600 Deg Deg Daawo:Dawlada Farmaajo Ku Dhawaaqday Arrin Ay Hore Ugu Jaben Siyaad Barre iyo Maxaakiimtii, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Dawlada Farmaajo Ku Dhawaaqday Arrin Ay Hore Ugu Jaben Siyaad Barre iyo Maxaakiimtii,

Masuul kamid ah Dawlada Fadaraalka Soomaaliya Ayaa ku dhawaaqay war xaasaasi ah oo halis galin kara mar kale Xukumada Fadaraalka soomaaliya ee u Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudoomiye Ku xigeenka Gedo Mucalimu ayaa isagoo dhextaagan ciidan Baladxaawo jooga waxuu yiri ” Kenya haday arbushaada naga dayn weydo waxaan ciidankeena amrayaa inay Nairobi kasoo casheeyaan”.

Soomaalida ayaa inta badan waxay caan ku tahay Laabla-kac iyo Ismahadin aan waxba uga Hoosayn waana tii keentay in Dhaqdhaqaaqii Maxamed Siyaad Barre ee Dalkan soomaaliya xukumaayay 20 sano ay wad inoqoto inay Si indho la aan ah oo siyaasad la aan ah iskugu midaamiyan Dawlad Guun ah waa itoobiye kadibna ay god dheer ku dhacdo Rajadii Soomaaliyeed markii Caalamku kusoo wada jeestay.

Mar kale dhaqdhaqaaqii Maxaakiimta ee Ka talinaayay Koonfurta soomaaliya isna waxaa wad u noqday inay Subax ku hadaaqen inay ku tukan Doonan Adis Ababa.

Mar kale Dhaqdhaqaaqa Farmaajo Hogaminaayo ee Sugi waayay Amniga caasimada Waxay ku noqon karta Halis kale oo aan la Mahadin Laablakaca iyo hadaaqa ka soo yeedhay Ku xigeenka Gedo oo maleeshiyaad Reer Gedo ah oo sita magaca Dawlad soomaaliyeed ugu qudbeeyay Nairobi ayaan ka cashayn doona,!

KHAATUMONEWS.COM

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. A k a muuse says:

    Mansha alleh dawladbaa
    Dhalatay hadayruntahy
    Punland runta awsheegaan
    Iyo jubland

    • Axmed says:

      Dawlad ayaa dhalatay mashallah. Kenya waa daciif, hadii 30k askar galaan way u dhamaatay, ajaanibtuna way ka yaacayaan. KDF waa fulayda africa. Waa lasoo afxidhayaa mooryaan maamul goboleed iyo caada qaate (biixi, deni, madoobe).

  2. Oday jaamac says:

    Shalay waa ogayn tacsi iyo baroor diiq
    Loo dhigayo MELES, halkay ku
    Dambaysay? Way fiicnaan lahayd in
    Kenyatiga xunka ah la karbaasho balse
    N&N maahan ku hankaas iyo awoodaas leh,
    Guryayba ku leeyihiin sida la wariyay..

    SOOMALIYANA XIL KAMA SAARA ILAALINTA
    NABADGELYADA KENYA, SAA IYABA MA
    ILAALISEE. ADIGA LAAKIIN YOU GET PAID FOR THIS. MARKA NACAYBKA N&N IYO QADIYADAHA
    UMADAADA KALA BARO…

  3. Axmed Cabdi says:

    Waxaanka hadlayaa arinta aadka qortay Somalia iyo Kenya. Anigu waxaan aamin sanahay Somalia in ayka adagtahay Kenya waqtiga xaadirkaa sidaa waxaan u leeyahay ciidanka Kenya ayaga oo dhowr boqol ah aa sodon wiil oo al shabaab u shaqeya aa qaarna gowracay qaarna iska watay.

  4. HILLAAC says:

    Ma uurka hooyadii baa lagu ciilay, xaq buu u leeyahay in uu sidaa u hadlo!

    Dagaalkii 1977 waxa uu salfaday IMINGISTE. Taa waxaa ka dhashay Ereteriya oo xornimadeeda heshay iyo Tigree oo Itoobiya qaybqaybiayay oo dalkii ka dhigay federal, halkaa waxaa ku dhintay riyadii AMXAARADA.

    Tigree waxa ay soo weerareen Soomaaliya iyo Muqdisha, taa waxaa ka dhashay in Tigreegii meesha ka baxo. Waxaa beddelay nin Oromo ah oo xanbaarsan fekerkii Amxaariga ahaa ee ka soo horjeeday federaakii ay ka tageen Tigreegii.

    Anyax tag eelna reeb, hadda Itoobiya waxa ay maraydaa meeshii abid ugu xumayd. Qoomiyad qawmiyad baa laysku haystaa xitaa jaamacadihii baa dabaqyada layska soo tuuray. Itoobiya waxa ay ku dhowdahay in ay sidii Yuguslaafiya kala yaacdo, heerkaana waxaa gaarsiiyay dagaalkii 1977 iyo kii tigreega ee 2007.

