600 Daawo:Buuhoodle Waxaa Soo Gaadhay Wefti Ka Socda Dawlada Soomaaliya, | khaatumo news online
dahabshiil

Daawo:Buuhoodle Waxaa Soo Gaadhay Wefti Ka Socda Dawlada Soomaaliya,

Ugu danbayntii sadex sano iyo badh oo xukuumadda NN jirtay waxaa magaalada Buuhoodle ka soo degay wafti uu hoggaaminayo wasiirka Kalluunka Bidhaan xildhibaano iyo xubno quud daraynaya xildhibaannimo oo wada xoogaa kaalmo ah oo fara guudkood ah, una badan gafuur xidh iyo saabuun ,waa talaabo ay hore u qaadeen xukuumadda NN, oo in aad gadaal ka timaadaa waxay ka fiican tahay in aadan waligaaba imaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hawshana kuma imaan garasho ay la yimaadeen xubnaha NN sadexdaas sano iyo badhka ka tirsanaaye waxay ku timi dhaliilihii isdaba jooga ahaa ee warbaahinta kala duwan loo marinayey iyo goobaha hadda saamayn ta leh ee bulshadu ku kulanto.

Waa talaabo wanaagsan in xubnahani yimaadaan deegaankooda oo ah gobolada waqooyi gaar ahaan gobolka Cayn magaalo madaxdiisa Buuhoodle oo hore uga tirsanaan jirtay gobolka Togdheer ee Soomaaliya. Waliba maanta oo ay Taariikhdu tahay 18.05. oo ah maalintii Burco oo gobolka Togdheer Caasimada u ah loogaga dhawaaqay gooni isu taaga.

Qalabka ay sidaan waa mid aan u qalmin waftigan balaadhan ee hadda ku sugan magaalada Buuhoodle oo isla maantana dib uga noqonaya. Xogta ku gedaaman hawshan ayaa waxay tahay.

1. Kaalmadani waxay u badan tahay af xidhasho, saabuun iyo kiniinka xanuun bi’iyaha oo ah kaalmo xilligan Buuhoodle u baahi qabto oo lagu bogaadinayo hadayba NN intan isa soo dhaafisay, laakiin xaalku yahay laa shukra calaa waajib maadaama wixii kaalmo magaca ummadda lagu hadlayey

2.Diyaaradan waxaa qalabka iyo waftiga keentay waxaa soo bixiyey ganacsata deegaanka oo shardi looga dhigay in ay diyaaradda iska bixiyaan ganacsatadaas oo uu ugu horeeyo Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan (Khoroshof) oo boggaadin iyaguna mudan.

Marka laga yimaado in uu waftigani ka soo muuqdo Buuhoodle oo dad badan u arki karaan wafti culus oo aan hore loo arag oo dawladda Federaalku ka soo muuqdeen magaalada Buuhoodle taas oo soo jiidaan karta bulshada indhaw garadka ah, haddana maaha wax maqaamkooda u qalma xubnaha ka soo jeeda SSC ee ku jira xukuumadda NN in ay isu soo raacaan qalab yar oo intaan le’eg oo diyaaradda ay la socdeen kala badh buuxin diyaaradda oo yar.

Sidaas oo ay tahay ayaanu qalabkan ku jirin mishiinada neefta ka caawiya qofka neeftu qabato, sida ku cad warqadda tilmaamaysa qalabka diyaaradda saaran.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Midnimo says:

    Woabkan wuxuu ahaa kaan ugu nebcaa xiligiiuutaageerijirey cali khaliif oo markiibaaniga iimuuqday inuu wado waxaan uqalmin bulshada asc.
    Hada khaatumo webkan aad ayaan ujeclahay sababtpo ah waxaa qora dadquino iyo sharaf xanbaarsan oo kaxishooda waxaan uqalmin bulshada ssc waad mahadsantihiin guulaysta waan idingarabtaaganahay dagaalkana waan idinlagelaynaa waana idintaageersanahay walaalayaal

  2. abdi says:

    madaxda mar walba xushmad ayey mudan yihiin, diyaarad kale ayaa imaneysa berri, balan weeye.

