600 War Deg Deg Ah:;Ciidanka Jubaland iyo Kuwa Dawlada Oo Qarka U Saaran Dagaal Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay. | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah:;Ciidanka Jubaland iyo Kuwa Dawlada Oo Qarka U Saaran Dagaal Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay.

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka geeyay duleedka degmada Balad Xaawo oo hada saldhig u ah ciidamadii Jubbaland ee ka baxay Balad Xaawo.

Ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka oo ka tagay degmada Ceel Waaq ayaa la sheegay in ay ku biireen ciidanka Daraawiishta ee jooga duleedka Balad Xaawo, waxaana ciidankan cusub hogaaminayay sargaal lagu magacaabo Cabaas Gurey.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Jubbaland ee ku sugan duleedka degmada Balad Xaawo ayaa halkaasi ka wada dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana gudaha magaalada Balad Xaawo ku sugan ciidamo badan oo ka amar qaata dowlada federaalka.

Col. Cabaas Gureey oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee gaaray duleedka Balad Xaawo ayaa sheegay in nasiib daro tahay in maanta aag isugu jiraan ciidankii la doonayay in ay dagaal la galaan Al Shabaab.

Ciidamada Jubbaland ee isku aruursanaya duleedka Balad Xaawo ayaa horey uga baxay degmooyinka Doolow iyo Balad Xaawo kadib markii halkaasi gaareen ciidamo badan oo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Oday says:

    Soomaaliya xaalkeedu waa ciidamo dhaq dhaqaaq wada, kuwo isu hub urursanaaya, ciidan meel ka baxay oo gurmad ah, magaalo la qabsaday, dad qaxaaya, kuwo sawiro iska qaadaya oo leh reer hebel baan mahay oo khatar baan nahay, iyo cali khaliif oo leh somaliland la wada leeyahay baan rabnaa.
    War nimanyohow waxan idin weydiiyey ma aragteen wax hadal haya
    Ciidankii dalka hala dhiso
    Badeena aan ilaashano
    Lacag hala daabaco qaranku leeyahay
    Dhalinyarada shaqo ha loo abuuro
    Caafimaadka halaga shaqeeyo
    Ganacsiga dalka kor ha loo qaado
    Beeraha iyo horumarintooda aan ka shaqeyno
    Qabyaalada dalka halaga cirib tiro
    Wabilaahi tawfiiq

  2. Mo says:

    Farmaajo nacas caqliga ka arradan, bal eeg ciidanka gedo isku hor fadhiya waa marreexaan aan cid kale ku jirin, marka sow caddaan maaha in doqonkani uusan xataa dan ka lahayn in ay isku baaba’aan ciidan wada ah jufadiisa?! waa ducuf xun oo kursi uusan howshiisa ka bixi karin si khalad ah ugu fariistay. 3dii sano ee uu meesha joogay howl kale ma qaban aan ka ahayn siduu kursiga ugu soo noqon lahaa, dhaqaalihii adduunku ku kaalmeeyey ummadda tabaalaysan wuxuu u adeegsaday burburinta maammuladii dhisnaa, waxaan dib u jalleecay xasan sheekh iyo sidii quruxda badneyd ee uu kursiga ugu wareejiyey, xasan dheekh disidda maamulada ayuu dhamaystiray, farmaajo nacasna burburin buu ugu dhaqaaqay, farmaajo waa ninkii ugu liitay oo abid madaxweyne ka noqda dalka, waa nin aad u xikmad yar oo aan xataa hadalka kugu qancin karin, wax qabadna loomaba samayn, maryooleydu waa dad nasiib daran!, midba midkuu ka dambeeyo waa ka sii liitaa, wax kalana maahee waa dambiyadii foosha xumaa ee ay iska galeen. soomaalidu waa dad caqligoodu fooraro, khaladkii ay shalay ku baabe’een bay wali ku sii socdaan, waa dad aan taariikhda iyo wixii la soo maray aan waxba ku qaadanin! 30 sano ayey iska daba wareegayaan oo dunidii ku wareertay, dunida waxaa u caddaatay in soomaalidu yihiin dad aan lahayn karti ay isku xukumaan, mushkilad weyn oon la xallin karini ma dhex taallo haddana ma heshiiyaan oo xataa kuwii isku jufada ahaa baa is wada haysta.

    caalamku intee in le’eg buu u dulqaadan karaa cawaankan adduunka dulsaarka ku ah ee horay u socda laga la’ yahay.