    Haddaan Kenya u soo noqdo, 2011kii markay Soomaaliya xoogga ku galeen waxaa horboodayey siyaasiyiin ka soo jeedda NFD. Waxaa ugu qaylo badnaa FAARAX MACALIN, oo hadda iska dhiga nin aan raalli ka ahayn markii xilkii lagaga guulaystay. Wuxuu hadda ka qaraabtaa N&N sida ciyaalka facebooga buu meelahaa ka nacnacleeyaa.

    Siyasiyiintii NFD waxa ay ka dhaxleen in ciyaalkoodii ay maanta waxbarasho la’aan yihiin oo cusbitaaladoodii haawanayaan nabadgalyo darro awgood.

    Hadday Kenya joojin waydo xadgudubyada iyo u hanqal taagga badda iyo ciidda Soomaaliyeed, waxa ay maridoonaan halkii ay Itoobiya martay.

    Marka, cidina naguma xuuxin karto Kenya, oo nama oran karto lama hadli kartaan sawaaxiliga haddii kale cirkaa idinku soo dumaya. Adeer, nin guri quraarad ah kujiraahi ma tuuryeeyo nin buul-caws ku jira. Annagaa hadda lehe, haddii ay Kenya joojin waydo faragelinta ay waddo Nayroobi baannu ka soo qadeehaynaa.

  5. Axmed says:

    HILAAC

    Walaahay taariikh baad haysaa iyo raganimadii somalida lagu yaqaanay. Kenya 10 wiil oo al shabab ah ayay iska celinweyday oo Israeli iyo UK military laba week ka saari waayeen Mall-kii Nairobi. Maraykan ayaa al shabaab ka adkaanwaayey, ma KFD oo daciif ah, oo dalkooda dhan ku dumayo markay CNN ana CGN tiraahdo “ciidamo Somaliya ah ayaa dhulka kenya soo galay, dagaal ayaana socda” ajaanibta ay lacagta ka sameeyaan ayaaba yaacaysa, wali waxay kasoo kaban la’yihiin al shababkii wax xagxagtay , oo billions ka luntay mombasa. Dagaal aynu kenya la galno wayba fiicantahay, waayo umadda somaliyeed ayaa ku midoobysa, 30 sano ayaynu burbursanayn, markaa we have nothing to lose, laakiin kenya has everything to lose. NFD ayayba fursad inoo siinlahayd sidaynu usoo ceshan lahayn.

    • Abdirashid says:

      Alleylahe bad bu galey gudomiyaha mandhera wa ku dayey siyasadi somaliya e iska dabo gadonka aheyd ayu dhex maqurtey cidamada darawishta jubbland waxay ahayen kuwi shacabka mandhera amankoda qaybta ka aha inteysan maleshiyada faromajo imanin b/xawo iyo doolow wuxu hadda tagero u mujinaya maleshiyada faromajo ader baxar iyo bad adan shaqo ku laheyn bad gashey ha ka sarto

  6. Abdirashid says:

    Maleshiyadi diyaradaha lagu geyey gobolka gedo magaloyinka b/xawo iyo doolow hadalki gudomiye ku xigenka gedo u laha waxan ka so casheynayna darted kenya waxay bilowdey inay qorykhi askarta iibis ku bilowdo askarigana janis lo siyo u gariso ku aado si u diyarad ugu raco deganki laga so qorey u maleyn mayo dhowr malmod ka dib in hal askari logu tagayo dawlada tagera xamarna manta waxa kala cararey o darbiyada ka datey askar kale o gedo lo qadi laha waba qafaal qoto qoto ah




script>
Daawo sawiro:: Garoonkii Baraawe, Ee Khayre Sheegay In 4 Milyan Oo Dollar Ku Baxday Oo Muqaal kale yeeshay 19 Bari Kadib
- Mar 27, 2020
Muqdisho{ Khaatumonews }10 Bishan aan ku jirno ayay Ahayd markii Raysal wasaaraha ...
Imaaraadka Oo Diyaarad Drones Ah laba Jeer Dulmariyay Xarunta NISA Ee Muqdisho,
- Mar 27, 2020
Diyaarad Drone ah, oo aan la xaqiijin cidda iska leh, ayaa galabta laba jeer ...
Deg Deg Daawo:Puntland Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Farxen Shacabku.
- Mar 27, 2020
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay in laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Sabtida berriya ...
Daawo:Booliska Hindiya Oo Budh kaga Saaray Salaadi Jimce dad Ku Dukanaayay Masaajid,
- Mar 27, 2020
Kadib markii uu caalamka wareershay Caabuqa Corona islamarkaana la diiday in la isugu yimaado ...
War Deg Deg Ah:Qofkii Sadexaad Oo Laga Helay Muqdisho Coronavirus
- Mar 27, 2020
Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur oo goor dhaw la hadashay warbaahinta ...