600 Deg Deg Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Oo Ka Hadlay Xadiis-tii Uu Beeniyay, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Oo Ka Hadlay Xadiis-tii Uu Beeniyay,

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka hadlay Hadal uu dhawaan jeediyay islamarkaana dhaliyay buuq weyn si yaabo kala dawana culimada soomaaliyeed uga hadlen,

Qoraalkan hoose ayuu kaga jawaabay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Waxaan baraha bulshada ku arkay fal celin laga sameeyey khudbad aan kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka ku nool, gaar ahaan qayb aan ku daafacayey kaalinta haweenka ee dhanka siyaasadda iyo bulshada. Falcelinta waxay u badnayd mid togan, waxaase jirta qayb si taban looga falceliyey.

Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “caqligooda iyo diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah; waxaan kale oo sheegay in xaqiraaddaa loo adeegsado axaaddiis been-abuurad ah oo faalso ah oo ay culimadaa jeebka kala soo baxaan.

Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sanadkiisa السند (taxanaha warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (erayada xadiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen, laakiin waxaa jirta axaaddiis badan oo saxiix ah xagga silsiladda tabinta laakiin u baahan in la macneeyo, lana waafajiyo quraanku iyo Axaadiista kale ee Nabiga (NNKKH), maqaasidda iyo ruuxda shareecada.

Sida aan soo xigtay qisadii Balqiis iyo aayado badan oo quraanka ahba iyo axaadiis badanba waxay muujinayaan in dumarku ay la mid yihiin ragga, waajibka diinta, ajarka iyo xasanaadka, farista wanaaga iyo reebista xumaanta u siman yihiin, ayna jiraan haween magac iyo maamuus weyn ku dhex lahaa, yeelana doona bulshada islaamka.

Ujeedka khudbadaydu waxa ay ahayd in aan dumarka la liidin, lana xaqirin, iyadoo la adeegsanayo dhaqan duug ah iyo faham khaldan ee dhinaca Diinta ah.

Waxaa u baahan in loo hiilliyo waa dumarka walaalaheen ah ee islaamnimadu iyo Soomaalinimadu naga dhexeyso, ee ma aha in gaar laga hayo dhaqan gurracan ama fasiraad khaldan oo diinteena xaniifka ah laga bixiyo.

Duullaan kuma ihi Axaadiista Nabigeena Suuban (NNKH), mana jirto cid aan olole siyaasadeed uga rabo, ama aan is leeyahay ku raali geli, balse waxaan jeclahay daafaca iyo muujinta quruxda, naxariista, turista, dulqaadka, samafalka, daryeelka, wada noolaashaha, ixsaanka iyo taasamuxa Islaamka.

Ma filayo in uu jiro Sheekh Soomaaliyeed oo Diinta baac ku leh oo aan kitaab ka raacan, Suufi, Salafi, Ikhwaan iyo Salafiya Islaaxiyah intaba. Kitaab raacasho, daraaso jaamacad, daalacasho iyo cilmi baaris Diinta ah ku dhowaad 25 sano ayaan ku jiray, sidaas oo ay tahayna waxaan qirsanahay in aan khaldami karo, ama hadalkayga khalad laga fahmi karo, laakiin ma ahi caami dhega wayn uu wadaad kitaab gaablow ah bursan karo.

Ma khaldame waa Ilaaheey, isaga ayaana danbi dhaaf waydiisanaynaa wixii aan ku gefo.

Ma jiro Xadiis aan inkiray ama beeniyey, waana mahadsan yihiin culimada talooyinka iyo naseexada soo jeediyey, waxaan se marna aqbali doonin in dumarku caqligoodu iyo diintoodu nuqsaan tahay, waxaana filayaa in culimaduna ay taas igu raacsan yihiin, waxaana ka rajaynayaa in ay arrinkaas caddeeyaan.

Laakiin waxaa mudan in la xuso rag magaca culimada ku qaraabta oo ku raad jooga dagaal siyaasadeed oo ay wakiil uga yihiin kooxda Villa Somalia, laguna biilo canshuurta shacabka laga qaado, iyo kuwa kale oo weli ku dhegan faham khaldan ee dumarka magac diineed xaqooda lagu duudsiinayo.

Wixii aan asiibay Alle xaggiisa ayey ka ahaatay, wixii aan khaldayna naftayda iyo shaydhaan ayaa iska leh.

