600 Deg Deg:Gurmadkii Baladweyne Puntland u Dirtay Oo Jidka Loo Galay, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Gurmadkii Baladweyne Puntland u Dirtay Oo Jidka Loo Galay,

Wararkii ka imaanaya maagalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi ku xaniban yihiin gaadiid xamuul ah oo gaadhaya 21 gaadhi, kuwaas oo ka baxay deegaanada Puntland kuna sii jeeday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gaadiidkani xamuulka ah ayaa ku xaniban magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Galmudug muddo saddex cisho ah, waxaana is hortaag ku sameeyey ciidamo malayshiyaad ah oo kasoo jeeda Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Gaadiidka oo ay saaran yihiin deeq kala duwan oo shacabka Puntland ay ugu talagaleen in ay ku taakuleeyaan dadka ku dhibaataysan magaalada Baladweyn oo fatahaado xoogan ay ka dhaceen ayaa la sheegay in malayshiyaadka haysta ay ku xujeeyeen lacago baad ah, taas ay walaac ka muujiyeen wadayaasha gaadiidkaasi.


Yalax Muuse Axmed oo kamid ah darawalada wada gaadiidka ku xanibay Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jid gooyo ay kala kulmeen ciidamo malayshiyaad beeleed ah oo kasoo jeeda Koonfurta magaaalada Gaalkacyo isla markaasna aysan weli la kulmin cid ka tirsan maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay xidhiidho kala duwan la sameeyeen culimada iyo madaxda Puntland ee deeqdani gaadiidkooda loo saaray si looga sii daayo aaga Badhaxley oo ay ku xaniban yihiin, waxaana uu Yalax shaaca ka qaaday in aysan jirin weli cid u tagay gaadiidkani siday deeqdan raashinka ah si looga sii daayo raga haysta.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni uu kaga qayb galay maagalada Garowe xaflada amba bixinta gurmadka Puntland ay u dirtay dad weynaha magaaladda Baladweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaadhay fatahaaddii webiga Shabelle,

waxaana gurmadkaasi oo ka koobnaa 20 gaadhi oo nooca xamuulka qaada ah oo ay saaran yihiin 12,733 Kiish oo raashin ah iyo dhar cusub
loogu talagalay in la gaadhsiiyo 7000 oo qoys oo kamid ah walaalaha ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay Baladweyne

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. LAFARUUGAAWI says:

    THAT’S
    FAQASH FAQASH

    IYO ILMA MOORYAAN

    BAL NOOCAAN AAN MASAAKIINTOODA U NAXAY AYAA NAGU LEH AAN DIB U MIDOOWNO

    FAQASH FAQASH JINNI BAA GALAY EE HALA RUSHEEYO
    WALIBA :
    NO MAN’S DRONE NAFTA HA LAGAGA SAARO WAAYO
    WAAYO?!

    I DON’T HAVE ANSWER πŸ˜£πŸ˜­πŸ˜‚πŸ˜«πŸ˜£πŸ˜­ MY QUESTION BUT !!!.

    ALLAAW SHARKOODA NAGA HEY.

    @ horumarka somaliland.com

    • WARAN says:

      LAFARUUGAAWI

      BELEDWEYNE

      DAYAARADAHA SOMALILAND REPUBLIC AYAA CIRKA CAAWIYAMO UGA SOO DAADINAYEE

      BELEDWEYNE WAA TEE MA TII BOODHKA WAYNAYD !!!!
      BEER LULANA WAA TEE?!

      MA BUTAANADII BAA

      KKKKKKKKJJIJIJIJI

      SANKA BIINKA KU XIDHATAY
      SANKA DURATEEEEY.
      @ wilisiqo/ciyaaar.com

  2. Oday jaamac says:

    Galmudug iyo Badaxlay toona kama iman waxanse kuu sheegayaa arintaasi waa been ee umada sharftooda yaan meel looga dhicin..
    KAWARAN HADAY PUTLAYN DHBADADA U GASHAY MUSAACADAADKII LOO WADAY DADKII TABAALAYSNAA EE TALEEX,BUUHOODLE, LAASCAANO,GOLDOGOB,IYO MEELO KALE.
    REMEMBER: IT WAS COUPLE OF YEARS AGO.
    Waxay yiraahdeen waa raashin SIYAASADAYDAN nasiib wanaag waa gaadhay dhulkaas oo dhan except Goldogob…

  3. Mo says:

    Waa ka suurtowdaa mooryaanta baraxley, waa cawaan meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan aan la aqoon, mooryaanta baraxley nidaamka iyo in la isu naxariisto oo soomaalidu walaalowdo cudur bay ka qaadaan, waa dad wanaaggu dhibo.

  4. Abdirashid says:

    Baraxley xarunta galmudugnimadey ku qurxoneyd marki dhusomareb lo warejiyey wax so hadal qadey wayen kala dambeyntina wa lumiyen maleshiyadkoduna wa ugar cadi ah ma kala amar qatan isbaradana waba u dhaqan talabo talabo ayay u dhiganayan maslaxo waxbo kuma qatan naxaris warkedaba daa lacagan rabaa xitaa gurmad dad bahan lo wado lacagan ka rabaa ilahay ba deqa

  5. Dhuuse Xildiid says:

    XAYAWAANKA IIDOOR EE DABOOLAA KAALAYOO DHARAAD DABADA KU ASTURATAA KA HELIYE .MA DHUUSE BLOODH BAA KUU SHEEGAY JAAJUUSKIISAAD AHEEYDE.

  6. axmed says:

    Farmaajio ayaa ka masuul ah, maamul la aanta, waayo isaga ayaa maamulkii dumiyey, hadana isagu Mooryaanta hala xaajoodo hana siiyo waxay rabaan.




script>
Daawo:Cuqaasha Sool Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Faysal Cali Waraabe,
- Dec 8, 2019
Faysal Cali Waraabe ayaa shalay shaaciyay in Dawlada Fadaraalka soomaaliya iyo Safiirka Itoobiya ...
Daawo:Wasiirka ugu awooda badan Punland oo ku kacay fal argagax ah
- Dec 8, 2019
Iyadoo wali deegaanada Puntland ay ka da’ayaan roobab mahiigaan ah oo dabaylo wata isla ...
Deg Deg Daawo:Ciidanka Somaliland Oo Dagaal Xabad Loo Adeegsaday Ku Qaaday {AYAX}
- Dec 8, 2019
Dooxooyiinka Gobolka sool ayaa waxaa dagaal xoogan oo Loo adeegsaday Rasaas iyo Ciidan waxaa ...
Haweeney Iibisay labo carruur ah oo ay dhasahay si ay u iibsato telefoon nooca Smartphone ka
- Dec 8, 2019
Sida ay sheegeen wargeysyada Shiinaha arrintaan ayaa dhacday sanadkii hore Haweeeney shiinaha u dhalatay ...
Deg Deg Daawo:Afar Qof Oo Hargaysa Ku Dhintay iyo Wararkii Ugu Danbeeyay,
- Dec 8, 2019
Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa sheegaya in afar ruux oo ...