600 War Deg Deg Daawo:Wasiir Janan Oo ciidan Xoogan Soo Dhoobay Maanta Beladxaawo. | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Daawo:Wasiir Janan Oo ciidan Xoogan Soo Dhoobay Maanta Beladxaawo.

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland, islamarkaana uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaq milatari ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Janan oo xiran tuutaha milatariga ayaa saaka lagu arkay duleedka degmada Beled-Xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay doonayaan inay dib u qabsadaan degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow oo dhowaan ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dhaq dhaqaaqyadaan qeyb ka ah madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo isna ku sugan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay isku dhacaan labada ciidan oo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada halkaasi.

Tan iyo markii uu wasiir Cabdirashiid Janan ka baxsaday halkii uu ugu xirnaa dowladda ee magaalada Muqdisho wuxuu Gedo ka bilaabay abaabul uu uga soo horjeedo dhaq dhaqaaqyada cusub oo ay ciidamada milatariga Soomaaliya ka wadaan gobolkaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Abdirashid says:

    Masha allah barakalahu fiikum arlul jubbland iyo madaxdeda maxamud

  2. HILLAAC says:

    Wax lamma ciidan la yiraahdo oo Soomaali ahi ma jiraan, waa CXD iyo KDF waxa meesha isku hayaa.

  3. Axmed says:

    Maleeshiyo madoobe iyo janan wataan baa xabado kusoo riday CXD somaliya, markii mid laga dilay ayay duurka dib ugu carareen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    http://Www.caasimada.com

  4. Oday says:

    Waa dad reer baadiye ah oo qoryo loo soo dhiibay, ninkaan dawlada u xirnaa waa cadaatay waxa uu ahaa fido wade ka shaqeeya dil iyo dhac iyo in ummada la bara kiciyo oo Soomaaliya ay ku jirto dad is dilaaya iyo baabuur qoryo ku xiran yihiin oo marba meel u rooraaya. Kuwa sawirka ka muuqda ee safka ku jira waa ganacsatadii dagaalka ee ku naaxi jirey dhiiga masaakiinta laysku diraayo waxaana soo maal gelisay dawlada kenya




script>
Dhulbahante Xamar, ma Isxambaar Ayuu ku tagaya 2021
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha dowladdaΒ  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii ...
Daawo::Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Afjaray Isimadii Duubka U xidhna Xuliska Barlamaanka,
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaxalay saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ...
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020