600 Daawo:Madaxweyen Farmaajo”Jubaland Waxaa Isticmalaya Kenya Si ay Badda Nooga Qaado” | khaatumo news online
dahabshiil

Daawo:Madaxweyen Farmaajo”Jubaland Waxaa Isticmalaya Kenya Si ay Badda Nooga Qaado”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi uu bixiyey waxa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan siyaasadda dalka, sida xiriirka dowladaha deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Itoobiya, khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaar, kan wadamada Khaliijka, doorashooyinka iyo arimo kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo oo wareysigan siiyey TV-ga Universal xilli uu joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu qiray in dowladda Kenya uu khilaaf muranka badda ah kala dhaxeeyo Soomaaliya, iyadoo taas ka duuleysana ay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, si gaar ah waxa uu sheegay in ay adeegsaneyso Jubbaland, taasna aysan aqbali doonin.

“Kenya fara-gelin hanagu sameyso laakiin maxaa ka galay Jubbaland, Kenya Jubbaland waxba kalama dhaxey karaan fara gelinna kuma sameyn karto, waxaa naga dhexeeya arrin badda ah, meel kasta ayeyna u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan laheyd Jubbaland, anagana ma dooneyn Jubbaland in ay u ekaato wax naloo is ticmaalo, cidii la shaqeyneysana waxaan u aqoonsanaynaa qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneyn” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Arinta Jubbaland waa arrin qadiyadda badda ah in la fahmo ayaa la rabaa, Kenya waxay dooneysaa saameyn in ay ku yeelato Jubbaland, markii ay hesho meel ay naga gacma maroojiso in aan dhahney rabtaa waayehee arrinta badda aan ka wadahadalno, taasna awoodeeda malihi baddaasna go’aan kama gaari karo oo waxaa wax ku leh ilma Soomaaliyeed oo aan weli dhalan.”

Waxaa naloo dhaariyey difaaca dalka ma ogolaan doono faro-gelin shisheeye anaguna ma fara geli doono arrimaha gudaha ee Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo wadamada kaleba, mana aqbaleyno in dowlad goboleedyadeena qaarkood oo aan ognahay in dibadda laga soo dhistay oo IGAD loo soo xil saartay dhismahooda in ay caqabad nagu noqdaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo wax laga weydiiyey sida uu u arko seddaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo waxa u qabsoomay dowladiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ku qanacsanyahay wax qabadka dowladiisa siyaasadda dalkana ay xasiliyeen, sida uu sheegay, balse waxa uu qiray in weli dhib ka heysto ka rumaynta riyadii shacabka.

Farmaajo oo wax laga weydiiyey waxa adkeeyey xiriirka dowladiisa iyo maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in mudo laba jeer ah uu Puntland tegay intii uu talada hayey Madaxweyne Deni, dhawr jeerna uu ka dalbaday in uu Xamar ugu yimaado oo safarada dibadda ah uu yareeyo, balse uu ka dhega adeygay safaradiisiina uu iska wato.

Walaalkey Saciid Deni madaxweynaha Puntland, dhawr jeer ayaan casuumay oo Xamar ku casuumay oo aan ku iri walaalow hana dul marin, ee bal mar nagu soo deg oo noo imaaw, aan wada fariisano, balse kama suurta gelin” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Muranka ka tagan bixinta shahaadada arday reer Puntland waxa uu ku tilmaamay nasiib darro, maantana aysan ku habooneyn in muran la geliyo mustaqbalka arday Soomaaliyeed, balse halka loo socdo ay tahay tayeynta waxbarashada dalka

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 15)

  1. Sead says:

    Maxaa isku xiray arday iskoolkii dhanaysay shahaadadooda iyo tayanta wax barasha ardaydaan Wayne dhameeyeen.si cad buu ugu diidey weliba wuxuu yiri goodax bare waa ku amaanan yahay shaqda iu qabtay

    • Mo says:

      @saed

      War ninku waa nin cuqdadi dishay, adduunkoo dhan baa og in waxbarashada puntland ay aad uga tayo sarayso ta muqdusho ee imtixaanku suuqa yaalo, marka ninka goodax la yiraa ee cudurka dhimirka qaba ayuu u isticimaalayaa in uu puntland carqaladeeyo! hadalkiisu maleh xigmad! wuxuu dhuuntaba ma waxanuu la soo shir tagey.!!

      nin aan xataa hadalka kugu qancin karin maxaa kaloo laga sugi! sheekadiisu waa waan socon wayneye aan orodno!! ninka halka waddo ee maka-almukarama amnigeeda sugi waayey baa leh xuduudahaan amnigooda sugi, hadalkaasi ma nacasnimaa ka yeersiisay mise nacasnimo iyo waalli baa isugu darsamay.

      Marka dee bal adba!!

  2. Guulwade says:

    Waa runtii waayo kinya. Waxa rabaan Bada qataan waxay na adeganaya an. Kuwa darood majeerteen oyo ogadeen oo muda dheer kinya oyo ethiopia unageeya. Oo kinya maxa kagalay jubaland. Waayaab. Jabhadihii waxa madal ay maamul hoostaga wadankale oo xooga lacaga lasiiyo modoibe iyo dani farole mucaradka fiqi mahad salaad cabdi shakuur iwm. Wa wada dabadhilif.

