600 Sadex Sano Kadib Khayre iyo Farmaajo+Warbixin | khaatumo news online
dahabshiil

Sadex Sano Kadib Khayre iyo Farmaajo+Warbixin

Waxaa Caawa oo kale 8 Bisha labaad 2017 Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed cabdilaah Farmaajo.

Sadex sano ayay caawa ugu Buuxda xukumadda Madaxweyne Farmaajo waxaana u hadhay muddo Xileedkiisa wax ka yar Sanad,

Dawlada U Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo Caawa Waxaan Raba Inaan Dul istaago Maxay qabatay? maxayse qaban maxay kaloo soo kordhisay maxaase dib udhacay.?

Farmaajo markii uu Taladda Dalka qabtay Waxaa lagu doortay Dastuurkan qabyada ah walina waa qabyo mana jirto sadexda sano wax Dastuur ah oo la dhamaystiray ama somali iskaga timid.!

Xamar qarax ayaa ka socday Markii Farmaajo Hogaanka Dalka qabtay ilaa hadana waa socda walibana waxaa u dheer Bandow xamar Qaraxii socday.!

Bu’alle Alshabab ayaa haysatay Markii Farmaajo talada dalka qabtay Walina way haystan mana jirto meel ciidan qaran ka qabsaday alshabab!

Khilaafkii maamulada iyo Dawlada soomaaliya waa taagna markii Farmaajo talada dalka qabtay walina waa tagan yahay wuuba ka sii daray,!

Hadaan Intaas kaga imaado Xaalada aan isbadelka lahayn ee ka sii daraysa!

Taageerayaasha Dawlada oo in badan hada hoos udhacay waxay ku soo celceliyan marka la weydiiyo maxay qabatay Dawladu ?

.Daynba la Cafiyay Caalamka indha nagu haya,Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa loo dhiibay Madax yes man ah,Bandowga xamar waa Guul Ay dawladu Gaadhay.iyo Labiska khayre Oo ay inta badan Ku baahiyan Facebook,

Hadaan intaas ku soo koobo Ereyada Taageerayaasha dawlada Anna aan bal dib ugu jawaabo.

Marka Hore Dawlada somalia waxa la Aqoonsaday oo caalamku aqoonsaday indhahana ku soo eegay 60 sano ka hor 1960, maaha taasi mid ku timid sadexda sano ee Nabad iyo Nolol.

Waxaa igala macno weyn Indha caalamka iyadoo Gobol kamid ah Soomaaliya Nabad yahay oo Dawladnimo ka hana qaado,

Daynba la cafiyayna waxaa igala weyn Xaafad xamar kamid ah oo Shacabku nabad ku maran.

Galmudug iyo Koonfur galbeed oo lagu faano waxaa loo dhiibay Dad Dawladu keensatay hada Galmudug iyo Koonfur galbeed, waa labo Gobol oo somalia kamid oo inta badan dhulkooda ay haystan Alshabaab oo nabad iyo Amni ku yahay Cidhidhi islamarkaana u baahan samato bixin dhanka arrimaha bulshada ah taasna waxaa igala wacneed qarashka Qoor-qoor iyo Lafta gareen lagu saaray Kuraasta iyadoo ceelaal biyood iyo nabada beelaha dhulkaasi lagu bixiyo.

Khayre oo labisan oo Faceboox lagu Xayaysiisyo waxaa igala wacan isagoo Boodh iyo Dayac ka Muuqdo oo dalku u yahay nabad,

Ugu Danbayn Sadex sano kadib anigu guul uma arko weerarka maamulada iyo in la’aamino in xoog somali loogu dhalin karo dawlad ee waxaan aminsanahay in Dawladu ku imaan karto Rabitaanka Dadka soomaaliyed taaso ay cadayn kugu filan tahay 1960 hada xoog somali dawlad uguma dhalan gobolada dalkana la iskuguma tolin ee somali iyadaa Isutimid waxaanse u arka tan hada socota Sodon sanno kadib iyo qabiiladii soomaaliyed oo maamulllo xoogan haysta iyo Reerihii oo xoogan oo mar kale ceel-dheer ku ridaya Rajadii qalabay

Somali 1960 Iyada isutimid oo Dawlada dhisatay hadana iyado isu imaan karta oo dhashan karta ee ma aaminsani in Khayre iyo Farmaajo ugu dhisi karan Rabidoonkooda,

Khayre iyo Farmaajo waxaan u Hayna Sadex Sano kadib In aysan khilaaf Muuqda oo warbaahinta qabsada uusan dhexmarin,

W/Q Cartan Darwiish

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. HILLAAC says:

    Hadday wax qabteen iyo haddii kaleba, waxa ay dad badani qabaan in saddexda sanno ee ay Farmaajo iyo Kheyre xilka hayeen ay lugaha iyo gacmaha ku dhegenaa oo ka raaracay labadii MADAXWEYNE ee xilka uga horreeyey iyo BADHASAABBO isu haysta in ay dalka madaxweynayaal ka yihiin iyo kooxo kale oo danley ah.

    Maaddaama uusan dalku lahayn dawlad-dhexe oo awood leh, way ku khasban yihiin in ay qiimo kasta ku bixiyaan in ay helaan maamullo ay wadashaqayn karaan si ay hawlaha horyaalla ee loo igmaday u dhaqaajiyaan; dad badan baa sidaa qaba.

