600 War Deg Deg Daawo:Madaxweyne Farmaajo Raali galiyay Beesha Isaaq. | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Daawo:Madaxweyne Farmaajo Raali galiyay Beesha Isaaq.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Beesha Isaaq , raali gelin ka siiyey duqayntii iyo xasuuqii ay dowladdii kacaanka u gaysatay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay garowsho, islamarkaana la iska ilaawo wixii xumaa ee dhacay, ayada oo la xirayo bogga madow, lana furo mid cusub.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka jeediyey shirweynaha garsoorka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Raali-gelinta uu bixiyey Farmaajo ayaa timid laba maalin kadib markii uu magaalada Addis-Ababa kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, inkasta oo kulankaas aan laga bixin wax faah-faahin ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 29)

  1. Hassan says:

    Adiga oo aan odhan baanu iska kiin cafinay laakiin ogoow Farmaajooy, in shacabka Soomaaliya aanuu diidin ee waliba ay ku farxsanaayeen xasuuqii ay dawladoodu u gaysatay ummadda Somaliland. Hadal iyo dhammaan waxaa waa tuu laga soo gudbay ee iska iloow. Waxa qudha ee aanu maanta ku qancaynaa ee aanu idinku saamaxaynaa waa adiga oo aqoonsada jamhuuriyadda Somaliland, no more, no less.

    • Axmed says:

      Waqooyi Dhulbahante, Isaaq, Samaroon, Warsangeli, iyo qabiilo kale yaa dega, isaaq qaarkii uun ayaana doonaya inay go’aan, markaa taasi miiska maba saarna. Waxaa miiska saaran in la’is cafiyo, oo somali waa walaalo’e ay buksoodaan, oo raali gelin la bixiyo. Qabiilka Darood isaaq ama qabiil kale waligii kumuusan duulin, laakiin dawlad darood madax ka yahay oo waliba cidkasta leh ayaa wax laysay, taasna cafis ayaanu ka waydiisanay walaalahay isaaq. Midaasna wax xun maaha, ee waa walaalo heshiinaya. Hala buksoodo, wixii kasoo baxa labada dhinacna anigu waan ku qanacsanahay, waayo ragii inoogu mutacalinsanaa inooguna wadanisanaa, inooguna somalisanaa ayaa wada fadhiisanaya, waana guul reerka somaliyeed uso hoyday. Farmaajo walaahay waa nabad doon, ugaas, somalinimadu ku dheertahay, qashin qabiilna aqoon, inagoo dhana inaga fiican. Hadii ay Farmaajo iyo Biixi oo laba oday ah wada fadhiisteen, waa guul somaliweyn usoo hoyatay, cadawgii somaliya wuu hoogay oo ba’ay. Hadda waa in si cadaalad ah oo koonfur iyo waqooyina wax lookala qaybsadaa, sidii ay odayaashii hore intuusan military gu meesha qabsan sameeyeen. Alxamdulillah.

    • LAFARUUGAAWI says:

      MIDGAAG MAREEXAAN
      HORTO YAA RAALLI GELIN UGA BAAHAN.

      FAQASHTI MA UMUL ILLAWSHIYO DHAW BAY NA MOODEEN.
      @Somaliland kill all but crows.com

  2. Punlander says:

    Wixii punland ka dhacayna ma la iska rali galinayo miyaa ii wad sheekada

  3. Punlanders says:

    Wixii punland ka dhacayna ma la iska rali galinayo miyaa ii wad sheekada

  4. Yusuf says:

    Nacas waar adkayso miyaadan non Shaun, maxaad la miyir-doorsantay yaa mission.

  5. Warsame says:

    Maana mooday mise Madaxweynuhu wuxuu yiri dadkii kale ee iyana qoryahay watay AkA Jabhadihii waxaa laga rabaa raali galin
    Wbt

    • Saed says:

      Waxaa isu kay qaban weydey waa nala xasuuqay iyo dawladii anaga ridney oo ciidankii dawlada anagaa ka adkaanay
      Isaaq hadii uu ogolaado inuu yahay
      dad minority was la la hadlayaa laakiin intay naftooda hafrayaan loo joojin maayo

      • Axmed says:

        Anigu boog masii taataabanayo, Somali ha is cafido, waa walaalo, wixii dhacay dhece, farmaajona inuu nabad doon , ugaas yahay, maantay cadaatay. Guul somaliya, guul beesha somaliyeed. Alxamdulillah. Hala buksoodo.

