600 Deg Deg Daawo:Hadalkii Ka Cadhaysiiyay Muuse Biixi iyo Farmaajo, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Hadalkii Ka Cadhaysiiyay Muuse Biixi iyo Farmaajo,

Cabdraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee Wada hadalada Soomaaliya iyo maamulk Beeleedka Somaliland ayaa sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii ku qaaday Gobolada Burco Hargaysa ee hadda la baxay Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Jen. Guulwade oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilligii ay dhaceysay dowladdii Milateriga aheyd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sheegay in duulaankaas loo qaaday si loo difaaco midnimada iyo qarannimada dalka.

Dad ayaa diyaarad lagu garaacay run weeye, dad ayaa la laayay run weeye, laakiin dal kasta oo adduunka hal ma ogolaan karo, madax banaanidiisa iyo midnimadiisa in lagu ciyaaro dowlad adduunka ogol ma jirto, ciidan jabhad oo iyagoo hubeysan oo dalka inay kala gooyaan diyaar u ah ayay magaalada soo galeen, dowladdii markaas jirtay ma waxaa kula talin laheyd inay soo kala cararaan, dowlad kasta adduunka joogta waxay mas’uul ka tahay madax banaanida iyo midnimada, cidii midnimadaas halis ku ah waxay xaq u leedahay wax kasta awood ah inay isticmaasho” ayuu yiri Jen. Guulwade

Wareysi uu siiyay Barnaamijka Garnaqsi ee soo saaraha ka yahay Wariyaha rug-cadaaga ah Yuusuf Xasan oo ka baxa Shabelle TV.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 29)

  1. kader says:

    Wuxuu ka mid ahaa ragii villa somalia talada wax ka goonayn jirey. Isaga iyo mohamed abdi yusuf labaduba waa lataliyayaasha farmaajo. Vila somalia ayay ku noolyihiin.

    • Mo says:

      Generaalku run buu sheegay, snm oo hubaysan baa weerar soo qaaday, ciidankii dowladdu way is difaaceen markii la janiyeyna dumarkii iyo carruurtoodii bay difaac ka dhigteen. dumarka iyo waayeelka iyo carruurta ku waxyeeloobay dagaalka waa nasiib darro, laakiin ciidanku jabhad buu la dagaalamayey doonaysay gooni goosad. dal kasta waxaa khasab ku ah inuu difaaco midnimada iyo madax banaanidooda.

      Iidoor waa laga adkaaday laakiin nasiib darro kuwo aan la garaynin waxay doonayaan oo calibeysteen ah baa dowladdii dumiyey, iidoorna waxaa u suurta gashay in ay gobolada waqooyi ku soo laabtaan.
      cali beysteenkii muqdisho qabsaday illaa maanta oo 30 sano la marayo wali waxay doonayaan lama yaqaan, waxay ahayd in soomaalida kale ee dowladnimada iyo midnimada rabtaa dowlad ay ku midaysan yihiin dhistaan, calibeyteenkana kaligood la isu daayo. shaki kuma jiro in meesha hadda la joogo in meel ka wanaagsan la joogi lahaa. bal u fiirso maamul goboleedyadii loo dhisay calibeysteenka waa burbureen oo mid shaqaynayaa ma jiro, iska daba wareeg iyo is qabqabsi buu wakhtigii kaga dhammaaday, Koofurgalbeed, Jubbaland iyo puntland cirkaasay marayaan oo horey u socdeen. iskaddaa maamul goboleed ay dhisaane, magaalo madaxdii dowladdu fadhiday baa shaqayn la’ oo xukunkeedii hal waddo ku soo uruuray. ma istaahilaan dadnoocaas ah in wax lagu darsado. Jawaabta akhristahaan u daayey.

    • Xagarciideed says:

      “Doqon saaftin carro loogu riday sed bursiinyo ma moodo”, Odaygan, wuxuu u hiiliyey jeegaantii ku beer cadaatay waa nala dilay, wuxuuna noqonayaa sarkaalkii ugu horeeyey ee qirta inuu dad xasuuqay. Diyaarada duuliye Xawaadle ahaa baa ka degey Jabuuti oo yidhi waxaa la igu amray inaan duqeeyo Hargeysa oo beena waxa loo diray inuu jabhda aaga ay jooggaan oo Mingiste soo tilmaamay in lagu duqeeyo. Waxa lagu wada hadaaqayaa waa been ku dar been iyo sheeko xariiridii shacab kicinta. Dadka gelaya wada hadalka waa inay noqdaan dad garanaya waxay ka wada hadlayaan iyo Somalinimadu waxay tahay.

      • Xagarciideed says:

        Taalada diyaaradu saaran tahay, waxay ka wadeen waa nala duqeeyey oo waxa adduunka u cadeeyey duuliyihii diyaaradii ka degtay Jabuuti

  2. Abc says:

    Khiyaali news.
    Bal waxey war ka dhigayaan eega.
    Ka waxan soo gudbinaaya iyo ka la wareysteba ee wadankaa xamar u heysta waa isma dhaan iyo dhasheed.
    Iyo caqligood.
    Taasaa la leeyahey ha is raacdo.
    Ma talyaanigaasaa mahdi ah tanina waa yaabee.

  3. Axmed says:

    Boqolkiiba boqol. Runtuu ka hadlay.

    • Haliye says:

      Hadii maanta reer Boorame dhahaan waa ka go’nay Somaliland oo soo weeraraan Boorame oo qabsadaan muxuu samayn lahaa Muuse Biixi? .
      Ciidan buu u diri lahaa.

      • Hassan says:

        JAMHUURIYADDA SOMALILAND IYO FADARAALKA SOOMAALIYA KALIYA HA KA WADA HADLAAN SIDII AY LABA DAL OO JAAR AH ISGU AQOONSAN LAHAAYEEN.
        ————————————-Ninkani waxa uu ka jooogaa raggii talada xumaa ee Afwayne ka dhaadhiciyay beentii ahayd in Isaaq yahay qabiil yar xoog loo adeegsan karo oo marka ay madhaan dhulkooda la siin doono beelaha kale ee la dega ee ogol xukunii Afwayne. Waa nin waligiiba bukay oo hadana qarsan kari waxa uurkiisa xun ku jira sida madaxwayne Farmaajo iyo ex-madaxwayne Xasan Sheekh. Guulwade ma doonayo in ay isku dawlad noqdaan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo ah raggii uugu aqoonta iyo kartida badnaa jabhaddii SNM,sidaas oo kale, Madaxwayen Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an, in aanuu marnaba ka tanaasulin muqaddasnimada qaranka Somaliland iyo saraynta calanka dalka ee Tooxiidka. Hadaba mar haddii uu xaalka madaxda labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya uu halkaa joogo oo aanay maanta Soomaaliya ka xoog, xoolo, xinniinyo iyo xeelad badnayn Jamhuuriyadda Somaliland, maxa hadaba is labada dal ay ka wada hadli karaan ee aan ahayn, kaliya sidii ay u kala noqon lahaayeen, laba dal oo soomaaliyeed oo jaar ah. Sida aad la wada soctaan, wixii lagu ka soo baxay ee lagu heshiiyay wadahadaladii hore, waxa ka dhammaantood ka baxay oo diiday xukuumaddii hore Soomaaliya ee uu hogaaminayay ex-madaxwayne Xasan Sheekh!!

  4. kader says:

    Fulay buu ahaa afweyne maato iyo caruur buu diyaarado iyo artillery ku laayey. Bal eega ilaa south Africa ayuu calooshood u shaqaystayaal (mercenaries) kasoo kaxaystay si ay reer dhan taariikhda uga masaxaan. Cajeeb. Aakhirkiina suuli Nigeria kuyaal ayuu ku bakhtiyey. Ileen Ilaahay uun baa wax masixikaree. Kan hadlayana cadhaa haysoo inantiisuu qabay.

  5. Axmed warya says:

    Bal ninkaa macasha weeyn leh weyga caqligiisa.cajiib.kuwaas noocaas ah ayaa Somali ku jira.

  6. Axmed warya says:

    Ninkan waa in maxkamad la soo joojo.oocadaaladda aduunka la saaro.

    • Mo says:

      Ahmed ( oo miyaan farta afsoomaaliga lagu galin waa maxay “ahmed”. axmed.

      Oo maxaa maxkamad lagu soo taagi wax runuu ku hadlaye. mise runtu way ku gubaysaa??!!

      iidoor iyagii baan is ogolayn oo is laynaya, marka cidda kale ee wax ku darsanaysaa wa ayo. Dhulbahante, warsangali, gadabiirsi, ciise, gabooyo iwm. cid rabtaa oo wax ku darsanaysaa ma jirto.

      marka dee iidoor waligoodba darbiga madaxa ha ku garaacaan, wakhtiga uunbaa ka lumi .