Haweenkeena Allaha guuleeyo, garaad iyo diin midna lama dheera.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Abdullahi says:

    Asc.Ninkaan isagaa isugu filan radin waayo wixii lagu haystay hadda kahor ayuuba sii faahfaahiyay iskuna qiray dambigii oo dhan.Haduu sii go’ay kani!

  2. gaani says:

    istaqfuralaah dhh islaamkii aad ka acerysiisay na ulaabo diinta iyo siyaasada iyo afaara qabiilkana kal garo .

  3. HILLAAC says:

    Dadka in aad loo fogeeyo ma aha, in ninkani khalad weyn oo diiniya galayna way muuqataa.
    Haddii khaladkiisa looga nasteexaynayo waxa ay ahayd in si xikmadaysan loogu dhowaado oo isaga toos loola xiriiro oo la waydiiyo waxa uu ka waday hadalada uu ku hadlay. May ahayn in shaashadaha looga soo jawaabo isla markiiba.

    Taasi marka waxa ay dhalisay in uu siifogaado isaga oo la ficiltamaya culumo uu u haysto in ay dankale ka leeyihiin toosintooda oo aysan daacad ka ahayn.

    Waxaa marka habboon in ciddi wax toosinaysa ay u toosiso si ku habboon oo daacad laga yahay, ciddii khalad diiniya lagu hayana aysan qoonsan ee ay qaadato kana noqoto gafkeeda oo kaddibna ay ka hadasho in aysan raalli ka ahayn habka loo maray raddintiisa.

    Waxaa intaa dheer, ninkan waa dhexdaasa waatii si aad u fool xun loo weeraray gurigiisa. Dhalinyaro masaakiin ah baa lagu laayay, runtii gafwayn baa laga galay. Horayna waa tii BADDA loogu eedeeyey si kaduwan sida Shariifka oo madaxweyne iyo ina-Sharma arke.

    Marka CCSH waxa aan ugu baaqaynaa in uu ka noqdo gafka diiniga ah ee uu galay isagoo u danaynaya naftiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

  4. LIBAAX LEGDE says:

    MOORYAAN
    HABAR GIDIR
    UUN IGA DHEH

    IYO
    MAANGAAB
    HAWIYE

    WAXA
    KASTUUMO SOO MALMALLUUQDAY

    MABAAN AKHRINE.

    BADDII IYO BERIGII
    KUUKAYADA QAAQAAWAN IYO XABASHIDA QEEDHINKA HUURSATA

    FAQASH DHAQASH SOMALO KA GADEEN
    XAGGEE WARKEEDU KU DAMBEEYAY.

    # horumarka somaliland.com

  5. Oday jaamac says:

    Bililiqada inay guryaha iyo hantida dadka ku egtahaan moodaayey..
    Dinntiina ma loosoo dhigtay.
    Kuye XADIISYADA BUKHAARI IYO MUSLIM
    WAA BEEN..
    YAA YIDHI DADKAAN
    ISLAAM BAA LAGU DHALAY..




script>
Daawo:Cuqaasha Sool Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Faysal Cali Waraabe,
- Dec 8, 2019
Faysal Cali Waraabe ayaa shalay shaaciyay in Dawlada Fadaraalka soomaaliya iyo Safiirka Itoobiya ...
Daawo:Wasiirka ugu awooda badan Punland oo ku kacay fal argagax ah
- Dec 8, 2019
Iyadoo wali deegaanada Puntland ay ka da’ayaan roobab mahiigaan ah oo dabaylo wata isla ...
Deg Deg Daawo:Ciidanka Somaliland Oo Dagaal Xabad Loo Adeegsaday Ku Qaaday {AYAX}
- Dec 8, 2019
Dooxooyiinka Gobolka sool ayaa waxaa dagaal xoogan oo Loo adeegsaday Rasaas iyo Ciidan waxaa ...
Haweeney Iibisay labo carruur ah oo ay dhasahay si ay u iibsato telefoon nooca Smartphone ka
- Dec 8, 2019
Sida ay sheegeen wargeysyada Shiinaha arrintaan ayaa dhacday sanadkii hore Haweeeney shiinaha u dhalatay ...
Deg Deg Daawo:Afar Qof Oo Hargaysa Ku Dhintay iyo Wararkii Ugu Danbeeyay,
- Dec 8, 2019
Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa sheegaya in afar ruux oo ...