  6. Jama says:

    Shacabka Somaliland wuxuu ku ilaawi kara iyadoo lasameeyo maxkamad loogu magacdaray maxkamdii xasuuqa lagana dhigo heer caalimi. Lana soo taago. Dhamaan debiilayaashii keystay xasuuqa waliba laga bilaabo nimanka. Weli dawlada fadaraalki xilalka udhiibtay. Iyo kuwa ku dhuumalausanaya. Yurub iyo amerka iyo caalamkaba.

    • HILLAAC says:

      Jama

      Xasuuqa yaa geystay?!

      Xasuuqa iyo barakicinta dagaalkii 1988, haddaan ka soo qaadno, waxaa geystay jbhaddii(oo ay qaarkood maanta madaxweynayaal iyo wasiirro sheeganayaan)SNM iyo dawladdii kacaanka ahayd.

      Haddii marka cid maxkamad caalamiya la soo taagayo kornayl Biixi iyo Kaahin baa laga bilaabayaa.

      Sida uu MADAXWEYNUHA QARANKU yiriba, qolada kale ee jabhadaha ahaana raali-gelin baa laga rabaa! Waa ayo kuwaa uu kahadlay MADAXWEYNUHA QARANKU?

      In badan baad KHIYAALI isugu sheekayseene, XAQIIQ bay maanta taagantahay. Soo gurta GANBARADA oo noo bilaaba dagaal shaanshiyeedka.

      • LAFARUUGAAWI says:

        HIILAACOW

        ADIGAADA SHAKI LEH OO LAGU BAADI GOOBAAYAAYE FAQASHN FAQASHTA KUUKUUYADA QAAQAAWAN IYO XABASHIDA QEEDHINKA HUURSTAA ADDOONSADAAN HAYS XOREEYAAN.

        KJIKJIKJIJKIJKI

        FAQASHTII WALI WAY RIYOONAYAAN.
        LA KALA TEGAY WAAN U TAAGNAA.

        @ miyay miyir beel asqoobeen faqash.com

  7. FAQASH BAACSADE says:

    Wuu ku qasbanyahay inu raaligalin bixiyo moyane inuu ku dhawaaqo
    FASX GO”ITAAN✌

  8. Saleban says:

    Wuu ku qasbanyahay inuu u tacsiyadeyo REER SH ISXAAQ WALIBA U ISKA FASOXO

    • Yusuf says:

      Farmaajo nacasnimadiisa dadkii la xusuuqay uugumuu ballan qaadin magdhow iyo in ay cadaalad helaan, waliba waxa ka sii daran, iyagii buu kala saaray oo intii Hargaysa lagu xasuuqay buu soo qaatay laakiin intii badnayd ee gobalada kale ee Somaliland lagu xasuuqay sida Berbara, Gabiilay, Ceerigaabo, Burco iwl kuwaas oo dhan waxba kamuu soo qaadin dhiigooda. Farmaajo waa cadow, waxaana ay saaxiibo dhow yihiin Col. Turke ee hadii uu wax u tarayo carrurutii aabayaashood iyo hooyooyinkood waa in maanta aqoonsadda qaranimada jamhuuriyadda Somaliland.

  9. Guulwade says:

    Isaga sarakiil a xasuuqay majeerteen miyaad ilawaday burtinle garoowe gaalkacyo bacadwayn. Waxa xasuuqay idoor. Bal adba. Dhamaan idinkaa somali xasuyqay dhulbahante gadabuursi dila borama kalshaale lascaano tukarq. Idoir waa inaad xaqiida gartaan.

    • Nabad iyo Nolol says:

      Walaalaha Somaliland waa lala shaqeyn karaa hadi ay dal gooniya ah yahiin iyo hadi ay inala midoobaan labadaba. Warkooda waa mid cad.

      Laakin Maxamuud Salebaan-land laba-wejiilenimo iyo munaafaqada ay kula dhaqmayaan dowlada ma aha mid sii socon karta. Ama madaxweyne Farmaajo iyo wasiiradiisa sida Goodax Barre qaata amarkooda oo la mid noqda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeela ama goosta oo keligiin istaaga.

      Munaafaqa wax ka xun ma jirto.

      Guusha madaxweyne Farmaajo iyo dowlada Nabad iyo Nolol waa mid muuqata ma dhacayso in mar dambe Puntland hesho saani ka badan gobolka Gedo ama gobolka Hiiraan. Gobolka Gedo dadka degan toban-laab ayaa ka badan yahiin dadka Puntland dega, Hiiraan dadka dega toban-laab ayaa ka badan yahiin dadka Puntland dega.

      Game is over for Munaafaqiin. This is new Government, New Somalia.

  10. Binary Operation says:

    Mida qudha een ku ilaawayno dhibtaasi waa somalia oo faraha nagala baxda madaxbanaanida yadana sidaanu u rabno noogu yeesha.

    Ninkii aad dishay masoo celin kartid Dadkii aad ka dishayna af madhan waxba uma tarayo.

    Habka qudha ee dhibta lagu dhayi karo waa idinkoo faraha nooga qaada madaxbanaanida yada naguna taageera waxaanu rabno oo ah madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland.

    Af madhan oo raali ah kaa dooni maayo ictiraaf ka dooni maayo ee qalin kun noogu duug inaanu kala baxnay oo ku wada noolaan doono derisnimo wanaag, yacni labo dal oo deris ah.

    Waliba nalagu taageero xuduudaha yagii aanu ka dhaxalnay ingiriiska 26 June 1960 kii.

    Wax kale uma jeedno niyadana nooguna jirto israac dambe. It is finish and gone and end like that.

  11. Hassan says:

    Farmaajo aad buu uuga nixiyay oo uu kaftankii iyo beentii ay shubi jreen uuga jiidhay ciyaalkii Majeerteen ee halkan ku feegari jiray ee odhan jiray Isaaq lama xasuuqin ee iyakaa Kalshaale dad ku xasuuqay taas oo maanta soo afjarantay ka diba markii uu madaxwaynii saddexaad ee Soomaaliya uu qirtay in dawladdii hore ay xasuuqday dumarkii iyo carruurtii Somaliland. Ugu danbayn, Farmaajo iyo dhammaan reer Soomaaliya ha ogaadan in ay qarnimada Somalialnd muqaddas tahay uuna taagantahay ilaalinta danaha hoose ee dalka jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyada dalalka jaarka la ah Somaliland sida Jabuuti iyo Itoobiya.

  12. Mo says:

    Dowladdii kacaanku isaaq kahor waxay xasuuqday majeerteen waliba saraakiisha xasuuqa gaysatay waxay ahaayeen iidoor!! wax dacwo ahna ma qabaan. marka iidoor cabaadka ay habeen iyo maalin cabaadayaan waa fulaynimo.

    qabiilka kaliya dowladdii kacaanka ka nabad galay waa hawiye iyagaana ugu dambeyn dowladdii riday.

    Su’aasha taagan waxaa weeye iidoor ka tanaasuli maayo goosashada, soomalida inteeda kalena ma oggola goosashada! iidoor baryo iyo inaadeer kuma soo xero gelayaan, ee waa in runta la abbaaro oo loo sheegaa in ay yihiin qabiil yar oo qabaa’ilka soomaaliyeed ka mida dadkoodana dhinac ka raacaan. wixii intaas ka sokeeya waa wakhti lumis iyo runtoo layska indhotiro.

    • Binary Operation says:

      waxba kama qaban kartid goosashada, qabiilka aad dhayalsanayso waa aqlabiyada waqooyi ayuu ku fadhiya.

      go’aanka yagii waanu gaadhnay kama soo laabanayno.

      aduunba daalaya wax run ah ood haysaana ma jirto, wax aad noo sheegi kartaana ma jirto.

      go’aanka yagii waanu qaadanay ama waa xabad ama sidaas uun hakaaga fadhido ugu dambayn beesha caalamka go’aanka qaadan doonta oo tayda meel mari doonta.

      intay somalia tayda diidan tahay iyaduna wax nabad ah urin mayso dalalka deriskuna joojin maayaan faragalinta ay wadaan.

      ugu dambayn iga qor beesha caalamka iyaka go’aanka qaadan oo khasab nagu kala saari doona.

  13. Nabad iyo Nolol says:

    Iyado Soomaali oo dhan midaysantahay oo dalka Somaalia dagaal kula jiro dalka Itoobiya 1977-1978 ayaa Majerteen dhabar-jebin ku sameeyeen ciidanka Somalia ayago ciidanka Itoobiya tageeray, taas waa qaainul-wadanimo. Cid xasuuqday Majerteen habayaraate ma jirto.

    2006mar labaad ayaa Majerteen hor kacay ciidanka Iyoobiya oo Somalia soo geliyeen. Nacalad ayaa idin kutaal qaainul-wadan.

    Ciidanka Kakuuyada Jubbada Hoose jooga asagana qorshaha lagu keenay Majerteen ayaa laha. Ciidanka Somalia iyo ummada Soomaaliyeed weligiis kama harayo xoraynta Jubbada Hoose.

