600 Daawo:Waraysi Kulul Wasiir Janan Oo Ka Hadlay Qaabkii Uga Baxay Xabsiga, | khaatumo news online
dahabshiil

Daawo:Waraysi Kulul Wasiir Janan Oo Ka Hadlay Qaabkii Uga Baxay Xabsiga,

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Nuur Xasan, (Janan) oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qaabkii uu uga baxsaday xabsiga uu ugu xirnaa dowladda federaalka ee magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Janan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in markii uu ka baxsaday halka uu ku xirnaa uu saddex maalmood ku suganaa isla magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan doon ku tagin magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay been abuur yihiin eedeymaha loo heysto ee ay sheegtay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la xariira arrimo bani’aadanimo.

Ugu dambeyn wasiirka amniga Jubbaland ayaa eedeyn culus u jeediyey hay’adda xuquuqda aadana ee Amnesty International, wuxuuna sheegay in magaca hay’addaasi ay si qaldan u adeegsanayaan shaqsiyaad gacan saar la leh dowladda Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Axmed says:

    Janan- xabsi iyo toogasho ayuu ku danbeyn.

    Madoobe- xabsi ayuu ku danbayn

    Deni – markuu arko in jubaland maamul laga dhisay oo CXD kusoo fool leeyahay, puntland ay maanta dhulbahante, warsangeli, cali saleebaan, leelkase dibada kajoogaan ayuu isdhiibi shuruud la’aan oo darood wuu heshiin ileen puntland ma rabno inay naga burburto e dawlada ayuuna ku daba fayli.

    Biixi – 30kii sano ee ugu danbeeyey ayay waxooda cadeesteen, dagaal 50 kun oo askari oo qalabaysan ayaa gelaya, oo macal wada hadal lalama gelayo, ayagu waxay sameeyeen 30kii sano ee ugu danbeeyey buugay ku qoranyihiin, hal xalaal ahna kuma jiro. Hoog iyo ba’ ayaa sugaya.

  2. Abc says:

    Waxaan weli fahmi la ahey 50 kun oo askari, ma pmaxey u jeedaan kuukuuyo, xabashi, kurdi ciidamadooda,horaa looyiri hardy riyo daba leeyihiin tooda ayey ku qarin lahaayeen.




script>
Daawo sawiro:: Garoonkii Baraawe, Ee Khayre Sheegay In 4 Milyan Oo Dollar Ku Baxday Oo Muqaal kale yeeshay 19 Bari Kadib
- Mar 27, 2020
Muqdisho{ Khaatumonews }10 Bishan aan ku jirno ayay Ahayd markii Raysal wasaaraha ...
Imaaraadka Oo Diyaarad Drones Ah laba Jeer Dulmariyay Xarunta NISA Ee Muqdisho,
- Mar 27, 2020
Diyaarad Drone ah, oo aan la xaqiijin cidda iska leh, ayaa galabta laba jeer ...
Deg Deg Daawo:Puntland Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Farxen Shacabku.
- Mar 27, 2020
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay in laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Sabtida berriya ...
Daawo:Booliska Hindiya Oo Budh kaga Saaray Salaadi Jimce dad Ku Dukanaayay Masaajid,
- Mar 27, 2020
Kadib markii uu caalamka wareershay Caabuqa Corona islamarkaana la diiday in la isugu yimaado ...
War Deg Deg Ah:Qofkii Sadexaad Oo Laga Helay Muqdisho Coronavirus
- Mar 27, 2020
Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur oo goor dhaw la hadashay warbaahinta ...