600 Deg Deg::Axmed Karaash oo la Saaray Xayiraad Iyo Mooshin Miiska Saaran, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg::Axmed Karaash oo la Saaray Xayiraad Iyo Mooshin Miiska Saaran,

Xiisada Madaxweyne Ku xigeenka Dawlada puntland iyo Madaxweyne Deni ayaa meel Qarar gaadhay saacadihii ugu Danbeeyay,

Madaxweyne Karaash ayaa Maanta Tacsi udiray Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee puntland oo Qarax ku dhintay.

Tacsida Karaash ayaa la mariyay Tv-ga puntland iyo Webseti-ka Puntland balse nasiib daro Madaxweyne Deni waxaa uu Amar ku siiyay In laga tirtiro Tacsida Karaash diray Wakaaladaha wararka ee Dawlada taaso lama filan ku noqotay Karaash,

Dhanka kale waxaa caawa la saaray Madaxweyne karaash Xayiraad dhaqaalle iyo mid Socdaal.

Laamaha Dawlada Puntland ee kala duwan ayaa lagu Wargaliyay in aysan ka amar qaadan karaash ilaa amar danbe sidoo kale Bankiga Dawlada iyo Wasaarada maaliyadda ayaa mar lagu siiyay in aysan wax xidhiidh ah la samayn Karaash,

Xog ay helaso Khaatumo News Ayaa sidoo kale sheegaysa in bisha Lixaad 15 keeda La qorsheenaayo In mooshin Laga keeno Axmed Karaash hadii uusan intaas ka horaysa noqon Qoorkeen u hogaansama Awaamiirta Xukumada Deni.

Xaalada Ayaa ah mid cakiran ilaa hadana wax War ah kama soo bixin madaxweyne Karaash

Wixii Soo kordha isha ku Hay Khaatumonews.com

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 18)

  1. Yusuf says:

    Maxaa kala haysta beesha Majeerteen oo Punland u arkaysa maamul ay iyagu dhsteen, beesha balaadhan ee Dhulbahantana u aragta beel aka soo jeeda jamhuuriyadda Somaliland oo aan la isku halayn karin.

    • axmed says:

      somaliland waa jifo Direed oo duday waana la xaal marin. Laakiin waxaa yaab ah in dhulbahante PL oo cadawgooda siyaasadeed ee 1aad ah ay la shaqeeyaan. Waa inuu karaash taageeraa khaatumo state, ali khaliifna kasoo baxaa SL oo cududa laisku geeyaa si isaaqland meesha looga saaro, markaas ayuu dhulbahante degi.

      • Yusuf says:

        Ha noolaato jamhuuriyadda xoogga badan ee Somaliland iyo 18 May, difaac ciidan qoraran. Farmaajo iyo Khayre ayaa naxdiintii ay ka qaadeen awoodda ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somalialnd la jiifa oo lagu tilmaamay ciidanka uugu awoodda badan Geeska AFrika marka laga reebo Itoobiya taas oo Farmaajo iyo maamulkiisa taagta daran ku riday khalkhal iyo quus.

        • Abc says:

          Khiyaali news.

          Horaa soomaalidu u tidhi baqal fardo la daaqdey faras ayey ismoodaa.
          Ninkii kheyrkii loo xiirow adna soo qoyso,

          Karaash waabuu ku raagey boqortooyada MJ.

          • Haawd says:

            Waryaadha joojiya dacaayada dadka iyo dalkuba waa Puntland. Karaash xiniinyuu KU fadhiyaa meesha waana geesi geesi dhalay Puntlander ah.Mana dhacayso in mooshin laga keeno. Kuwiina maalinba meel u hayaamaya dalka dhigtay wax khaatumo la yidhaa ma jirto oo adeer Cali baa iibsaday

  2. JEESKA says:

    Axmed
    Ma bislid intaad weli waxaan jirin iyo khaatumo ka hadlaysid. Socon weynaye aan orodno weeye xaalkaagu. Runta u soo noqo oo xaqiiqda wajah adeer.

  3. HILLAAC says:

    Waar maxaa mooshinka lagaga qaraarinyaa!

    Deni (oo aan waxar lagu aaminin) baa intuu soo hor istaagay ku yiri SSDF iyo dawladihii MUSUQMAASUAQA ahaa, ee ilaahay willkii Mareexaan ee SIYAAD BARE u soo diray, dadkay ugu fiicnaayeen. Oo weliba u raaciayay Dhulbahante waa ARGAGIXISO.

    Waxay nimanku ogaadeen waxa ay yihiin, ee sidaa ulamay hadleen. Maxay marka awalba meesha la joogeen? Awalba doorashooyinkaa loo haystay, hadana filimkaasi waa dhamaaday.

  4. Oday says:

    Axmed karaashow maqaayadda ciyaarta ka daa. Wasaaradda maaliyadda aad maalin walba leedahay lacag keena ogow dukaankaas Faroole, baa ilaashada oo iska leh.
    Hadda wixii ka dambeeya waa in runta loo sheegaa Karaash, oo aaminsan in maqaayada la wada leeyahay, cali khaliifna hargeysa ayuu ku waashay maqaayad la wada leeyahay baan rabnaa. War nimanyohow is qabta oo ogolaada xaqiiqda. Labadan maamul waa Soomaalidiid waana isbaaro loo dhigtay dawlada Soomaaliyeed. Marnaba suurta gal maaha in qabiil dawlad noqdo
    Soomaaliya cadow baa ku habsaday shisheeyaha u adeega oo dalkooda iyo dadkooda neceb, Allah, subxaanahu watacaalaa baa u gargaari doona shacabka Soomaaliya oo ka dul qaadi doona maamul qabiileedyada sida ayyaxa dalka ku habsaday
    Soomaaliya ha noolaato

  5. Siyaad says:

    Kkkkk mooshin aa

  6. Ceelaawe says:

    Ar waa la soo daaheen mar haddii qaad la waayo waa sidan Oo kale af qushaash ah iyo duwaab.

  7. Boqor jamaal says:

    karaash isago dhulbahante ah oo dhulkisi gacan ku hayn buu raba inuu.MaxaMuUD SALEEBAAN amro

    • MAAKHIRI says:

      😀😀😀WAA WAX LA FILAYEY in KARAASH haddii uu xiniinyo iska baadho la marsiinayo halkii saaxiib kii DHOOBO madaama ay magac u yaal yihiin, RABBOW Goormay waroos iyo dhuloos noqonayaan dad KARAAMO leh oo maqaam Koodii iyo maamuskoodii soo ceshada? 😀😀

  8. abdi says:

    AXMED KARAASH, UMA DAAHAYO DENI….

  9. Mahad says:

    Iska soo buriya awalba culaysbuu idinku hayee

  10. Xoriyo Ibrahim says:

    Waryaa dhulbahante dhulkiisi isaaq buusiyey maantana farmajaa soo adeegsadey oo yiri puntilan soo dumiya kamayeelayno 17 iyo Karaaash halz eryo qurunkooda Macau nosheegayaan kursiga madam Wayne kuxigeenka waxaa xaq ule leelkase halasiiyo dhuuni hante hana dhafan

  11. Hobyo man says:

    Xoriyo was runtaa leelkasa xaq u leh dhuuni tarxiil




script>
Daawo:Reer Buuhoodle Oo Kabo Ku Salaamay Xildhibaan Deni Usoo Diray,
- May 27, 2020
Waxaa Maanta Buuhoodle Soo gaadhay Xildhibaan Abdirisaaq Mohamed sahal Oo kamid Ah Barlamaanka ...
Deg Deg Daawo:Beesha Ugaadhyahan oo Digniin Udirtay Majeerten iyo Deni.
- May 27, 2020
Beesha Madaxweyne Ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Axmed Karaashoo Maanta warbaahinta kula hadashay Deegaanka ...
Daawo:Fadeexad Haweenka Majeerten Oo Si Xun U Weeraray Karaash,
- May 26, 2020
Haweenka Beesha majeerten ayaa si cadho leh uga hadlay khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku ...
Daawo::Beesha Mareexaan Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadalkii Ka Soo yeedhay Madeira
- May 26, 2020
Odayaasha waxgaradka Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ku sugan Caasimada soomaaliya, Muqdisho Ayaa Si kulul ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Hargaysa
- May 26, 2020
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay ...