600 Daawo:Sheekh Soomow “‘Ina Cabdi Shakuur waa inuu si deg deg ah u towbad keenaao’ | khaatumo news online
dahabshiil

Daawo:Sheekh Soomow “‘Ina Cabdi Shakuur waa inuu si deg deg ah u towbad keenaao’

Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Shiikh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuubakar oo loo yaqaan Sheekh Soomow ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa inay jiraan culumo dafirayo xuquuqda Haweenka isla markaasna ku tilmaamayo inay yihiin kuwa caqli iyo Diin yar.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdiraxmaan ayaa culumada ku eedeeyey inay adeegsadeen xadiisyo uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan waxba ka jirin oo aan la ogeyn meesha laga keenay.

Sheekh Soomow oo arrintaan ka jawaabayey ayaa sheegay inuu Cabdiraxmaan ku xad gudbay Diinta Islaamka isla markaasna uu inkiray xadiisyo sax ah oo Rasuulka CSW laga soo wariyey sidoo kalana Qur’aanka lagu sheegay.

Sheekh Soomow ayaa tilmaamay in xadiis sax ah oo ay wariyeen Bukhaari iyo Muslim uu rasuulka ku sheegay in haweenka ay yihiin kuwa nusqaan ka ah xagga Diinta iyo Caqliga.

Sheekh Soomow ayaa hadalka Cabdiraxmaan ku sheegay inay noqoneysa laba arrin midkood:

  1. Inuu Jaahil yahay oo uusan cilmi laheyn
  2. ama inuu si kibir iyo madax adeeg ku saleysan uu u inkirayo xadiisyo laga wariyey rasuulka iyo aadayo Qur’aan.
Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Axmed says:

    Shiikh ku sheeg baan nacay. Dalka ayagaa qasaya. Aniga la’ima tuso cc shakur bad iibshe, laakiin nin muslim ah weeye oo wuxuu dhaho garanaya miisaankeeda, odaygan shiikh ku sheegana ma rasuul lasoo diraybaa markuu dadka xisaabinayo isagu, war waxan dalka halaga qabto. Ilaahow yaa og, waxaa laga yaabaa inuu cc shakur ilaahay uga dhowyahay. Allaa weyn.

  2. Oday jaamac says:

    WAR MEEYE TOLKII NINKA MXAA
    DIIN KABAXA LOOGU DIFAACI WAAYEY?
    Waaba Mufti xalaalaynta iyo
    Xaaraamaynta ku xeel dheer..
    Wadaayoow Diintiina MANABAD IYO
    NOLOL Bay la xukun noqotay?

  3. Oday jaamac says:

    Culamaduu kcaankii dilay suufiyay
    Ahaayeen ee Macaan jeceshan(ikhwania, or Suufiyada MELES) maahayn..
    Ogaada aritaas..




script>
Daawo:Cuqaasha Sool Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Faysal Cali Waraabe,
- Dec 8, 2019
Faysal Cali Waraabe ayaa shalay shaaciyay in Dawlada Fadaraalka soomaaliya iyo Safiirka Itoobiya ...
Daawo:Wasiirka ugu awooda badan Punland oo ku kacay fal argagax ah
- Dec 8, 2019
Iyadoo wali deegaanada Puntland ay ka da’ayaan roobab mahiigaan ah oo dabaylo wata isla ...
Deg Deg Daawo:Ciidanka Somaliland Oo Dagaal Xabad Loo Adeegsaday Ku Qaaday {AYAX}
- Dec 8, 2019
Dooxooyiinka Gobolka sool ayaa waxaa dagaal xoogan oo Loo adeegsaday Rasaas iyo Ciidan waxaa ...
Haweeney Iibisay labo carruur ah oo ay dhasahay si ay u iibsato telefoon nooca Smartphone ka
- Dec 8, 2019
Sida ay sheegeen wargeysyada Shiinaha arrintaan ayaa dhacday sanadkii hore Haweeeney shiinaha u dhalatay ...
Deg Deg Daawo:Afar Qof Oo Hargaysa Ku Dhintay iyo Wararkii Ugu Danbeeyay,
- Dec 8, 2019
Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa sheegaya in afar ruux oo ...