    Majerteen waa cadowga ummada Soomaaliyeed. Qarmuun uraya, Somalia federal ma noqonayso, futad iska geliya federaalka.

  14. Yusuf says:

    Farmaajo waxa uu doonayaa in uu Reer koofurki u sii diyaariyo aqoonsashada Somaliland oo ay dalkooda aaminaan, waxaana u daliil ah adeegsiga erayga Koonfur iyo Woqooiga oo ah labadii gobol ee lixdanii isku yara darsaday hadana kala noqday 1991kii. Sida la ogyahayna marka laga soo bilaabo sideetamaadkii ilaa sagaashamaadkii may jirin dawladi ee waxa Koonfur iyo Woqooyiba ka socday dagaalkii lagu riyday Siyaad Barre.

  15. Nabad iyo Nolol says:

    Kenya out of Somalia. Jubbaland is part of Somalia.

    Somalia’s capital is Mogadishu.

    Down with federalism-supporters, federalism is anti-Somalia filosophy. Majority of Somalia says no to federalism. One government for Somalia with the capital in Mogadishu.

  16. PuntlNd Independence Movement(P.I.M) says:

    iidoor wagaasle iyo nabar iyo naxdin cadowga ummada Soomaaliyeed waaye. Itoobiya labadiina adoonsata. Somalia Somali ayaa leh itoobiyaan ma leh dalka Somalia dal federal ah waaye nin wax ka badali karahaya waxa SooMAALI isku raacday ma jidho.

  17. Binary Operation says:

    Nabad iyo Nolol

    sidaas weeye, federal kaba u laalaaba oo somaliyadii talyaaniga ka dhiga central estate.

    iskana ilaawa somaliland oo ah kuwa yagii ingiriiska xoriyada ka qaatay 26 june.

    hadaad u baahataan in majeerteen hoostiina la keeno waynu ka wada shaqayn, tunkaanu soo qaban oo inaka cagahiina hoos gayn doona.

    si fiican u garaaca nacdasha buuqa badatay sxb.

  18. Halgan says:

    Jegaanta haday xasuu
    q geysteen
    .ogadeen.qaxootiga
    Majeerteen gaalkacyo burtinle
    Dila borama.
    Kalshaale
    Lascaano
    Sanaag. Hada ogada.
    Iyaga wax xasuyqay. Waykibreen. Kibir kaqadaan. Hadii wax yar la yeelo calaacal gaalada. Utagaan. Kuli waa isku mid. 150 sano kahor baa Layiri jegaanta gaalada way jecelyihiin. Mingiste meles hayldhusa layn. Abiya. Kinya gini. Saiur. Igor. Iyaga gaalada Markay arkaan waa walaalood. Waayaab. Hargaysa iyi burco buur la noqotay umalayn maayo farmaajo wuu lahadlay lakiin iyaga waa laangaab wali. Garta ma qataan.
    tukarq .usc snm in darood layitiro ku heshiyeen. Abgaal murursade diiday.

  19. MK HAYAAN says:

    MAA HA ISAAQ === WAA SOMALILAND

    HA ISKU KHALDIN

  20. Binary Operation says:

    Halgan

    Inabti hanagu xiiqin Somaliland madaxbananideeda Mel aan kaga tanaasulayno maleh.

    Kol hadii riyadii 5ta la waayay dee hashaydii maandeeq waxaan goostay inaan lasoo noqdo. Beladii doontaaba ha dhacdee. Dhulbahante na intii dhagaha fududayn ee maskaxda wanaagsana ee saaxiib ka u ahaa caqliga waaga 1991 kii waan ka talo gashay wayna illa waafaqeen ee intaanu ka tagnay ee waxba aynaan waydiin waa intoodii waal waalnayd ee buuqa badnayd ee maskaxdoodu duxdu ka buuxday ee garmaqaatayaasha ahaa weeye.

    Waligiin baan waxba la idinka waydiinayn la idinka talo galinayn intiinaasi waal waalan ee buuqa badan ee maskaxdoodu duxda miidhan tahay.

    Nimanka aanu wax Isla waafaqnay ee idinka dhashay ayuun ba talada idiin jaraya iyakaanad ku khasban tihiin inaad ku daba fayshaan. Kkkkkk




script>
Daawo::Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Afjaray Isimadii Duubka U xidhna Xuliska Barlamaanka,
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaxalay saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ...
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020

Daawo::Raysal Wasaare Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Isaaq sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado
- Feb 20, 2020
Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray ...