600 Deg Deg:DP World Oo Ka Guuleysatay Dowladda Jabuuti iyo Lacagta Loo Xukumay, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:DP World Oo Ka Guuleysatay Dowladda Jabuuti iyo Lacagta Loo Xukumay,

Shirkadda ka howl-gasha dekedaha ee DP World, oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay dowladda Jabuuti, kaasoo la xiriira khilaafkii maamulka dekedda Doraleh ee u dhaxeeyay labada dhinac.

War-saxaafadeed ay soo saartay DP World ayaa lagu sheegay in koox garsooreyaal ah oo dacwaddan ku dhageysanayay maxkamad fadhigeedu yahay London oo dhageysata dacwadaha caalamiga ah ayaa amar ku siiyay dowladda Jabuuti inay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa’iidadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhigayay heshiiskii ay labada garab kala saxiixdeen sanadkii 2006-dii, ama in ay bixiso dhammaan khasaarihii galay shirkadda.

DP World ayaa intaas ku dartay in lacag ka badan 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah ay ka khasaartay tan iyo markii ay dowladda Jabuuti kala wareegtay maamu;lka dekedda, sanadkii 2018-kii.

Shirkaddu waxay sheegtay in garsooreyaasha go’aankan soo saaray ay sheegeen in dowladda Jabuuti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaaday maamulka dekeddaas, bishii February ee sanadkii 2018-kii.

Dowladda Jabuuti wax war ah kama aysan soo saarin hadalkan kasoo yeeray shirkadda DP World.

Isku day aan u sameynay inaan arrintan kala hadalno dowladda Jabuuti ayaan noo suurtagalin.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo bishii June, 2018, wareysi gaar ah siiyay laantaaf-Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay dacwadda u dhaxeysa dowladdiisa iyo shirkadda DP World.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo:Xildhibaan Dalxa Oo Waraysi Kulul Laga Qaaday,
- Jan 25, 2020

Deg Deg Daawo:Axmed Karaash Soodhaweyn Sare usameeyay Isimada Jig-jiga,
- Jan 25, 2020
Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Pumtland Axmed Karaash ayaa Qado sharaf u sameeyay ...
Maamulka Puntland Oo Hakiyay Xil Wareejin Dawlada Somalia Kawaday Garoowe,
- Jan 25, 2020
Waxaa hakad la galiyay munaasbadii lagu xil wareejin lahaa xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ...
Daawo:Maydad Laga Soo Guraayo Dhismayaal Ku Dumay Dhul-gariir kii Turkiga,
- Jan 25, 2020
Illaa 18 qof ayaa ku geeriyootay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib dhul ...
Daawo::Ciidanka Dawlada Somalia Soo Qabtay Aabe wiilkiisa Ku Gowracay magaalada Jowhar
- Jan 25, 2020
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in nin ...