  7. Liibaan says:

    Reero cidi ma nasi in een imam shufto ahaa Oo la moodeyey inay isa soo dhiibayaan Oo markii dambena xaafadihii ay garanayeen gabbadsadey baa lala dagaalamey deedna cararkiibay halkaa ka yimaadeen ku noqdeen

  8. Axmed warya says:

    Axmed beenta ayaad run I taqaaanaa we soo kala baro run iyo been

  9. Abdulahi adan says:

    Runtuu ka hadlay dowlada xaqbaa ka saaran difaaca qaranka iyo midnimada wadanka kooxdii mingiste soo duray ayagaa isku soo dhextuuray shacabka dowladii kacaanka wey uga digtay shacabka inaya kasoo baxaan intii diiday ayaa ku dhimatay alaha u naxariisto intuu si qaldan ugu dhimatay meeshaas snm shacbkii ay laysay ee shaqaalaha rayadka ahaa ayagu looma hadlo

  10. kader says:

    Xabashidii ay odhan jireen waa cadaw ayay
    Hadh iyo Habeen baryo lahorfidhayaan. Sow wax lala yaab maaha. Xitaa waxay kaxishoon waayeen muwaadin soomaaliyeed (qalbidhagax) oo ay xabashi u gacangeliyeen. Faqashtii sidii ay udhamayd
    Farmaajay dul hoganayaan. xabashina way ilaalisaa. Hada waa kuway lahaayeen waa cadaw. Alaa kareem.

  11. Mo says:

    iidoor say been isugu maaweelinayeen baa wakhtigii
    ka khasaaray! ruuxa caqliga u saaxiibka ahi wuxuu miisaamaa waxa u suurtoobi kara iyo waxaan u suurtoobeyn ka dibna wuxuu qaataa waxa u suurtoobaya, oo ah in iidoor yahay qabiil yar oo ka mida qabaa’ilka soomaaliyeed. soomaali way ku heshiiyeen 4.5 in wax lagu qaybsado taasayna iidoor waxay xaqa u leeyihiin ku heleyaan. laakiin wax gooni goosi la yiraa cid ka yeeli iyo cid ay ku khasbi karaan midna ma jirto. laakiin waa iidooroo khiyaali bay ku nool yihiin. carruurtooda iyo dumarkooda 30 sanay ku maaweelinayaan citiraafkii miiskuu saaran yahay. bal beenta intaa le’eg daya !!

    waa wakhti lumis iyo gacmo daalis!! runtu waa lama huraan.

    • Yusuf says:

      Mo
      Naa ma nacas baad tahay aan sida gidaarka waxba ha fahmin. Bal dhagayso markhaatiga uu duriyadii Ingiriiska erayday u furayo adeerkaa Farmaajo, yaa xayawaan.

  12. kader says:

    MO – Anagu kurdish my nihin ee:
    1. dhulkaanu udhalanay ayaanu joognaa oo weliba aanu xabad kusoo dhacsanay.
    2. Dhaqaalaanu haysanaa
    3.dhul strategy ah ayaanu degenahay.
    4.cilmi baanu leenahay,
    5.Waxbaanu iska celinaa af iyo adinba oo fulay manihin.

    Therefore we have nothing in common so leave us alone walaweyney. maxaa nakiin dabadhigay hadaanaan idin doonayn.

  13. Mo says:

    @kadir

    iidoor baan heshiis ku ahayn gooni goosi!

    Dhulbahante, warsangali, ciise, gabooyo, gadabiirse
    iyaga warkoodba daa, oo waxaa ka go’an midnimo soomaaliyeed, marka cidda khiyaaliga ku nooli waa
    qayb iidoor ka mida oo ka macaashay xukunka.

    marka iidoor waxaan leeyahay dream on!!!

  14. Xaaji xarago says:

    Hadii military loo adeegsaday caqli ma ahayn … Aaway maantana military gii… Aaway wadankii kala goyntiisa ka ilaalinaayay..

    Siyaad bare naclatulaah calayk iskaga iyo taageerayaashiisiiba

  15. kader says:

    MO, hadii aanu isaaq isku raacsanayn beri horaa laga noqon lahaa. Qabaa’ilkan kale ee aad sheegtay waa minority. 1960giina anagaa geeney xamar 1991kiina anagaa lasoo noqonay. You get it. Well I hope!

  16. Binary Operation says:

    horta ka reer somaliland ahaan dadkani dad wax naga qaadi karaya maahan,

    laakiin waxaa nasiib daro ah umada ay xilka u dhiibatay ee u badan beel weynta hawiye.

    waxa iska cad beel weynta hawiye in maalinkasta xasuuq beelaysan lagu hayo oo shaadh dowladeed loo soo xidhay.

  17. Binary Operation says:

    berigaas na waxay ahaayeen waa la tusay waxaa ka dambaysay inay dhadhaab iyo kakuuma u qaxaan.

    maantana waxay hoos fadhiyaan xiniinyo amison. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    maanta waa ogsoon yahay ninkan iyo farmaajo inaanay waxba ka qaadi karayn somaliland.

    laakiin in fact waxa loo hub aruursanaya shacabka maatada ah ee hawiye ee caqliga xun ee dadka noocan ah dan mooday oo mooday baroortoodii yixaasku inay dowladnimo u horseedayso.

    somaliland dad wax ka taraya maanta maahan, berigaana ayakoo kabahooda ka cararaya ayay nooga dareereen dhulka yaga.

    maantase dadka laga wal walsan yahay ee ay xukumaan waa umada runta mooday baroortoodii yixaaska xiligay mucaaradka ahaayeen. ee danta mooday kuwaas weeye kuwa loo yaabayo.

    waxaa loo hub aruursanaya waa sidii hawiye loo dabar jari lahaa ee wax kale maahan.

  18. Abdirashid says:

    Hadalka general abdirihman wa sax wana xaqiqo an indhaha laga qabsan karin dagaladi gobolada waqoyi ka dhacey iyo dadki ku dhintey dhinteyba wa masuul ka aha snm gobolo xor ah ayay casar cad iyago maqiqan so galen shacabkodi ayày qixiyen sarakil iyo cidamo dawladedna wa dilen dawladu way la hadashey ka baxa la yiri magaloyinka 18barri aya ergo masuliyin dawladed lo dirayay wa diden inay ka baxan dawladuna talabadi ku haboneyd ayay qadey wa ka sartey ethoipia ayay u caraen duqeyn diyaraded o magaloyin ka dhacey ma jirin waxan fictionka ahe gadal laga sameyey ayay aheyd iyo diyarada na layey shacabku wa qaxen harta harta shiikha xarshim ayay ka buxen islamo wawey o wada wayel ah aya magalada loga tagey inti kale wa qaxen wana laga adkadey jugta laga qasey xududaha laga dadiyey xita radio snm o radio warega aha gari sarna wa la so qabtey ina cumar jes aya dagal galinta taliye ka aha isagana karbashey snm meshu dalacad ka sugayey so xaro ba la yiri morgan o ninki mesha hargeyso la yirah laga qabsadeyna wa la so dalacsiyey sababtasu axmedna u gostey marku ka amardidey siyad barre

  19. Abc says:

    Waxaasaa madax iyo ildheer garad u ah,
    Waa wixii Somali heerkay maa ta mareyso gaadhsiiyey.
    Dadka qaar waxa u wanaagsan iney shaqadoodii hore isaga noqdaan(dameerkii) saa siyaasad waxba kama ogo ee

  20. Mo says:

    Generalka waxaa waraystay bahal xunoo qashiin ah
    oo mooryaan ah. waxay ahayd in generalku u warramo VOA ama BBC.

  21. Abdallah mohamed says:

    Kkk adiga maxaa soomaali ku soo dhex geliyey,weliba koonfur, waxa aa ka hadlaysaa waa beelo,adiga hadlaya beelahani waxay kugu leeyihiin abaal marka loo eego dhulkan markaa soo degtey, dadka kugu hareereysan kuma fiicna inaa ka hadashid waayo waxa wax kasoo go’aan bacdallahi waa ogtahay inay dadkaa aa ka hadlaysid yihiin,ama beeshaada uun ka hadal iyo xaafadda aad degantahay,ama soomaali waa isugu kaaya mid e walaaltinnimada ka hadal iyo nabadda

  22. Axmed warya says:

    Dadka caqligoodu sidaa yahey ayaa doonayaa in Soomaali u Taliyaan ayaan daaro sow maaha.




script>
Dhulbahante Xamar, ma Isxambaar Ayuu ku tagaya 2021
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii ...
Daawo::Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Afjaray Isimadii Duubka U xidhna Xuliska Barlamaanka,
- Feb 21, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaxalay saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ...
Daawo::Cali khalif Galaydh”Ama ka naxa ama Ku Farxa Somaliya Waa lagu Khasban yahay’
- Feb 21, 2020
Madaxweynihii Hore Khaatumo Dr Cali khaliif galaydh ayaa qudbad Xalay ka jeediyay Magaalada Hargaysa ...
Deg Deg Daawo:Borama Banaanbax Lagu Taageeray Muuse Biixi loogana Soo Horjeedo Dawlada Somalia
- Feb 20, 2020
Waxaa ka dhacay Magaalada Boorama Banaanbax lagu taageeraayo Qudbadii Muuse Biixi ...
Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Yidhi Arrin Diinta Ka Hor imaanasa Hala Badiyo,
- Feb 20, 2020