600 Tallo Xumo:Beelaha Hagar iyo Bahararsame | khaatumo news online
dahabshiil

Tallo Xumo:Beelaha Hagar iyo Bahararsame

Waxaa Magaalada Laascaanood, Sanadii 2010 lagu dilay Marxuum Ibraahim Axmed Shiire, oo kamid ahaa Masuuliyiinta Maxkamada ee Gobolka sool.

Dilka Ibraahim Axmed Shiire, Somaliland waxay uqabatay Farxaan Maxamed Xasan. oo maanta oo taariikhtu tahay 2020 .1.15 lagu dilay Mandheera,

2010 xiliga la dilay ibraahim Axmed Shiire, laascaanood waxaa ka Socday dilal qorshaysan oo in badan oo kamid ah Haldoorka gobolka lagu dilay islamarkaana aan Raq iyo Ruux toona loo hayn wixii dilay.

Ibraahim Axmed Shiire, markii la dilay shaqsiyaadkii loo qabtay waxaa kamid ahaa Farxaan Maxamed xasan, oo mudo 10 sano ah ku xidhna jeelka Hargaysa, kaaso marar badan oo la soo taagay Maxkamadda Hargaysa. lagu cadayn waayay Denbigaasi in uu dilka geestay.

Beelaha Hagar iyo Bahrarsame, oo ay ka soo kala jeedan Labada Marxuum mudada 10 sano ah ee Jeelka u ku jiray Farxaam Maxamed xasan, islamarkaana uu mootana Ibraahim Axmed Shiire, maysan samayn kulamo ay uga tashadan ragoodda midna dhintay midna wali u xidhan yahay denbiga Dilka Ah..

Nasiib darada taagan ayaa Ahayd in Beesha reer Hagar mudo 10 sano ah oo Farxaan ku xidhna Hargaysa aysan galin Hawshiisa balse markii ay ka Hadhsaneed dilkiisa saacado uun ay ka hadlen Tv 14 bishan 2020.

Beelaha Hagar iyo Bahrarsame, oo Awoodi ka raayay inay Tuhunka dilka ama isku qirtan ama ku kala dhaartan oo ragooda kii dhintayna sharciga ilaahay wuxuu ka xukumo uga samran kan kalana ay soo furtan ama ay iyagoo isla qirsan ay isku qisaastan waxay ka door biden inay Farxaana Jeelka ku ilooban 10 sano, Dhiigi ibraahim Axmed Shiire,-na maqnaado kadibna maanta Facebook kawada Baroortan markii Muuse Biixi Dhagta dhiiga udaray,

Si kastaha ha ahaate waxaan hadalkayga kusoo xidhaya Hagar iyo Bahararsamay Hawsha 10 sano aad xalin weydayn Yaanay sababin khasaare Hor leh.

KHAATUMONEWS.COM

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 15)

  1. farxiyo says:

    Bahararsame iyo Hagar keliya maahee Dhulbahantoo dhan baa taladu ka xuntahay.
    Hadey isu aamuseen labada reer miyaa LA waayey tol dhexdhexadiya.
    Marxuunka ilaahey ha u naxariisto.

  2. Suldaan says:

    Hadday noloshiisa rabaan waxay ka bixin lahaayeen magta ama qolada kale ee isla tolkii ah ayaa cafin lahaa.

    Maxay tolkooda uga gar bixi waayeen oo 10 kaa sano kala haystay,ma buuraa ku kala gudbanaa?

    Talo xumadii Aadan Gallaydh iyo odhaahdii laga guntay ee “ADDUUN I KHATAL” AMA SHALOO XOOG HAYAYNA TALO MA HAYN,MAANTOO AAN TALO HAYONA TAMAR MA HAYO AYAA MEESHA KA MUUQATA.

    Ninku markuu hadlayo ma uusan odhan anigu waxba ma dilin,ee wuxu yidhi: “magta halayga bixiyo”,waana qirasho ayaa la dhihi karaa.

