600 Wasiiradii ugu Badna ee Puntland oo Laga Helay Covid 19 | khaatumo news online
dahabshiil

Wasiiradii ugu Badna ee Puntland oo Laga Helay Covid 19

Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho.

Labo kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aysan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covdi19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay.

Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degeg ah kusoo aaday Garowe.

Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baaritaanka cudurka.

Puntland, cudurka covid19 ayaa gaaray 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo:Beesha Ugaadhyahan oo Digniin Udirtay Majeerten iyo Deni.
- May 27, 2020
Beesha Madaxweyne Ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Axmed Karaashoo Maanta warbaahinta kula hadashay Deegaanka ...
Daawo:Fadeexad Haweenka Majeerten Oo Si Xun U Weeraray Karaash,
- May 26, 2020
Haweenka Beesha majeerten ayaa si cadho leh uga hadlay khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku ...
Daawo::Beesha Mareexaan Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadalkii Ka Soo yeedhay Madeira
- May 26, 2020
Odayaasha waxgaradka Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ku sugan Caasimada soomaaliya, Muqdisho Ayaa Si kulul ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Hargaysa
- May 26, 2020
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay ...
”Axmed Karaash Isaaq Ayuu Geenaya Yoocadda Ma Noqon Karta wax Rag La iskaga Dhiciyo”
- May 25, 2020
Waxaa wali cirka taagan Khilaafka Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa kaaso meel qarar maraya ...