  3. Raamaleey says:

    WAA SOO DHAWAYNAYAA MADAXDA DAWLADA DHEXE WEL COME YOUR HOME BUUHOODLE AND SSC LAN WAXAA LOO BAAHAN YAHAY IN FUULKA LAGU SHIDO DAWLADA DHEXE OO AAD IYO AAD UGA FOG TEER SSC AMA REER KHAATUMOSTD BALANTEENU WAA FUULKA OO LAGU SHIDO DAWLADA DHEXE OO DADKAAN IYO DHULKAAN XAQOODA LOOGU DHAARTO IINAAN MEEL KALE LOOGU SOO HAGAAJIN DEG DEG REER BUUHOODLE IYO CAYNA WAXAAN KULA TALIN LAHAA JOOJIYA SEEF LABOODKA IYO SOKEEYE KALA JECLAANTA OO U ISTAAGA SOO CELINTA SOOL IYO SANAAG OK MASACAGALAY HASOO DEGTAY COME INA CAMAY TOLKA MAKALA QABATO INA CAMAY KARAASH BIINDHO IYO KUWA LAMIDKAA MAXAY NU KAFAA IIDNAY ? WAXAA KAFAA IIDAY MAJERTENIYA OO AY WEHELINAYEEN DOQOMADA SHIRSHOORE EE LAYSU ADEEGSADO

    • GENERAL LAFARUUGAAWI says:

      RAAMALEEY

      ARE YOU FEMALE OR ARE YOU MALE BECAUSE RAAMALEEY LAGALUMA KAFTAMI KAREE CAADI ISKA DHIG OO DEE BAL FAR DHEXE ISA SOO GELI.

      @ shaqo qaran somaliland.com

  4. LAFARUUGAAWI says:

    KKKKJKJIKJIKJI

    WAAR TUULADA GADOONSAN EE BUUHOODLE HA LOO GURMADO

    @ waa shan iyo toban jir sheekh wacani dhalayeey.com

  5. Q says:

    Anigu Qof garan waayey askarigu mask ha xidho caawimo ma keenin waa danbiile

  6. DALMAR says:

    BUUHOODLE waxay metelaysaa SSC sida awgeed wax u dhoow iyo wax u dhigma maaha wixii ay xaq u lahayd SSC Waxa nimankaasi la shir yimaadeen iyaga oo weliba dhowaan MURAN geliyey deegaankii SSC, marka xoogaagaa yar ha laga reebo iyada oo dhabarka loo jeedinayona dib ha loo saaro diyaaraday soo raaceen. N&N Maamulkaasi GODOB weyn ayuu ka galay SSC iyo HARTI WAQOOYI




script>
Deg Deg Daawo:Beesha Ugaadhyahan oo Digniin Udirtay Majeerten iyo Deni.
- May 27, 2020
Beesha Madaxweyne Ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Axmed Karaashoo Maanta warbaahinta kula hadashay Deegaanka ...
Daawo:Fadeexad Haweenka Majeerten Oo Si Xun U Weeraray Karaash,
- May 26, 2020
Haweenka Beesha majeerten ayaa si cadho leh uga hadlay khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku ...
Daawo::Beesha Mareexaan Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadalkii Ka Soo yeedhay Madeira
- May 26, 2020
Odayaasha waxgaradka Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ku sugan Caasimada soomaaliya, Muqdisho Ayaa Si kulul ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Hargaysa
- May 26, 2020
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay ...
”Axmed Karaash Isaaq Ayuu Geenaya Yoocadda Ma Noqon Karta wax Rag La iskaga Dhiciyo”
- May 25, 2020
Waxaa wali cirka taagan Khilaafka Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa kaaso meel qarar maraya ...