600 Deg Deg Daawo Sawiro Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Iyagoo Ku Sugan Deegaano Sanaag kamid ah | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo Sawiro Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Iyagoo Ku Sugan Deegaano Sanaag kamid ah

Al-shabaab, ayaa markii u horraysay si rasmiya u shaaciyay in ay la wareegeen degaanka Gacan-maroodi oo ka tirsa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Qoraal Af-Carabiya oo lagu daabacay warbaahinta SHAHAADA ee taageerta ururkaasi, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay Axaddii todobaadkan si rasmiya ula wareegeen degaanka Gacan-Maroodi oo qiyaastii 50KM u jirta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “ Al-shabaab oo qabsatay degaankii ugu horreeyay ee istiraatiijiya oo ka tirsan Somaliland” ayaa lagu soo bandhigay sawirka dagaallamayaasha Al-shabaab oo gudaha u sii galaya degaankaasi.

Af-hayeenka dhanka Hawlgallada u qaabilsan Al-shabaab oo lagu magacaabo, Cabdicasiis Abu-Muscab oo warbixintu soo xigatay, ayaa sheegay in Al-shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan degaanka Gacan-Maroodi ee istiraatiijiga ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaallamayaashooda halkaasi qabsaday ay khudbado u jeediyeen bulshada degaanka, isagoo xusay in ay tahay markii u horraysay ee ay qabsadaan degaan ka tirsan Somaliland

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. WARAN says:

    SAW TAY KUWANI
    WALIGOOD BA BUURAHA WARSAGELI GU DEGAAN KU DHUUMAN JIREEN EE MADHEERTENIA LAYN JIREEN MA WAX CUSUB BAA IMIKANA (DHOOBO DAAREED)
    BAY U HEELINAYAAN OO GAROOWE AYAY U SOCDAAN.

    • DULLI JEEGAAN says:

      HUUNNO KUWANI WAA JABHADIHII XAQDARADA DIIDAYAY OO KASOCDA GOBALLADA WAQOOYIGA
      EE GEEL JIRE SHAANI MEEL HA GALO AMA SACAD MUUSE DABADOODA HA KU DHUUNTO.

  2. Oday jaamac says:

    Dadku dhulkooday awalba joogeena ma ciyaalkay rabaan inay GAALADU ku tababartaan?

  3. Oday says:

    Nimankaan waa taageerayaasha xisbiga wadani oo xanaaqay

  4. DULLI JEEGAAN says:

    HUUNNO KUWANI WAA JABHADIHII XAQDARADA DIIDAYAY OO KASOCDA GOBALLADA WAQOOYIGA
    EE GEEL JIRE SHAANI MEEL HA GALO AMA SACAD MUUSE DABADOODA HA KU DHUUNTO.

  5. Binary Operation says:

    Raga lama dagaalamno Waa sababta aynu isaga ilaalino dagaalka sanaag bari, waayo hadii aynu madaxa la galno taa ay xamar ku dhigeen oo kale inay nagu dhigi doonan baanu ognahay.

    Nin aanad Iska celin karin ha isku waal waalin ee sasabo Iyo ka warwareeg baa lagaga baydhaa.

    Beel kana baqaynee nimanka weeye nimanka aynu howsha sanaag bari u daynay. Waayo hadii aynu taataabano reer galbeedka nala kici doona, reer galbeedku haday doonaan iyaku ha weeraraan Laakiin inaku isku dayi mayno. Dhibkooda lagama baxayo ileen waa niman reer galbeedku mushaharo siiyaan oo laga dambeeyo. Maamulka garoowe ga isku doon doonto ileen iyakay ugu dambayn la kici doonaan. Kkkk

  6. Abc says:

    Dadka qaar uun baa mar walba ku duceysanaaya,oo eebbe ka baryayaa,

    in la rogmado ,dagaal dhaco,dhiigu daato, la qaxo,cudur iyo gaajo umadu u dhamaato.
    dadka qaar baan jecleyn oo ka naxa ama ay dhibtaa hadey arkaan meel dadku nabad ku yahey,xasiloon, lawada noolyahey, amaankeedu sugan yahey, lakala shaqeysanaayo oo dadku kala machaashaan,oo dimuqraadiyada lawada ilaashanaayo,sida khaatumolaawe, khiyaali news iyo xertiisaba.
    Waxaase wax rabbi loogu shugriyo ah in kuwaa aan soo sheegey aaney cidnaba wax yeeli Kari kana qaadi Karin nimcada eebe dadkii sa ugu deeqey, hase yeeshee ay uun
    ka tahey caadeysiga iyo jeclaanshaha naceybka iyo cunsuriyada oo xanuun aan dawo laheyne ku noqotey.
    Caafimaad ayaanu rabbi idinka baryeynaa.
    Raxmadi furan.




script>
Daawo:Cuqaasha Sool Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Faysal Cali Waraabe,
- Dec 8, 2019
Faysal Cali Waraabe ayaa shalay shaaciyay in Dawlada Fadaraalka soomaaliya iyo Safiirka Itoobiya ...
Daawo:Wasiirka ugu awooda badan Punland oo ku kacay fal argagax ah
- Dec 8, 2019
Iyadoo wali deegaanada Puntland ay ka da’ayaan roobab mahiigaan ah oo dabaylo wata isla ...
Deg Deg Daawo:Ciidanka Somaliland Oo Dagaal Xabad Loo Adeegsaday Ku Qaaday {AYAX}
- Dec 8, 2019
Dooxooyiinka Gobolka sool ayaa waxaa dagaal xoogan oo Loo adeegsaday Rasaas iyo Ciidan waxaa ...
Haweeney Iibisay labo carruur ah oo ay dhasahay si ay u iibsato telefoon nooca Smartphone ka
- Dec 8, 2019
Sida ay sheegeen wargeysyada Shiinaha arrintaan ayaa dhacday sanadkii hore Haweeeney shiinaha u dhalatay ...
Deg Deg Daawo:Afar Qof Oo Hargaysa Ku Dhintay iyo Wararkii Ugu Danbeeyay,
- Dec 8, 2019
Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa sheegaya in afar ruux oo ...