    10 SANO NIMAN TOL AH OO XAL KA GAADHI WAAYAY LABA NIN OO MIDNA WAX DILAY,MIDNA LA DILAY SOO CEEB MAAHA.

    SHARCIGA AYAA LA MARSIIYAY EE HALAGA SAMRO ILLEEN XUKUNKA DILKU WAA UUN DILEE,HANA LAGU IIMAAN QABO QISAASTA OO AH XUKUN XAGA ALLE KA YIMI MAR HADDII XAL KALE LA WAAYAY.

    • geelle says:

      Suldaan Dhab ah baad tahay, arrinkiina adiga ayaa dhammeeyey,

      Marxuunku qiraal buu ahaa, oo magta iba baxsha ayuu yidhi, lagama bixin, qoyskii marxuumka kale ka baxay, lama dhayin, lama samirsiin, dunida odoyo ma jiraan, waa ceebtii u weynayd 10 sano, malaha labada dhinacba in ninkaa la dilo bay isku raacsanaayeen, ajashiina waa ka dhammaatay

  3. Barry says:

    Nin argaguxiso ah qabiil ma leh muuse biiixi inu dhagta dhiiga u daro wu ku saxsana qofka walalkiis inderkis dilay isagana wa in la dilo oo uuu xanuunka arkaa markiida marka khatumo news adigu qabyalada iska daa ninkas hagar wuxu ka baxay malintu alshabab noqday ee nin argagixiso ah oo la dilay haku meereesanina ee wax kale la imaada

  4. Aarka hargaysa says:

    Dhulbahante hafii cadaalad loogu garqaado xataa way ku eedayn uun adeer nin nikale dilay oo reerkii lagadilayna aanay magsiin in ladilo waa xaq

    • jugsodhacay says:

      LAAKINN SUASHU WAA YA IIDOOR U DIRSADAY INUU CADAALAD U KALA SAMEEYO DHULBAHANTE ???

      • geelle says:

        Iidoor meesha ma aha ee waa mamul, ama aqoonso ama ha aqoosan, dad baa aqoonsan, Siyaad Barre imisa iidoor ah iyo Somali buu u kala garqaaday, oo dhegta dhiigga u diray, 1000 ka badan Iidoorka uu dhegta dhiigga u diray, ma aha kuwo dagaalamay ama xasuuq, waa dadkii wax dilay ama hanti dawladeed cunay, miyaanu dawlad ahayn ma daarood buu ahaa, maya, caqliga ka shaqeysii, Jugsodhacay waad tahay, Muse Behi sowtii uu soo daayey maxaabiista Puntland oo lasso sooryeeyey, imisa ayaa jooga Hargeisa, Burco, Berbera, Cerigabo oo Daaarood ah, arrinka ka da qabyaaladda, waligaa jeelka lacag uguma dirin, reerkiisana marxuumka waxba maad siin, Wallaahi waa ka xumayey marxuumka la toogtay oo Nin dhallinyaro ah, Somali la dilay cid dammiir, lihi ku farxi mayso, 5 isaaq ah baalala dilay

  5. Bishar jidhoon says:

    Nio waxaas iska daaya bowdo rag maalinba midbaa qaawaN

  6. Oday says:

    Qisaastu waa arim muhiim ah oo shareecada ku cad lkn xagee iidoor ka soo galay inuu qisaas u kala qaado dhulbahante is dilay, mose reerka bahararsame baa goaansaday in muuse jaahil dawlad u yahay, iyagoo ka baqaya hadii wada hadal la galo im hadhow jaale hagar oo qamaam iska ah aan waxba laga helayn

  7. Axmed says:

    Dhulbahante oo Shan shacbkooda qiyaastii waaweeye 70 kun oo qof. Magaalada ugu balaatan ey Ku noolyahiina was laascaanood laascaanood a waxaa Ku nool Jada 22000 oo qof 100000 kun oo qof waa dhulbahante inta kale waa isaaq iyo waxii kusoo qaxey. Yaad waxaa jawaab u ah sorry magaaladoodii Marti ugu yahoin. Lixdanka kale we dhulbahante qaxey Ku Kala firdhisan yahoin tuulooyinka iyo degmooyinka kale. Majeerteen oo walalahood ah bal day, Gaalkacyo waa camirantahey, Bursaalax, Xamur, Beyra, Garacad, bacaadweyn, Xarfo, Beer dhagaxtuur, bilcil, Salad, Seemade, Deeganadaa San soo tiriyey waxaa dega hal Neel oo Ka tirsan Majeerteen. Maxaa dhulbahante ey isku duuban la yihiin dhexdood ey isku maqli la yihiin. Dhulbahante jifi kastoo Ka mida qaxey leeyahiin nabadoon qaas ah. Waa qalad 70 kun oo qof weeye dhulbahante oo Shan Sidney u yeelankaraan 70 kun oo nabadoon Garacad ah. Qof waliba haduu yiraahdo anaa Garacad ah yaa shacbka ah se.

  8. Axmed says:

    Dhulbahante oo Shan shacbkooda qiyaastii waaweeye 70 kun oo qof. Magaalada ugu balaatan ey Ku noolyahiina was laascaanood laascaanood a waxaa Ku nool Jada 22000 oo qof 10000 kun oo qof waa dhulbahante inta kale waa isaaq iyo waxii kusoo qaxey. Yaad waxaa jawaab u ah sorry magaaladoodii Marti ugu yahoin. Lixdanka kale we dhulbahante qaxey Ku Kala firdhisan yahoin tuulooyinka iyo degmooyinka kale. Majeerteen oo walalahood ah bal day, Gaalkacyo waa camirantahey, Bursaalax, Xamur, Beyra, Garacad, bacaadweyn, Xarfo, Beer dhagaxtuur, bilcil, Salad, Seemade, Deeganadaa San soo tiriyey waxaa dega hal Neel oo Ka tirsan Majeerteen. Maxaa dhulbahante ey isku duuban la yihiin dhexdood ey isku maqli la yihiin. Dhulbahante jifi kastoo Ka mida qaxey leeyahiin nabadoon qaas ah. Waa qalad 70 kun oo qof weeye dhulbahante oo Shan Sidney u yeelankaraan 70 kun oo nabadoon Garacad ah. Qof waliba haduu yiraahdo anaa Garacad ah yaa shacbka ah se.

  9. Axmed says:

    Dhulbahante was 70000 qof. Magaalada laascaanood oo kaliya ayaa u camiran.

  10. Axmed says:

    Gobolka Sool Vs Gobolka Mudug
    Dhulbahante Vs Fumar maxamuud

  11. Abdi says:

    War raggii hore tage kuwan danbe ha laga hadlo




script>
Daawo:Xildhibaan Dalxa Oo Waraysi Kulul Laga Qaaday,
- Jan 25, 2020

Deg Deg Daawo:Axmed Karaash Soodhaweyn Sare usameeyay Isimada Jig-jiga,
- Jan 25, 2020
Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Pumtland Axmed Karaash ayaa Qado sharaf u sameeyay ...
Maamulka Puntland Oo Hakiyay Xil Wareejin Dawlada Somalia Kawaday Garoowe,
- Jan 25, 2020
Waxaa hakad la galiyay munaasbadii lagu xil wareejin lahaa xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ...
Daawo:Maydad Laga Soo Guraayo Dhismayaal Ku Dumay Dhul-gariir kii Turkiga,
- Jan 25, 2020
Illaa 18 qof ayaa ku geeriyootay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib dhul ...
Daawo::Ciidanka Dawlada Somalia Soo Qabtay Aabe wiilkiisa Ku Gowracay magaalada Jowhar
- Jan 25, 2020
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in nin ...