    Waxaan shaki ku jirin in dalal badan oo dhulbalaarsi raba ay isha ku hayaan dalkan dadkii lahaa ay dayaceen.

  3. Daacad says:

    Adeer col isu gibilla Wayne,
    Buaale inuu ku qabsado ciidamo uu ku sheego NSA, sidii uu adeerki Sarinley iyo Baarsheere ayuu rabaa,
    Xaarmaaje waa nin aan talin jirin.
    Marka waa in la iska celiya,
    Mareexaan khiyaanadii ay daarood ku dhigeen 1991 ayaa haysa, markii Afwayne cararay ay dhulka is dhigeen oy daarood baan nahay dheheen, ayay 2000 markii lagaadhay hawiye noqdeen oo ay goobaale, seeraar iyo shaatiguduud kismaayo dejiyeen.
    Nimanku waa nimanki, marka Kablalax waxaa lagudboon inay Faafaxdhiin ilaa Buurgaabo iyo Kiamboni soo xidhaan difaacdaan. Ilkayar beledxawo doolow iyo garbahaareey sadexdaasay gaar u leeyihiin, xamar Land haku darsadaan.
    Illeen Luuq,ceelwaaq,Baardheere iyo Buurdhuubo waa lala leeyahay.

  4. Warsame says:

    Somalidu walaahay waa munaafiqiin caadiya

    Ciidanka dowladu Jubaland wuu joogay cid ka hadashayna majirin oo waa lawada taageersana sababtuna waxkale maaha ciidankaasi ciidan Jubaland dhexdeeda laga sameeyay buu ahaa Axmed Dhuxulna isagaoo ilmada Yaxaaska daadinaya buu oranjiray ciidanka Dowlada wada shaqayn baanu samaynaynaa

    Hada markii Dowladu ciidamo kasoo daabushay Xamarna waxay leeyihiin waanalaku soo duulay halkaa waxaa kaaga muuqata inaan ciidan dowladeed iyo dowlad toona larabin

    Inta badan Axmed dhuxul wuxuu ku celceliya Dastuurka halagu dhaqmo Dastuurkuna wuxuu sheegaya in ciidamada xooga dalka ay masuul katahay Dowlada fadaraalka ahi

    Gartu ilaahay bay taqaanaya ama Dowlada fadaralka ah iyo waxay wadato oo dhan xidhiidhka haloo jaro Xildhibaanada iyo Wasiirada Xamar Joogana hakasoo baxeen ama Dowlada halala shaqeeyo oo waxa Dastuurku siiyay halagula shaqeeyo laakiin Beerka jecli Xaydha jecle siyaasad maaha

    Labo ciidan oo halmeel kawada musharqaata oo wada ciidan Qarana midna waan wata midna ma arki karo caqli ilama aha aniga

    Kolay sheekadani waxay ku soo uruuraysa Kenya iyo Ithobia say isla yeelaan waayo labadoodu midba meel buu wax uwada wayna muuqata. Kablalax iyo Mareexaan toona arintu maaha oo hadaba labada ciidan ee is horfadhiya way kuwada jiraan labaduba iyagoo isku filiqsan meeshan qabiil mayaale Siyaasad baa taala kolay hada Kenya mooral keedu ma wanaagsana wax walbana waxaa ka muhuumsan in somalidu is afgarato waana lays afgaran karaa

    Wbt




script>
Daawo::Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Afjaray Isimadii Duubka U xidhna Xuliska Barlamaanka,
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaxalay saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ...
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020

Daawo::Raysal Wasaare Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Isaaq sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado
- Feb 20, 2020
Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray ...