600 Hadalkii Xuseen Caydiid miyaa run noqday | khaatumo news online
dahabshiil

Hadalkii Xuseen Caydiid miyaa run noqday

Horjooge ka tirsan ciidanka Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin hal dal oo kale.

Sarkaalkaan oo ku sugan degmada Doolow, islamarkaana la hadlayey cutubyo ka tirsan Maleeshiyaadka Farmaajo ayaa sheegay in uusan farqi u dhexeyn labada ciidan, gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee jooga gobolka iyo kuwa Soomaalida ee dhowaan geeyey halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u taagan yihiin hal calaamad, islamarkaana aysan kala gaar aheyn ciidamadu, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Xuseen Maxamed Caydiid oo xarunta Villa Somalia kulan kula qaatay odayaal dhaqameedyo ayaa sheegay in Duubabka dhaqanka looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan sidii dalka Soomaaliya loo xasilin lahaa.

Xuseen Caydiid waxaa u ka hadlay gacan siinta Dowladda Federaalka ee Ciidamada Itoobiya, wuxuuna ku dheeraaday ammaan uu u jeediyay dowladda Itoobiya iyo Ra’iisal Wasaaraheeda Meles Zenawi. Wuxuu sheegay Xuseen Caydiid in Itoobiya ay abaal u gashay dadka Soomaaliyeed, kaasi oo aaney iloobi karin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Qaxootiga Dibadaha ku maqan ee Soomaaliyeed ay 60% ku nool yihiin dalka Itoobiya, iyagoo qaata Baasaboorka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu canshuurtii laga qaaday dadka Itoobiya uu Soomaaliya wax ugu qabtay, isla markaana uu Ciidamo ugu soo diray, sidaasi darteedna wuxuuna sheegay in ay doonayaan in la baabi’iyo xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay yeeshaan Hal Baasaboor iyo hal Lacag, sida ay u socdaan Dalalka Midowga Yurub oo kale Itoobiya a

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Abc says:

    Khiyaali news.
    Waatsoo abid ah.
    Kuukuuyo iyo xabashi ayaa qeybsadey somaaliya.
    Lax waliba halkey isdhigtaa lagu gowracaa.




script>
Daawo::Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Afjaray Isimadii Duubka U xidhna Xuliska Barlamaanka,
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaxalay saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ...
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020

Daawo::Raysal Wasaare Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Isaaq sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado
- Feb 20, 2020
Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray ...