600 Deg Deg:Farmaajo Xilka Ka Baaciyay Masuul Weeraray Somaliland Kadib-na Amaan la Fuulay iyo Taariikh Aysan Lahayn Beesha Isaaq, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Farmaajo Xilka Ka Baaciyay Masuul Weeraray Somaliland Kadib-na Amaan la Fuulay iyo Taariikh Aysan Lahayn Beesha Isaaq,

Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Ku cadaadiyay in uu Iscasilo Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo kamid ahaa xubnihii lix Bilood ka hor u magacaabay madaxweyne Farmaajo ee Wadahadalka maamulka Beesha Isaaq iyo Dawlada Fadaraalka soomaaliya,

Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) ayaa dhawaan warbaahinta ka sheegay hadal cadho galiyay Beesha isaaq kaaso ahaa in xasuuqii Somaliland loo gaystay uu sax ahaa,

Hadalka Ka Soo yeedhay Danjire Guulwade, Ayaa sabab u noqday in Madaxweyne Farmaajo ku raali galiyo Beesha SNM in Xubintaasi uu xilka ka qaadayo iyado u maantana xilka ka qaaday.

Bogga Madaxtooyadda Farmaajo ayaa lagu soo daabacay qoraal lagu raali galinaayo Beesha Isaaq, islamarkaana lagu siinaayo Taariikh aysan asal u lahayn oo lagu sheegaayo inay ahaayen dadkii dhiiga iyo maalkaba u huray Gobanimo Udirir-kii Gobolada Waqooyi Ee Lagula diriray Ingiiiska.

Taariikh-da Daraawish oo aysan Cid soomaali ahi la wadaagimDadka SSC dhanka Halganka Naf hurnimada. ayaa Kooxda Villa soomaaliya dusha usaartay kuwii Basaasiinta uhaa Ingiriiska ee la safna Guumaystaha

Sidoo kale waxaa wax laga xumaado ah waxba yaanay iba tarine Kooxda Villa soomaaliya sida ay u luminayaan Halgankii Darawiish-ta

Waxa Xasuus Mudan in Taliska Farmaajo aysan Maalina Ka xuman kana guban Cabudhinta Dulmiga iyo Weerarka Joogtada Ah ee Maamulka Somaliland ku hayo Gobolada SSC uguna hayo soomaali weyn ayaad Rabtan,

Halkan Hoose ka Akhriso qoraalka ka soo baxay Madaxtooyadda Farmaajo ee lagu suuba salaxaayo Gooni soodka Isaaq,

DANJIRE GUULWADE OO LAGA AQBALAY IS-CASILAADIISA XUBINNIMADA GUDDIGA WADAHADALLADA DFS IYO SOMALILAND

Muqdisho, Jan 22, 2020: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Hassan says:

    Ammaaan iyo cay, ama duco iyo habaar midna mari mayso Somaliland. Waxa qudha ee ay Somalilaand doomaysaa waa aqoonsi ee joojiya ciyaarta, cayda, ammaanta iyo khiyaamada xun.

    • Axmed says:

      Qabiil qaran ma noqdo.
      Kurdish oo ah 35 million, dhulkoodana haysta, oil na leh baa go’i kari waayey , ma isaaq oo 600 kun ah baa go’i kara.

  2. Maykadheegto says:

    Hala yaabin sheekooyinka daroogaysan ee merfeshyada laga sheekeyo hadaad la timaado public waxaa Ku haya xanuun isdaawey

  3. Abc says:

    Naceybkii weli wuu jiraa,weligeedna wuu jirayaa, xasuuq labaad ayey la damacsan yihiin somaliland.

    Laakiin hadal muxuu tari iyagu isuma taliyaan ee waxa maamula kuukuuyo, xabashi, Massey,Uganda iyo burundi iyo kurdi oo kala ilaaliya iyaga, caqlina u ah.

    Somaliland danaheeda ayey ka tashatey,horena wey u soconeysaa,
    Tiina ka tashada oo isbaa inta iyo xasuuqa idinku iska daaya, somaliland haku xiiqina kuna Dan seegina, ee idinku horta si is Dhaha oo caqligii 30 sano idin shaqeyn waayey bal wax kadaya iney wax ku hadheen.

  4. Axmed warya says:

    Axmed beeeenaaale imisa dal ayaa dadkoodi ka yar yahey million oo hadana qaran ah.qatar,Djabouti. Kuwait, camman iyo qaar kale oo badan.markaa tiro dad qaran laguma noqdo.

  5. Ismail Hassan Mire says:

    Waxaynu u deyn mustaqbalka, in Somaliland go’do iyo in kale

  6. Mo says:

    iidoor waxay yiraahdeen waa nala xasuuqay, waxaa la wada ogyahay in dhibka dowladdii kacaanku u gaysatay beesha majeerteen aysan cidna u gaysan, wax dacwo ah oo ay qabaana ma jirto, dowladdii kacaanku ma ahayn dowlad qabiil ee waxay ahayd rijiim kali talis ah oo ciddii ka hortimaadaba la dagaalamaysay, marka waxa iidoor kaligood la qaylinayaan waa, dan kalay leeyihiin, dantaasoo ah goosasho, iyagu intay iska laayeen dowladdii ma layn. marka sheekada xasuuqu waa matoorkii dhaqaajinayey goosashada!! iidoor markuu ku soo noqday gobolada waqooyi waxay xasuuq ba’an u gaysteen beelihii la daganaa, sida Gadabiirsi, dhulbahante, warsangali, ciise caddeynteediina meel walbay taallaa, marka ma nafbaa naf ka qiimo badan!! iidoor waxaan leeyahay rag is guraye!!

    gooni isu taag socon waa ( meaning it is dead )
    ee qabiil yar baad tihiine dadkiinna dhinac ka raaca oo soomaaliweyn haydindeeqdo!

    Down all traitors
    Viva Somaliweyn.

  7. Binary Operation says:

    raali galin xamar kama rabno ee waxaanu ka rabna inaanu kala faataxaysano oo sheekada riyada la gebo gabeeyo.

    taa iyo tu ka xunba xamar waa lagaga hadlaa waana lagu kacaa. laakiin hadaanu nahay sacabka jamhuuriyada somaliland. niyad uma hayno midnimo dambe oo ina dhex marta somalia iyo somaliland.

    hadaad caytamaysaan iyo hadaad afka macaanaysanaysaan anaka nagama joojinayso go’aanka yagan adag ee aynu qaadanay.




script>
Dhulbahante Xamar, ma Isxambaar Ayuu ku tagaya 2021
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii ...
Daawo::Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Afjaray Isimadii Duubka U xidhna Xuliska Barlamaanka,
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaxalay saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ...
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020