    Maaha marka federaalbay diiddan yihiin iyo jujuub bay wadaan ee xalkaaba sidaas ku jira bay dad badani qabaan. Sideedana federaal waxaa kaantarooli kara dawlad dhexe oo awood leh. Sida ay u dhaqmayaan maamullada Garoowe iyo Kismaanyo waa mid kahor imanaysa hannaanka dawladnimada oo waana mid u adeegaysa dano shisheeye; taasi waa maragmaddoonto.

    Markaa intaa laga yimaaddo, nimankani ma dhaliil la’a. Xukuumaddii waxa ay inta badan ka soo xusheen xildhibaanadii si aan loola xisaabtamin. Garsoor madaxbannaan oo tayo leh ma aysan dhisin. Sirdoonka dad hanan kara uma aysan dhiibin. La iskuma hayo in wax badan khaldanyihiin, Laakiin dadkii wax u sheegi lahaa ee sixi lahaa baa waddo khaldan maray.

    Mucaaridnimada soomaalida waxa ay kaliya isugu soo uruurtay in qofka lugta la jiido si aan loo oran kuwii shalay isagaa ka fiican ama loo fashiliyo si loogu eedeeyo fashilkaas. Adigaana sababtii fashilka qayb ka ah oo haddana adigaa eedaynta ugu horreeya, dhaqankaa haddaynaan beddelin wax hore u soconayaa majiraan.

    Waxaan marka ku talinlahaa oo dadka intiisa badanina qabaan in nimankan mar LABAAD fursad la siiyo si ay u dhammaystiraan geeddi socodka dawladnimo ee ay wadaan.

  2. Xagarciideed says:

    Farmaajo iyo Khayre dalka ma laha wey u khidmaynayeen; sidoo kale tuugo umay soo doonan iyo inay ka shaqaystaan. Somali dhamaanteed ididiilo ayaa soo gashay iyo inay dalkoodii ay maamulaan rag ku haboon. Inkastoo khaladaad dhacay intay jooggeen, sida xilalka ay u magacaabeen dad aan la hubsan oo denbiyo waaweyn sameeyey sidii Sanbaloolshe. Cartan Darwiish, waxaad ku haysto ma wax adiga kaa yimi baa mise dad kale ayaad u ciyeysaa. Marka laga soo bilaabo Carta ilaa maamulka hadda joogga waa maamulkii ugu macquulsanaa, inkastoo, la soo maray marxalado kala duwanaa.
    Haddii ay ku guuleystaan soo saarida shiidaalka, oo ah waxa ay carabtu kula dagaalamayso, Somali waxay u dhisi doonaan taalooyin lagu xusuusto.

  3. Oday jaamac says:

    CADAALADA
    Sida somalida u taqaan waa Sadbursi,
    Hadii kale ismaba qilaafteen, u fiirso nin
    Walbaa waa dulman ahay buu ku leeyahay
    Marka aaway daalimkii. Kooxdan umada jaha wareerka ku haysa sidii laysaga qaban lahaa waa in loo midoobaa, hadii kale meel kasii fog baa laga raadinayaa..

  4. Oday jaamac says:

    WAA IN DAWLO SOOMAALIYEED SIDII LOO DHISI
    LAHAA LAGU DADALAA INTA TIKREA, AMXAARO IYO OROMO ISKU MAQAN YIHIIN, HADII KALE WAXA DHICI SIDII MELES UGU SOO DIYAAR GAROOBEY SHAN SANO, IN 1996 HE STARTED KILLING SOMALI MARYOOLEY…

  5. Axmed says:

    Sharaftii iyo quwadii somaliya ayay si xawli ah usoo celinayaan

  6. Warsame says:

    Marka qofku rabo inuu xaalad qiimeeyo waa khasab inuu dib u eego xaaladihii hore ee lagu jiray ama lasoomaray kadibna uu isbarbardhig sameeyo anigu taasan cadaalad u aqaana

    Farmaajo iyo Khayre ninkii awalba kasugayay inay 4sano wax walba ku dhamayn karaan kuna hagaajin karan markii hore baanu qofkaasi habeen jirin

    Aniga waxay ilatahay inay wixii ka horeeyay oo dhan ay dhaaman waa hadaan lays xaasidayan

    Ninka maanta leh Somaliya inay ismuquuniso uma baahna waa nimaan habeen jirin Dowlad macnaheedana aan garanayan Dowladi waxay wadahadal gali karta marka awoodeeda laga baqayo meelaan awoodba lagu ogayan maxaa lagaala hadla, Siyaasada wadahadalka iyo awooda dowladu waa inay is garab socdaan

    Ninka aan maanta ogolayn in ciidan qaran ladhiso dowlad nimada macneheeda baanu garanayan

    Anigu waxaan oran lahaa Dowlada caqabad ka wayn Jubaland iyo Puntland ma hortaagna kuwaasa mudan in loo caqli celiyo runtana loosheego intii eeda meelo kale la’la aadi lahaa
    Wbt




script>
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020

Daawo::Raysal Wasaare Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Isaaq sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado
- Feb 20, 2020
Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray ...
Daawo:Faysal Cali Waraabe “isman odhan Somaliland Sidan Ayay Ku Danbayn Doonta”
- Feb 20, 2020
Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa kusoo laabtay Guduoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka somaliland Faysal cali ...