    • King says:

      Waxaa calool xumaa in Daarood kaa soo horjeedo oo dumintaada asaga loo soo adeegsanayo. Wallee MAJEERTEEN walaal Daarood lagama dhigto waayo mideey warsangali, Dhulbahante iyo Mareexaan,leelkase,awrtable lagu wada arka.Waxaa yaaba diintii ina fareeysa in lays cafiyo buu Dani Macalweeyne ka horyimid, HADABA ninkaasi MA nin muslimaaaaaaaa Munaafaqadana wuu doonayaa

  3. Guulwade says:

    Puntland madaxweybe kuxigeenka. Xildhibaan wasiiro. Wasiir kuxigeen. Waa ashaab sool oyo buhoodle matagi karaan. Qof oyo cod dorashada. Puntland masamayn karaan. 13 sano jegaanta xoog kuhaysta ?
    JEGAANTA. XIDHAAN. wasiiro kuxigeen matagi karaan hargaysa iyo burco waa ashaab muqfsho jooga?
    Mucaradka. Dawalada xisbiyada xidhi. Matagi karaan galmudug oyo hirshabeele waa ashaab muqdsho jooga. ?
    KUDARSO ASHAAB HADII LAXASUUQO. MUCARDKA WAXA ORAN. raga a aan isku qabiil nahay laxasuuqay.
    Kudarso. Bada bariga waxa wakiil kah dawalada somaliya. Jubaland iyo puntlabd waxay rabaan shsheye utagaan kaxunyihiin. Mareexasn murursade wadanka xukuma. Xasan sheekh sheekh mahad sanbalooshe.maxa cabdi shakuur. Wa wada shisheeye raac. Jegaanta iyaga dhulbahante gadabuursi warsangali xasuyqay. Ilaa hada cidan kuhaysta lascaano doqonimo dhulbahante. Wali tagan tahay. Somali inqilab been dagaal cadawga la raaco faan lasndheere. Bay kuwada jiraan. Kibirka. Madaxweynaha wadankale amaanaan jecelyihiin karabad guduudan yaa usheega geela somaliya iyo cida somaliya waa wada guduudan tahay. Yaa shiheeye dabadhilif unoday snm ssdf usc spm usc kkkkkkk.

  4. HILLAAC says:

    “waxaan ku iri wsalaalkay Deni, walaaloow hanna dul marinuune bal mar noo kaalay; anigoo madaxweyne ahna, laba goor baan tagay Putlayn”, kalmadahaa dareenka leh waxaa yiri MADAXWEYNIHII QARANA SOOMAALIYEED!!!!!!!!

    Madaxweynuhu waxaa kale oo uu si cad u qeexay sida ay dawladdiisu u shaqaydo. Waxa uu yiri, “wasaarad kastaa iyadaa u madaxbannaan shaqadeeda oo lagala xisaabtamayaa sax iyo khalad, waan joojinnay isgarabyaacii looga bartay dawladihii naga horreeyey”

    Tusaale, waxbarashada waxaa qaabilsan wasaaradda waxbarashada oo lagala xisaabtamayaa; halka, wasaaradda warfaafintuna qaabilsantahay warka dawladda.

    Haddii wasaarad shaqadeeda la qoonsadana waxaa la xisaabtankeeda u xilsaaran xildhibaanada golaha AJAANIIBTA; marka, Putlayn handay waxbarashadeeda waxka tabanaydo waxa ay ahayd in XIDHIBAANADEEDA FEDERALKU ay u yeeraan wasiirka si ay wax uga weydiiyaan arrinka shahaadada.

    Iyada oo hay’aadkii dawliga ahaa dhisan yihiin, maaha in shaashadaha laga yooyootamo oo ummadda la marinhabaabiyo oo madaxweynahana su’aalo aan khaban lawaydiiyo. Haddii jaantaarogan looga bartay nimankii hore, nimanku nimankii maaha oo dawladdu tii hore maaha oo kumeelgaarkiina waa laga baxay.

    Mafka, maamul-beeleedka Putlayn ha marto habraaca dawliga ah ee ku salaysan nidaamka federaalka ah ee ay bud-dhigaha u tahay. Ha joojido marin habaabinta dadkooda iyo ubadkoora oo haku soo noqdaan xayndaabkii dawliga ahaa. Ha ogaadeen in looga taliyo Villa Soomaaliya ee aan looga talin madaxtooyada Nayroobi iyo tan UAE.

    Midda kale, sidii Xasan sheekh, madaxweyne TUUG ah oo mar la arkaba shaashadaha ILKA-CADEYN BEEN ah la soo fadhiista waa dhammaatay. Wasiirka warfaafintaa qaabilsan faafinta wararka dawladda.

    HADAL YAR IYO HAWL-BADAN, shaqadu ha socoto.

