600 War Deg Deg Ah:Wefti Ka Socda Mareykanka Oo Ku Wajahan Kismaayo Iyo Qorshaha Socdaalkooda, | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Wefti Ka Socda Mareykanka Oo Ku Wajahan Kismaayo Iyo Qorshaha Socdaalkooda,

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu wadahadallo kula leeyahay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ay ogaatay Khaatumonews.com Yamamoto ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Stephen Townsend iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya kulan ay kala hadli doonaan Axmed Madoobe xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan xiisada Jubbaland kala dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay ka wada arrinsan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

Ammaanka Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigaan laga dareemayo magaaladaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Oday jaamac says:

    MARYOOLEY GAAL ARKAABA GOOJO
    DHABARKA SAARE

    SAMAN KASTANA RAG UUN BAA DIIDANAA
    SIDAASAYNA KU SOCON ILAA QIYAAMAHA
    LAGA GAARO,INSHAALLAH..

    • Muuse Bloodh ( Cawaro) says:

      Oday Jabtoole aan kuu tosiyo hadalka nuxurkiisa waa: Qaldaan Marqaan arkay ku yaac sidii Ari caws arkay.Aaynu isla meeraysano SIDII MUUSE[BLOODH Cawaro].

  2. Mrsomali says:

    GEESIGI UMADA SOMALIYED OO U SHEEGAY CADOWGA SOMALI RUNA KA HADLAY ILAALI MIDNIMADA SOMALI WALEE https://www.youtube.com/watch?v=HSl6uf0GxWc

  3. Abc says:

    Khiyaali news.

    Dadka qaar uunbaad ku caayi jirteen gaalo jaceyl ee maanta ma iyagaa idin kala celinaaya oo war isu tura idin leh oo caqli idiin noqdey?

    Lax waliba halkey is dhigtaa lagu gowracaa,

    Sidaasaa weliba kuukuuyo iyo xabashi na idinku sugeysaa iney abid idiin taliso mar hadii caqligu idin shaqeyn waayey.

  4. Muuse Bloodh ( Cawaro) says:

    Oday Jabtoole aan kuu tosiyo hadalka nuxurkiisa waa: Qaldaan Marqaan arkay ku yaac sidii Ari caws arkay.Aaynu isla meeraysano SIDII MUUSE[BLOODH Cawaro].




script>
Daawo::Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Afjaray Isimadii Duubka U xidhna Xuliska Barlamaanka,
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaxalay saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ...
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020

Daawo::Raysal Wasaare Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Isaaq sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado
- Feb 20, 2020
Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray ...