidan tahay in madaxweynuhu soo magacowdo qofka ku xigaya oo hal mar laysla doorto iyada oo madaxweynaha kaliya loo codeynayo ku xigeenkiisana xanbaaranaya.

Arrimaha isweydiinta leh ayaa waxay tahay haddii isku shaan dhayntani run noqoto, Deni-na hawshan ku talaabsado tashi la’aan maxay noqon doontaa jawaabta Axmed Karaash, iyada oo la ogyahay in hadda khilaafkoodu ka dhashay taliye ku xigeen loo magacaabay ilaalada madaxtooyada?

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 14)

  1. Axmed warya says:

    Axmed karaash Alba wuu ogaa in meeshu tahey guri maxamuud saleebaan.cid kalena looma ogala.

  2. Haaji says:

    Dad Puntland waa inay dastuurka puntland raacaan, puntland waa boqotoyo siyaasada Maxamud Saleebaan, oo ah hormuudka beesha Majeerteen iyo guud ahaan Puntland oo dhan.

  3. axmed says:

    axmed karaash inyo maxamud garaad cali khaliif hala tashadaan oo khaatumo boodhka dib halooga jafo, si wada jir ahna haloogu dhawaaqo, garaad saleebaana ha taageero, farmawjona ha saxiixo..inta kale waa history.

  4. hagaajiye says:

    hhhh,kkkk,dabcasar baa jawaabta ka sugaynaa fadlan hala daahinπŸ˜€πŸ˜πŸ˜‚πŸ˜‚

  5. Wiil waamo says:

    axmed waryaa ma iidoor baa tahay Mise MOORYAAN?
    Haddii aad tahay waad ka hadli kartaa, haddii kale shut op.

  6. Wiil waamo says:

    Daarooda, gaar ahaan harti yes ka dhiibo aragtidaada.

    • LAFARUUGAAWI says:

      KKKKJKJIKJIKJI
      DOQON WAAMO
      MA QAFUUR SANKA BUD LAGALA DHACAY IYO DAAROOD SAWAABANE AYAA ISKA KAA DHALAY
      JUBBA IYO JAMAAMIYO JANAALE IYO GUNTUWAARAY SABLAALE IYO YOONTOOY ILMA NIIKO IGU IYO WALAWAYNTII SAAXIIBAY EE REER QADAAD WAYNTII DHAKADHEER IGU SALAAN

      IYO DEE DISCO CALIYAALE MAGAALADA ( BALCAD) U DHAWAA IYO MA KU NOQSAHAY MISEE ABOOW WAAN CARAYSTAA!!.
      @ SHIRIB/CIYAAR.COM

      • BERBERAAWI says:

        LAFARUUGAAWI

        MAXAAD UGA JEDDAA MA KU NOQSAHAY MISEE ABOOW MA CARAYSTAA?!!.

        @ wilisiqo.com

        • A k a muuse says:

          oday Ahmad dastuurka punland haku Dego hadii kale sidii dhoobo darood ayaa weerar laguqaadayaa laba cali ismawaydiinayaan maalmo ayuu baa laga hadalayaa dabadeedna xalay dhalay ayaa laganaqonayaa

    • A k a muuse says:

      oday Ahmad dastuurka punland haku Dego hadii kale sidii dhoobo darood ayaa weerar laguqaadayaa laba cali ismawaydiinayaan maalmo ayuu baa laga hadalayaa dabadeedna xalay dhalay ayaa laganaqonayaa

  7. Haawd says:

    Axmed karaash, Cali Khaliif iyo inta la midka ahba looma hiilinaayo maanatay inkastoon Axmed Karaash iyo Cali Khaliif sinayn oo Axmed yahay mujaahid Soo dagaalamay aadna moodo in laga Yara gar daran yahay iminka balse waxaan qabaa Hanqaraarac lug Uma dhutiyo oo Dee beeshu waay ka miisan waayn tahay inaay la cadhooto Axmed Karaash hadii miisaanka la saarona intaan somaliland beeshu aadi lahayd Puntland ayaa uga mudan labada waayo waana degaan, waxna waa lagu darsday wada dhaloshona waay yaalaa oo beri Soomali qabiilkaa uun baay ahaan. Aaynu aragno aayaha iyo waxa ka Soo baxay Mana filaayo Karaash inuu yahay nin la loodin Karo so fudud.

  8. ceelaawe says:

    Mujaahidow xaal qaado af cagaarane iyo af duubane uun baan moodi jirey iney mujahid sheegtaane garaashna ma mujahid ba markuu tukaraqna ka huleelay maxaa guul darrooyin jihaadey

  9. Shaarubacade says:

    Ahmed karaash waa siyaasi Wayne sharcigaa ka hiilinaaya waayo awooda kowaad waxaa is ka leh madaxweynaha talabaad hadiiba la badalo meesha waxaa iman doona nin naaleeya ahmeda Sidii doobo dareed ku dhacdayba markaa dhibi ma jidho Puntland way jireysaaa ka naxow naftaa waa

  10. ABC says:

    Khiyaali news.

    Horaa loo yidhi baqal fardo la daaqdey faras ayey ismoodaa.
    Karaash murankiisu wuu batey,

    Haloogu dhaarto inuu maryo dhabadii camey,dhoobo,iyo qaar kaloo badani ay mareen laba calina kuwada hadli meyso.

    Boqortooyada MJ.




script>
Daawo:Reer Buuhoodle Oo Kabo Ku Salaamay Xildhibaan Deni Usoo Diray,
- May 27, 2020
Waxaa Maanta Buuhoodle Soo gaadhay Xildhibaan Abdirisaaq Mohamed sahal Oo kamid Ah Barlamaanka ...
Deg Deg Daawo:Beesha Ugaadhyahan oo Digniin Udirtay Majeerten iyo Deni.
- May 27, 2020
Beesha Madaxweyne Ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Axmed Karaashoo Maanta warbaahinta kula hadashay Deegaanka ...
Daawo:Fadeexad Haweenka Majeerten Oo Si Xun U Weeraray Karaash,
- May 26, 2020
Haweenka Beesha majeerten ayaa si cadho leh uga hadlay khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku ...
Daawo::Beesha Mareexaan Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadalkii Ka Soo yeedhay Madeira
- May 26, 2020
Odayaasha waxgaradka Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ku sugan Caasimada soomaaliya, Muqdisho Ayaa Si kulul ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Hargaysa
- May 26, 2020
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay ...