600 Deg Deg Daawo::Kismaayo Lagu Toogtay Askari Shalay Toogtay Askari kale | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo::Kismaayo Lagu Toogtay Askari Shalay Toogtay Askari kale

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga gal dacwadeed eed loo haysto Cabdirashiid Cabdinaasir oo lagu soo eedeeyey dil fiidnimadii xalay ahayd ka dhacay magaalada Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Eedaysanahay ayaa lagu eedeeyay dilka marxuum Maxamuud Maxamed Sheikh Cabdulaahi oo isaguna ahaa askari ka tirsan ciidankailaallada madaxtooyada Jubbaland.

Gudoomiye ku xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dawlad goboleedka Jubbaland gaashaanle dhexe Bashiir Maxamuud xareed ayaa go’aanka maxkamada warbaahinta u akhriyey dhagaysiga dacwaddan kadib.

Gudoomiye ku xigeenka maxkamada ayaa sheegay in kadib markii maxkamadu ay dhagaysatay markhaatiyadii goobta la keenay iyo sidoo kale eedeysanaha oo fursad loo siiyey in su’aalo laga weydiiyo sida uu dilka u dhacay ay maxkamadu soo saartay go’aan ah in dil toogasho ah lagu fuliyo Cabdirashiid Cabdinaasir Aaden.

Xukunka maxkamadda ayaa barqanimadii aanta ahayd lafu fuliyay eedaysanaha waxaana loo qisaasay marxuum Maxamuud Maxamed Sheikh Cabdulaahi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo:Beesha Ugaadhyahan oo Digniin Udirtay Majeerten iyo Deni.
- May 27, 2020
Beesha Madaxweyne Ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Axmed Karaashoo Maanta warbaahinta kula hadashay Deegaanka ...
Daawo:Fadeexad Haweenka Majeerten Oo Si Xun U Weeraray Karaash,
- May 26, 2020
Haweenka Beesha majeerten ayaa si cadho leh uga hadlay khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku ...
Daawo::Beesha Mareexaan Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadalkii Ka Soo yeedhay Madeira
- May 26, 2020
Odayaasha waxgaradka Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ku sugan Caasimada soomaaliya, Muqdisho Ayaa Si kulul ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Hargaysa
- May 26, 2020
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay ...
”Axmed Karaash Isaaq Ayuu Geenaya Yoocadda Ma Noqon Karta wax Rag La iskaga Dhiciyo”
- May 25, 2020
Waxaa wali cirka taagan Khilaafka Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa kaaso meel qarar maraya ...