    • King says:

      Waxaa calool xumaa in Daarood kaa soo horjeedo oo dumintaada asaga loo soo adeegsanayo. Wallee MAJEERTEEN walaal Daarood lagama dhigto waayo mideey warsangali, Dhulbahante iyo Mareexaan,leelkase,awrtable lagu wada arka.Waxaa yaaba diintii ina fareeysa in lays cafiyo buu Dani Macalweeyne ka horyimid, HADABA ninkaasi MA nin muslimaaaaaaaa Munaafaqadana wuu doonayaa

  5. Oday jaamac says:

    Inaan meelahaas safaro ku tagnaan
    Ka door bidi lahayn DAWLADNIMO..

  6. Axmed says:

    Imisaanu taas idin lahayn, yaa xoolo. Intaas farmaajo iyo kheyre ayaad caayeysaan, cadawga kenya ee isticmaalayana waad iska indha tiraysaan, qabiil dartii. Alle idin dullee, dulli baad tohiine. Wakaas madaxweyne farmaajo maanta far waaweyn wax idiinku sheegay. Alxamdulillah for farmaajo iyo kheyre.

  7. Oday jaamac says:

    MARYOOLEY inteeda badan waxay ku kala
    Garataa Xaqa iyo Baadilka qolada ay
    Yihiin, kii la qolo ahi xaqbuu ku
    Taagan yahay, kii kale warkiisa ilow..

    Ilmaha yar ee fourth grade ah baa
    Kasi kara in cid kastaa danteeda wadato..

    Qoladayada xaqleey waaye!!!

    Qolada kale baadileey ku socdaan.

  8. IIDOOR DHALA says:

    Fiqi tolkii ka ma jano tago ayay awoowa yaasheen ku maah maaheen waa runtood meelaan reerkiinu joogin maxaad ka dooni waa tol laane

  9. A k a muuse says:

    M farmajo punland iyo jubland
    Way ishayaan lakiin
    Somaliland wuu jacalyahay
    Khayrkiisa alleh haynoosooduwo sharkiisana alleh haynadhaafiyo

    • King says:

      Waxaa calool xumaa in Daarood kaa soo horjeedo oo dumintaada asaga loo soo adeegsanayo. Wallee MAJEERTEEN walaal Daarood lagama dhigto waayo mideey warsangali, Dhulbahante iyo Mareexaan,leelkase,awrtable lagu wada arka.Waxaa yaaba diintii ina fareeysa in lays cafiyo buu Dani Macalweeyne ka horyimid, HADABA ninkaasi MA nin muslimaaaaaaaa Munaafaqadana wuu doonayaa

  10. HILLAAC says:

    Madaxweynaha hadalkiisa uu kaga hadlay faragalinta Kenya hal baa iga raacay, waxaad mooddaa in uu si u CAGWAREEJINAYO/DABAAL-JOOGTAYNAYO.

    Waxaan ka wadaa, sidee bay isu qabataa in uu madaxweynuhu yiraahdo Kenyaa faragalin nagu haysa iyada oo ay Kenya kamidtahay AMISOM?!

    Madaxweyne warkaagu ma CADDA, waad muluc-muluc leedahay. Waddamada safka hore laysku yiraahdo, waannu ognahay oo sharciyan maba bannaana in ay qayb ka noqdaan AMISOM.

    Sharci iyo daliil cad baad u haysataaaye maxaad waddanka uga saari la’dahay intaad BAROOR nalasoo horfadhiisanayso? Warqad baan qoray iyo hadal jilicsan lagaagama fadhiyin maanta.

    Midda kale, sideebaad uga adkaan kartaa geeda-naar iyada oo ay Kenya AMISOM ka mid tahay oo ay ciidda Soomaaliya ku suganyihiin? Maxayse micna ah oo soo kordhinayaan ciidamo aad ka soo daabusho Muqdisha, iyada oo Juba-land garab ka helayso ciidama AMISOM ee Kenya?

    Ciidamo diyaarad lagu keenay kama guulaysan karaan ciidamada AMISOM ee Kenya. Waxba haku meeraysanin Juba-land, dagaalka waxa wadaa waa Kenya, ee ama waddanka si dhakhso ah uga saar ama BAROOR-ta iyo hadalka jilicsan nagalatag.

    Geeda-naar waxa meesha ku haya waa Kenya, taasi waa dhab. Waana tii la yiri, daanyeer dhici-waayey laan-adag buu haystaa.

  11. Abc says:

    Khiyaali news.

    Kaas aan kismaayo, xalane, puntland,iyo 99% dhula somaaliya la oran jirey.gacan u jirin, ayaa somaliland ka hadlaaya,khiyaali news iyo xertiisuba ay rajo ka qabaan inuu wax u qabto,
    Ninkii tiisaba daryeela mid kalana ku dara, ee toosa oo khiyaaliga aad isku maaweelineysaan kabaxa ,hadii kale miyaa waa sidaasoo abid ah.




script>
Daawo::Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Afjaray Isimadii Duubka U xidhna Xuliska Barlamaanka,
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaxalay saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ...
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020

Daawo::Raysal Wasaare Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Isaaq sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado
- Feb 20, 2020
Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray ...