600 DAAWO:Madaxweyne Farmaajo Oo Shardi Ku Xidhay In Laga Adkaado Alshabab, | khaatumo news online
dahabshiil

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo Oo Shardi Ku Xidhay In Laga Adkaado Alshabab,

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka jeediyey meertada 33-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaarada Afrika u noqon karto xarun shaqaale oo muhiima, maadaama ay ku taallo goob istaraatiiji ah .

“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxwwynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay Al-shabaab uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casriya.

“Cuna-qabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada, kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Axmed says:

    Sanadkan ayaa dalka laga qaadayaa cuna qabadeenta, alla maxay kaabe qabiil, al shabab iyo waanu go’nay lasoo afjari.

  2. kader says:

    Fulaynimada afweyne kadaran. Ma ninka rashka cirka loo diray ka boodaya ayaa alshabaab wax yeelin kara. Odayga aqalka sare ayaa dhinac taagnaa oo aan walaahi isdhaqaajin isuguse marbuu meeshaba ka carari gaadhay. Ala faan weynaa.

  3. Wiil waamo says:

    Axmed keep dreaming iska riyoo.
    Farmaajo oo hadda mareexaan hub isugu dhiibay miyaa la aamini karaa waa qeyra masuul.
    Nin ciil qaba hub noo noo

  4. HILLAAC says:

    Nimanka madaxda Soomaalidu ka dhigato, burburkii kaddib, way HAMRADAAN!

    Meesha sartu ka qurunsantahay (ee la rabo in laga hadlo oo caqabadna ku ah jiritaanka Soomaaliya iyo in laga adkaado kooxahan duurka ku jira iyo in dawladnimo buuxda la helo) waa waddamada SAFKA HORE EE KENYA IYO ITOOBIYA. Meel dhowbay ku meeraysataa.

    Ninka kaliya, burburkii kaddib, ee la saayiray waxa uu ahaa Dr. Galayr! Waa ninkii yiri, waaguu ra’iisal wasaaraha ahaa, “Waar illeen balaayo lama qarsado, waar Itoobiya waddanka hallaga saaro”. Itoobiya markaa gobolka Gedo bay ku jirtay. Wuxuu tagay QM, saa waa ka huleeleen.

    Waagaas waddanku malahayn dawlad dhisan oo xitaa caalamka intiisa badani aqoonsanyahay marka laga reebo QM iyo waddamo kale.

    Maraykan ma aqoonsanayn oo Itoobiyana may aqoonsanayn, iyagoo bilawgiiba ka biyo diiday Dr. Cabdi-Qaasim. Sababta ay Itoobiya uga soo horjeesatayna waxa ay ahayd, waxa uu ahaa ninkuxirnaa oo degenaa MASAR iyo isaga oo WADANINIMO lagu tuhmayey.

    Kolay dawladdu way aragtaa sida ay maanta Kenya u dhaqmayso, iyagaa laga rabaa sida ay QODAX daa isaga saari-lahaayeen, aniga oo filaya in ay ku talajiraan. Laakiin anigu sida odaygaa gaaban baan qar iska xoor ahayoo intaaba lama sugeen, way iga dulkqaad badan yihiin qolada villadu.

    Haddii labada-lugood aad dhiiqo la gasho, hal mar mawada saari kartid ee marba mid baa la saaraa. Kenya iyo Itoobiya halmar lama wadasaari karo, marka hore waa in Kenya si dhakhso ah loo saaraa. Itoobiyana ay markaa iska huleelaan.

    Waxa aan qabaa labadan waddan in ay yihiin kuwa u seeta dheeraynaya ee daboolka u ah in laga adkaado nimankan duurka ku jira, si ay ciidankoodana dhaqaalo ugu helaan oo ay ku xalaalaystaan siijoogitaankooda waddanka; haddii laga adkaado mashruucii Dr. BEYLE sheegayba dhammaanaya.

    Kenya iyadu wayba caddaysatay; waayo, markii aan maxbuus kaasoo baxsaday oo khatar kugu ah aan gabbaad siinaayo oo waliba kugu hubaynaayoo, sidee u dhihi karaa nabaddaadaan ilaalinayaa?! Ma waxa lasheegayaa wax ka jiraan, in nimankan villada dhaqaalahoodu Kenya yaalla oo ay u hamranayaan?

  5. Binary Operation says:

    Axmed

    Adigu dadku gabalku ugu dhacayo riyadaasi baad kamid tahay. Iska Riyo yaa cunaqabatayn kaa qaadaya In fact xaalku wuxuu maraya in xuquuqdii codka Lagaa fadhiisiiiyo misena hub baad sheegaysa in cunaqabatayn tiisa lagaa qaadayo? Kkkkkkkkkkkkkkkkk

    Farmaajo lacag bu aruursanaya uu kusoo ceshado passport kiisii maraykanka ee sheekadan uma jeedo waa sheeko hawiye lagu seexinayo.

    Kkkkkk




script>
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020

Daawo::Raysal Wasaare Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Isaaq sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado
- Feb 20, 2020
Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray ...
Daawo:Faysal Cali Waraabe “isman odhan Somaliland Sidan Ayay Ku Danbayn Doonta”
- Feb 20, 2020
Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa kusoo laabtay Guduoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka somaliland Faysal cali ...